Wixii Dhalaalaaba Dahab Ma Aha, Qurbejoog Walibana
Diktoor Ma Aha!



Doorashadii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dalka ka qabsoontay 26th June 2010, Waxa ku gu ulaystay labadii musharax ee xisbiga Kulmiye mudane Ahmed Mohamed Maxamuud iyo Mudane  Cab diraxman Cabdilahi Ismaaciil, Xilwareenjin aad u qorux badan kadib,Madaxweynaha la doortay  wux uu dhisay dawlad wasaarado ahaan ka kooban kuwii hore wuxuuse sameeyey haya’do cusub oo tiro badan waxa kale oo uu magacaabay jagooyin iyaguna cusub oo hor leh oo aan loo baahnayn hase ahaate loo abuuray keliya in lagu raali geliyo beelaha ama jilibada qaarkood iyo in xilal loo sameeyo xubnihii Kulmiye ee qoondaystey in ay meel ka helaan maamulka cusub welina liiskii wuu furan yahay oo lama xidhin, waxase hubaal ah in aanay suurto gal ahayn in cidkasta la raali geliyo keliya waxay Madaxweynaha ka leexisay u jeedadiisii ahayd in uu dhiso dawlad tiro yar oo tayo badan leh.


Si kastaba ha ahaatee Madaxweynaha dawlada Jamhuuriyada Somaliland Ahmed Mohamed  Maxam uud doorashadii xubnaha wasiirada iyo mansabyada kaleba wuxuu ka xushay qurbejooga reer  Som aliland isaga oo ka doorbiday aqoonyahankii, dadkii waayo aragnimada u lahaa maamulka iyo  xubni hii sarsare ee xisbiga Kulmiye ee dalka gudihiisa joogay, Madaxweynuhu wuxuu rumaysnaa in  qurbe joogu maamuulkiisa wax badan ku soo kordhin karaan isaga oo ku xisaabtamaya aqoonta, ilbaxnima da iyo waayo aragnimada ay ka soo heleen wadamada reer galbeedka ee horumaray, wuxuu filayey hirgelinta isbedelkii uu ku balan qaaday in ay kaga haboon yihiin dadka gudaha dalka.


Fikrada iyo go’aanka Madaxweynaha waxa ku taageeray dadweynaha reer Somaliland oo iyaguna s idaa si la mid ah u arkaayey sidaas oo kale waxa ku qancay aqoonyahankii gudaha iyo madaxdii  Kul miye ee indhaha laga laliyey.


Hadaba ragii qurbaha laga soo xulay waxa laga waayey aqoontii la bidayey, qaar badan oo ka mid ah waxa ku adkaatay maamulkii Wasaaradahooda ,qaar kalena waxay iska baal mareen shuruucdii dalka siiba sharciga shaqaalaha dawlada , tusaale ahaan waxa la sheegaayey wasiir wasaaradii loo magacaabay la yimid dad aan shaqaale ahayn si uu ugu bedelo shaqaalihii hore ee joogay gafafka m aamul ee ay samaynayaan waxa u sabab ah dalalkii ay joogeen waxay ka shaqayn jireen shaqooyin hoose.

Teeda kale waxa ku adkaatay sidii ay iskula qabsan lahaayeen ama iskula jaan qaadi la haayeen xu kuumad ahaan maxaa yeelay waxay ka kala yimaadeen wadamo ku kala duwan dhinacyada idhiyool ajiyada, dhaqaalaha, dhaqanka iyo nidaamka maamulka dawliga ah.


Hada waxa la ogaaday kuwii dalka gudihiisa laga qaatay in ay ka firfircoon yihiin kana tayo fiican yi hiin hase ahaante waxa jira midhadh faro ku tiris ah oo ku haboon kana soo baxay hawlihii qaranka ee loo igmaday.


Isku soo wado duubo oo murti hore ayaa tidhi wixii dhalaalaaba dahab ma aha tu kale ayaa tidhi la ogaayo goroyo haad bay noqotay.


Arimuhu si kastaba ha a haadeen eh Madaxwaynaha Jamhuuariyada Somaliland waa nin da’ah  wax aana u wehelin kara xanuuno yar yar oo ay da’du wadato ,sidaa daraadeed wuxuu u baahan yahay wasiiro hawl kar ah, oo karti badan oo hawlaha wasaaradahooda ka sakow madaxweynaha ka caa wiya furdaaminta arrimaha xasaasiga ah ( Troubleshooters).

Nasiib daro rag baa ka soo bixi kari wa ayey hawlihii loo xilsaaray oo toodiba cuslaysay sidaa awgee d xafiiska madaxweynaha waxa mashquuliyey qaylo dhaanta kaga imanaysa wasaaradaha iyo hay’a daha kale ee dawlada isaga oo la daalaa dhacaya hawlihiisa u gaarka ahaa, waxa miiska u saran arr imo tiro badan oo laga sugayo in uu xal ka gaadho markii ay wasiiradiisu ka baaqdeen in ay ka furta an xalintooda.

Hadaba Madaxweynaha waxa la gudboon in uu si deg deg ah qiimayn iyo dib u eegis ku sameeyo xu bnaha Golihiisa Wasiirada iyo Madaxda kale ee Qaran.

 

 

 

 

Cabdiraxman Cadami
abdirahmanadami@yahoo.com