Wiil uu Dhalay Madaxweyne Cigaal oo ku Baaqay in Baarlamaanku Mooshin ka soo Saaraan la Dagaallanka Argagixisada

 

Mr: Cali Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal

 

Mr. Cali Maxamed Ibraahim Cigaal oo ah wiilka curad ee Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, ayaa Baarlamaanka Somaliland u soo jeediyey inay fadhi degdeg ah ka yeeshaan falalkii arxan-darrada ahaa ee lagu qarxiyey goobihii ku yaalay ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay soo saaraan mooshin ay xukuumadda kalsooni buuxda ugu siinayaan dagaallanka iyo tirtirada argagixisada noocay doono ha ahaatee.

Mr. Cali Maxamed Ibraahim Cigaal isaga oo ku sugan dalka isu-taga Imaaraadka Carabta xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya, ayaa sheegay in falalkan argagixiso ee lagu qaaday xarumaha Madaxtooyada Somaliland, safaaradda Ethiopia iyo hay’adda UNDP loola dan lahaa in lagu tirtiro jiritaanka iyo qarannimada Somaliland, waxaannu ugu baaqay shacbiweynaha iyo golayaasha qaranka ay meel iska dhigaan qardoofooyinka yaryar ee ka dhashay loollanka siyaasadeed ee lagu kobcinayo hannaanka dimoqraadiyadda, una soo jeedsadaan sidii ay gacan bir ah ugu qaban lahaayeen cadowga ee ka xun horumarka iyo xasilloonida beesha caalamku innagu ammaanay.

“Waxaan u soo jeedinayaa Baarlamaanka inay fadhi degdeg ah oo wadajir ah isugu yimaaddaan, kuna soo saaraan mooshin taageero buuxda ku siinaya xukuumadda Somaliland la dagaallanka iyo cibtirka falalka argagixiso ee halista galin kara nafleyda iyo maatida aan waxba galabsan.

Shacbiga reer Somaliland,golayaasha qaranka iyo asxaabtaba waxaan ugu baaqayaa inay maanta meel iska dhigaan yooyootanka iyo qardoofooyinka siyaasadeed ee ka dhashay loollanka dimoqraadiyadda, una soo jeedsadaan isla markaana ay si wadajir ah ugu midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisida cadowga ku ah qarannimada iyo jiritaanka Somaliland ee ku taamaya inay wiiqaan nabadgelyada iyo xasiloonida caalamku innagu ammaano, waxaanan leeyahay Somaliland cadow qudhaata ayey leedahay oo ah ka qaraxyada arxandarrada ah ka fuliyey Hargeysa ee waliba duqeeyey goobihii ugu muhiimsanaa dalka, sida madaxtooyada, waxaanan ku faraxsannahay inuu Madaxweynaheenu ka badbaaday falkaa argagixiso, inkasta oo ay dad badan oo reer Somaliland ahi ku dhinteen, waxaanan leeyahay argagixisadu ujeeddadeedii kumay guuleysan, maadaama uu Madaxweynihii ka samatabaxay, waxaanay doonayeen inay dalka madaxtiraan oo khalkhal dhaco, safaaradda Ethiopia iyo UNDP waxay ahaayeen goobo muhiim ah oo gacan weyn ka geystay sumcadda iyo horumarka Somaliland,” ayuu yidhi Cali Maxamed Ibraahim

Mr. Cali Maxamed Ibraahim waxa uu sheegay in Somaliland iyo Ethiopia ay xidhiidh saaxiibtinimo iyo mid siyaasadeed oo qoto dheer wadaagaan, isla markaana aannu filayn in qaraxyada safaarada Ethiopia aanay waxba u dhimmayn xidhiidhka labada dal, kaas oo rajaynaya inuu sii libin-laabmi doono, isaga oo xusay in dhammaan warbaahinta caalamku ka warameen in safaaradda Ethiopia ku leedahay Somaliland la qarxiyey, iyaga oo isticmaalaya erayga safaarad oo dal uu ka furto dal la aqoonsan yahay, sidaa darteedna waxa uu dawladda Ethiopia ugu baaqay inay aqoonsi rasmi ah u fidiso Somaliland, isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi; “Dunidu waxay si weyn u hadal haysaa safaaradda Ethiopia iyo xarumaha kala ee ay argagixisadu qarxisay, waxaanan leeyahay in qaraxyadani Ethiopia ay u horseedaan aqoonsi caalami ah oo ay u fidisho Somaliland si looga midoobo argagixisada duulaanka ku ah dalalka xorta ah.”

Waxaannu Mr. Cali si qoto dheer u faahfaahiyey horumarka iyo waxqabadka ay hay’adda Qaramada Midoobay ee UNDP Somaliland ka fulisay oo uu sheegay inay shacbiga reer Somaliland arrintaas abaal ugu hayaan, isaga oo ugu baaqay in falalkan argagixiso aanay waxba u dhimin hormarkii iyo waxqabadkii Qaramada Midoobay ka fulinaysay Somaliland.

Ugu dambeyntii Mr. Cali Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu shacbiga reer Somaliland ka tacsiyadeeyey falalkii argagixiso ee arxandarrada ahaa iyo dhammaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaas.


 

 



Jamhuuriya Online