Wiil Dhalinyaro Ah Oo Hargeysa Ku Geeriyooday Ka Dib Markii Askari Boolis Ahi Rasaas Caloosha Kaga Furay,Welina Maydkiisi Yaallo

 

Alle ha u naxariistee Cabdikariin Cabdilaahi Cumar oo da'diisu tahay 19 jir ayaa xalay u geeriyooday rasaas uu riday askari ka tirsan ciidamada rugta Booliska ee Xaafada Siinay Degmda Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa.

Wiilkan 19 jirka ayaa isla goobtii ay xabadu kaga dhacday ku geeriyooday, ka dib markii ay rasaasi ka cuskatay Caloosha. Axmed Cabdilaahi Cumar oo ay walaalo ahaayeen marxuumka oo ka mid ahaa dadkii maydka siday ayaa qaabka falkii dhimashadu u dhacay uga waramay Weriye ka tirsan Wargeyska Saxansaxo oo tagay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa markii maydka la keenay.

"Goobta lagu dilay walaalkay waxay ahayd rugta booliska ee Xaafada Siinay oo ay ku xidhnaayeen xiligaa laba dhalinyaro ah oo dagaalamay, markii ay booliska rugtaasi isku dayeen in dhalinyarada loo soo wareejiyo saldhiga Degmada Axmed Dhagax waxa sawaxan iyo buuq bilaabay dhalinyaro diidanayd in la qaado, waxaana rugtii ku soo uruuray dadkii ka agdhawaa goobta, sidaa daraadeed askari ka mid ah booliska rugta ka hawlgala oo aan xidhnayn direyskii askarinimo ayaa si kibir iyo badheedh ah ula soo baxay Baastoolad oo si toos ah u soo toogtay Walaalkay. Waxaanu ku dhintay isla goobtii" ayuu yidhi Axmed Cabdilaahi Cumar.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi"Ma jirto sabab lagu qanci karo oo dilkani ku yimi. Waxaan doonayaa inaan aasayn mayka walaalkayo ilaa intaa gacanta la soo qabanayo danbiilihii falkan geystay oo lugta loogu xidhayo meydka marxuumka, mana yeeli doono man aqbalyno haddii ay wax kastaaba dhacaan."

"Walaalkay waxa uu dhigan jirey fasalka sadexaad ee Dugsiga sare ee Iskuulka Dayib Gurey waxaanan u diyarinayey jaamacad, balse nasiib-daradan ayaa dhacday manaaha wax la aqbali karo in ciidamadii bulshada u adeegayey inay maalin walba arday dhafoorka xabad kaga dhuftaan"

Maydka Marxuumkan ayaan illaa maanta Gelinkii dambe aan la aasiin, isla markaana ma jiro war xaqiijinaya in Askarigii Gacan-ku-dhiiglaha ahaa la qabtay iyo in kale, hase ahaatee, warar is khilaafsan ayaa qaarkood sheegayaan in la qabtay, halka kuwo kalena ay ka sheegayaan in aan weli la qaban.

Maaha markii ugu horeysay ee sidan oo kale Ciidamada Somaliland qof rayid ah oo aan waxba galabsan ay toogasho ku dilaan, hase ahaatee, waxa marar badan soo noqnoqda dadka rayidka ah, gaar ahaan dhalinyarada ee sidan oo kale xabad lagu khaarajiyay iyaga oo aan wax dhib ah gaysan. Isla markaana weli Xukuumaddu mushkiladaas ma jirto wax talaabo ah oo ay ka qaaday oo lagaga hortagayaa, sidoo kalena weli lama arag Askari sidaas oo kale qofaan waxba galabsan toogasho ku dila oo Sharciga la horkeenay.
 

 


Hadhwanaagnews