Weynow Laba Taloba tii Roon.AAMIIN!!

Laba talaabo oo in badan iskaga mid ah keebaa u dan ah ummadda ?  Tirakoob qabyo ah oo aan sax aheyn laakiin dabada ay ka riixayaan  deeq bixiyayaasha iyo diiwaangalin la'aan laga wada dharagsanyahay  galda loolooyinkeeda midkee lagu qabtaa doorashooyinka madaxweynaha JSL?


Somaliland laba arrimood ayaa ugu mug iyo miisaan weyn waxyaabaha astaanta u noqday ee ay ku faanto. Labadaa tiir ,oo aduunweynuhuna inoo qiray, waxa weeyi nabadgalyada iyo dimuqraadiyadda wadanka ka hanaqaaday.

Labadaa astaamood ayaa lagaga soocaa Somaliland wadamada kale ee mandaqadda ku yaal gaar ahaan Somaliyada ay naafeysay qalalaasaha iyo jahawareerku.


Tiirka dimuqraadiyadda waxa laf dhabar u ah doorashooyinka uu shacabku doorato cidda ay doonayaan in ay hawlaha qarranka u igmadaan. Waxa lagu qiyaasaa mudakarnimada dimuqraadiyadeed ee umadi leedahay hadba sida ay doorashooyinka u qabtaan ee ay u maamulaan. Somaliland waxa ka qabsoomay doorashooyin door ah oo badankoodu u dhaceen si macquul ah oo badi dadku raali ka wada yahay aduunkuna inooga markhaati noqday.

Hadaba waxa imika fooda inagusoo heysa doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo dhowr jeer oo hore dib loo dhigay.Mar kasta oo dib loo digabana waxa ay inagu abuurtay jahawareer iyo murran mararka qaarkood meel fool xun inaga gaadha ,oo khatar gaadhsiiya jiritaanka Somaliland. Nasiib wanaag mar walba waa loo guntaday oo sidii caadadeenu aheyd caqligaa laga shaqeysiiyey oo is afgarad iyo wanaagbaa lagusoo afjaray dhibaato kasta oo inala soo darista.


Laakiin dhibaatadan maanta joogta ee la xidhiidha doorashada fooda inagusoo heysa waxa ay u eegtahay mid ka weyn kuwii hore.Waxa ay u baahantahay in loo waajaho si ka missaan badan sidii kuwii hore. Miisaanka iyo ahmiyadda ay leedahay ama ay kaga duwantahay kuwii hore waxa ka mid ah:

1) In talada la inala leeyahay oo sidii kuwii hore aanay aheyn.Talada habka doorashada waxa aynu waxa ka siinay shisheeye.Sidaa waxa aynu u yeelnay waxa ay aheyd inagoo ujeedo ka leh.Ujeedadaas oo aheyd markhaati caalamiya in ay huwanaato natiijada doorashadu.

2) In ay mudadii hawsha la gali lahaa ay gaabantahay oo aanu waqtigu inoo saamaxeyn in aynu la habsaano xallinteeda.

3) In maanta ay adagtahay oo dadku aanu liqi kareyn ama aqbali kareyn dib u dhig kale oo ku yimaada doorashooyinka

4) In uu caalamku aad daneynayo oo ay tahay mashkax la inagu qiyaasayo halka ay arrini inaga taal iyo mudakarnimadeena siyaasadeed. Waxa diyaar la inoola yahay in haddii si hufan oo xalaal ah aynu u qabsano doorashadan abaal weyn, oo wax ka tara himiladeena iyo qadiyadeena muqadaska ah, la inoo huro.

5) In cadowgu aad u jecelyahay in aynu ku guuldareysano si aanay inoogu suurtoobin in aynu helno abaalmarintaa caalamku inoolaa diyaarka yahay.


Hadaba inagoo maskaxdeena ku heyna arrimahaas iyo kuwa kaleba waxa muhim ah in aynu qabsano doorashada waqtigii loogu tala galay oo cid kasta aynu ugu quus goyno.Laakiin waxa isweydiin leh sidee ayeynu u qabanaa doorashada kol haddii khilaaf xoogani ka jiro habkii loo qaban lahaa?

Waxa jira laba mabda'a oo ay kala ayidsanyihiin xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridku.Runtiina labada mabda'a farraq weyn oo u dhaxeeyaa ma jiro. Waxa la isla qirayaa in labada fikradoodba uu ku jiro khaladaad iyo madmadow wax u dhimi kara xalaalnimada natiijada doorashooyinka.Labada fikradood waxa ay yihiin:


· In doorashadu ku dhacdo iyadoo la raacayo tirakoobka qabyada ah ee ay soo gudbisay hayada Interpeace oo ay ayidsanyihiin xisbiyada mucaaridku

· In doorashooyinka lagu galo diiwaangallin la'aan sidii kuwii horeba u dhaceen oo ay ayidsanyihiin xukuumadda iyo xisbiga talada haya.


Waxa haboon ayey aniga ila tahay in la qaato mawqifka hore oo doorashadu ku qabsoonto iyadoo la adeegsanyo tirakoobka ay Inter peace soo saartay.Taa macnaheedu maaha tirakoobkaasu waa sax lakiin sobobtu waxa weeyi:

1) Waxa ay xisbiyadu ku heshiiyeen in natiijada kasoo baxda serverka lagu dhaqmo oo la ixtiraamo. Lagama afeef dhigan haddii boqolkiiba boqol natiijada lasoo saaraa sax noqon waydo ha la laalo. La islama meel dhigan ilaa xadkee in uu sax noqdo natiijada uu serverku soo saari doono ee aynu ku dhaqmeyno.

2) Kol haddii labada dariiqoba uu madmadow iyo galdaloolooyin ka muuqdaan waxa haboon in aynu qaadano ka aynu aduunweynaha ayidaad kaga kasbeyno oo ah ka natiijada serverka ee la hayo.
3) Haddii aynu ku dhaqano natiijada server ka waxa aynu shahaadad ka heleynaa inter peace oo ah ta iyadu soo gudbisay tirakoobka.Waana hayada ay wakiisheen deeqbixiyayaashu.Deeqbixiyayaashaasuna waa kuwa aynu ictiraafka caalamiga ah kaxodxodaneyno ee aan ka quudareyneyno.

Gunaanad:

Waxa arrimahaas oo dhan ka wada mudan wixii lagu heshiiiyo.Somaliland na waxa ay halkan kusoo gaadhay in amuuraheeda ay ku dhameystaan is afgarrad, wada tashi iyo isu tanaasul.

Reer Somaliland waa in aanay noqon kuwa ku hafta kala doorashada laba talaabo oo aan farraqweyniba u dhaxeyn oo ku murrankoodu u horseedin in ay ka wiiqanto doorashadu.

Waxan ka digayaa in aynu noqono inagoo isku luqad, dhaqan, iyo isku  dan ba ah la inoo kala turjumo oo cid kale inoo kala dab qaado sida ka dhacda reer Somalia.

Rabigayow laba talaba tii roon.
Rabigayow halka kheyrku ku jiro nagu ilhaan
Rabigayow tawfiiq iyo isafgaradka na waafaji.

 

 


AAMIIN!!AAMIIN!!AAMIIN!!!


By: A.Aw Hussein