Wey dhalatay ee yey gurguuran ee ha socoto
Dawlad ayaa dhalatay aqoon iyo karti lagu xulay, dawlad
la sugayey oo la saadaaliyey, oo ku timi talo iyo la-tashi.
Waa la hanbalyeeyey, waa lagu farxay waana loo duceeyey.
Haddaba dhalatey ee yeyna noqon mid muddo ku lumisa
fadhi barad iyo gurguurad, waa inay sida ugaa dha
ay dhalashadeeda kolkiiba raacisaa socod, guclo iyo orad.
Dalkaa u baahan inay weliba ye eshaan balaal ay ku
duulaan hadday suurtagal tahay. Baahidaa badan,
baylahdaa buuxda, day acaa daafaha Soomalilaan daadsan.
Adduun ma leh, maamul ma jiro, weli waxa ibaha
dhaqaal aha ku dhegsan goofanayaashi shalay lahaa
weelkayaga waxbaa ka dhiman, rabana inay sii buuxsadaan.
Faalo waayimayso, waa leyga tegay iyo waa leynaga tegay
waa joogto, boqol haddii laga dhig o iyo hadday
toban tahayba eeddu waa halkeed. Waa se mid u baahan
caqli celin, tusaaleyn iyo baraarujin inta xilkaska ah
ee bulshada iyo beel walba ka buuxda. Maamul dawlo kuma
eeka wasiir, waxqabadka iyo mas’uuliyadda wasiir looga
fadhiyaa ma aha mid reer leeyahy, ma aha mid beeli
leedahay, ma aha mid qoys leeyahay. Danta guud aan
dhisno, aan ku fakirno sidii loo horumarin lahaa
arrimaha bulshada ee waxbarasho leh, ee caafimaad leh,
ee jid iyo jaangooyo leh. Dhisme ganacasi iyo horumar
dhaqaale iyo shaqo abuur ayaa leynaga rabaa. Wasiirada
la dhisay waa dar sifo wacan leh, nasiibna u yeeshay in
lagu sharfo xilalka ugu weyn dalka. Ma aha iyagaa dadka
ugu wacan, mana aha iyagaa ugu daacadsan, ma aha
laaluush iyo iibay ku yimaadeen, waa duul bulshada laga
soo dhex-xulay oo loo eegay arrimo badan, mid aqooneed,
mid deegaan, mid jinsi (Gender), ooy weheliyso aqoon iyo
karti iyo iwm.
Waxa lagu jira xili u baahan feejignaan iyo dedaal
dheeraad ah, gaar ahaan dhinaca ammaan ka, iyadoo
marxaladdan ay cid kasta oo nacab ihi doonayso inay
waxyeelo u gaysato qaranka iyo xukuumadda. Waxa iyana
jirta niyadda shacbiga oo u soo jeeda waxqabad, ayna
tahay in inta xiisahu jiro la abqaalo dhaqan shaqo oo
heer kasta ah.
Waxa xiligan habboon in la hirgeliyo arrimahan:
1. Dawaamka shaqada dawladda oo laga dhigo 7 subaxnimo
ilaa 2da galinka dambe. Taas waa inay hormood ka
ahaadaan Golaha Wasiiradu. Shirka Golahu waa inuu noqdaa
8 subaxnimo, ha ddanu ka horeyn.
2. Waa in degdeg loo
qiimeeyaa hay’adaha ammaanka, badhasaabada, degmooyinka
aan laha yn mayarada, ciddii bedel loo arkana
dhekhso loogu dhaqaaqaa. Waa halbowlay hadduu wiiq
mo dhiig bixiiso muddo qaadan doono, ee intayna nabar
gaadhin ha la qabto.
3. Waa in Wasaarad
waliba degdeg u qiimeysaa miisaaniyaddii dawladii hore
waxa la isticma alay iyo waxa hadhsan. Isla markaasna
soo qadintaa miisaaniyad ku dhisan barnaamajkooda inta
sanadka ka hadhay lana xidhiidhisaa Wasaaradda
Maaliyadda oo kabid-miisaaniyadeed u gudbin doonta
Barlamaanka kolka Golaha Wasiirada laga ansixiyo.
4. Sidoo kale waa in
hay’adaha dakhliga, kuwa maaliyadda iyo kuwa
ilaalinta-hantida qaranka la qiimeeyaa, lana bedelaa
ciddii loo baahdo sida ugu dhakhsaha badan.
5. Wasaaradda
Maaliyaddu waa inay warcelin buuxda ka dalabtaa
Xisaabiyaha Guud, Hantidh owrka Guud, Aagaasimaha Guud
ee Maaliyadda, Bankiga, Maamulka Dekedda, Maamulka
Garo omada IWM, taasoo la barbar dhigi doono warbixinaha
au soo qadimaan wasaaradahu.
6. Waa in la dhisaa
Masuuliinta Maaliyadda oo u xilsaaran la shaqaynta
Guddiga Maaliyadda ee Golaha Wakiilada, lana helaa
warbixinihii Barlamanku ka baxshay Miisaaniyadda, si loo
helo dul duleedka maamul-lacageed ee jira.
7. Waxa iyana habboon
in Golaha Wasiiradu ooy weheliyaan Madaxda xisbigu, ay
dardar geliy aan waciyi-gelinta bulshada oo ay u
kala baxaan gobalada dalka, noqdaan qaar u diyaar ah la
kulanka Warbaahinta Madaxbanaan iyo tan dawliga ahba.
8. Waa muhiim in la
sameeyo xaflado lagu muujiyo guusha KULMIYE iyo
damaashadka xukuuma dda cusub. Niyadda shacbigu u
hayo isbedelka dalka ka dhacay waa muhiim in farxadda
buls ho-weynta lala qaybsadaa.
Ha la baro bulshada in xafiisyada loo shaqo tago, een
loo sheeko tegin. Taas waxa kow ka ah in Wasiiradu ka
waantoobaan inay sidii kuwii ka horeeyey ka dhigtaan
xafiiska majlis ay kula sheekeystaan saaxiibadood. Ha la
joogteeyo dawaamka bilaabma 7 subaxnimo oo hormood ha ka
noqdaan Wasiiradu. Hana la qabatimo in shir kasta uu
yeesho agenda, kaas oo qaybta hore noqoto mid ka
warcelisa kii ka horeyey waxii laysku ogaa iyo waxa ka
qabsoomay. Hana yees ho qoraal murtida shirka ah
loona qaybiyo inta ay khusayso. Yeyna noqon duul hadal
aan qor aal ahayn ku hawl gala. Sidaas oo kale ha
ula dhaqmo wasiirku agaasimayaasha iyana hawla dhaqmaan
shaqaalahooda. Ha la caadaysto qoraal leh tixraac iyo
raad lagu xisaabtamo, kaas ayaa dhaxal u noqon doona
ummadda, laguna toosin karaa qalooca maamul. Raali ha
ahaada an doktoorada iyo mas’uuliintu, haday u arakaan
taladan mid meel ka dhac ku ah aqoontooda. Waayo waxa
iga yeedhsiiyey, waxaan ogahay in qoraal la’aani
ragaadisay maamulka dalka.
Yaan la sugin fadhi barad iyo gurguurad ee ha la
gucleeyo, ugu yaraana ha la socdo. Ummaddu samir ha
ogaato, hoggaankuna ha tuso waxqabad iyo wacyigelin
joogta ah. Adeegsada warba ahinta oo noqda duul
ogol in la dhaliilo, bal se diyaar u ah inay dhaliisha
toosiyaan hadday jirto, haddii kalena u bayaamiya
bulshada. Rag aamusay iyo riyo aamusayba reerkooday ayey
gabeen.
Aan idinla wadaago fariimo iigu yimid email ahaan oo
afartameeya ah dhowr aan soo xulay si aad iila aragtaan
degdega iyo faduusha dadkeenu caadaystay. Intan aan
idiin soo dooray cid da ii soo dirtay aqoon isuma
lihin.
“ Maxaad ku garateen inaydun laba wasiir qaadataan”
“Ciddii guusha Kulmiye keentay waa laga tegay, ee adna
sidaas ku samir”
“ Ma mar kale ayaa leydinka dhex toosay”
“ Walaal waxaan rabaa Agaasime Guud ee Odayga iigala
hadal”
“ Taageeradii aad joogtada Siilaanyo u haysay een marna
joogsan, ma laga yaabaa inuu odaygu beesha ku mooday,
Illeyn si kale kaamuu tegeene!..”
Fariimahani iyo qaar cay, ammaan iyo hanbalyo isagu
jiraa waxay ku tusayaan sida bulshade enu ugu
habsaantay shaqo qof leeyahay iyo danno gaar ah, halkay
ka doodi lahayd diiradana saari lahayd danta guud iyo
adeega bulshada. Waa se la baran oo waa laga kori aniga,
iyaga oo waxa la qabatimi innaga, innaga iyo innaga .
Waa inoo kulanti kale iyo weedho aynu wadaagno, haddii
EEBBE idmo.
Waa guul iyo mustaqbal wacan Insha Allah.
|