Ogaysiis: Shirwaynihii 3-xaad ee West London Somaliland Community

 


Wuxu urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community si xushmaddi ku dheehantahay idinku marti qaadayaa shirwaynaha 3-aad ee ururka oo qabsoomi doona bishan October 15-keeda kana dhici doona xaafada Hayes ciwaanka ah: 71 Coldharbour Lane (Salvation Army  Cen tre) oo ay 4 guri u dhaxeeyaan makhaayada Al-jasiira la yidhahdo ee ku taal isla Hayes. Shirku wuxu bilaabmayaa haddii ilaahay yidhahdo 5-ta galabnimo wuxuuna dhammaan doona 9-ka hab eenimo.


Urur jaaliyadeedkan oo imika jira muddo sadix sanadood ah, waxa loo aas-aasay innuu jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan galbeedka London ka shaqeeyo baahidooda iyo dantooda isla  ma rkaana kor u qaado aqoonta bulshada reer UK ee ku wajahan dalka iyo dhaqanka Somaliland. Intii uu soo jiray urur jaaliyadeedkani waxa u qabsoomay waxyaabo dhawr ah oo sal u noqon  k ara kobaciisa iyo horumarkiisa, wuxuuna hiigsanayaa innuu noqdo urur balaadhan oo reer  Som aliland-ka ku dhaqan galbeedka London si hufan ugu adeega. Shirwaynahani waa fursad aanu rabno inaanu idinla wadaagno waxyaabaha qabsoomay iyo inaynu isla eegno sidaynu u qaban karno waxyaabaha hadhay iyo sidii aynu u gaadhi lahayn yoolka ururka.



Waxa kaloo aynu shirwaynaha sanadkan kaga hadlaynaa diiwaangalinta (census) ka  qabsooma ysa dalkan UK sanadka soo socda ee 2011 bishiisa 3-xaad. Waxa shirkan inagalsoo qayb galli doonaa koxda Hillingdon ugu xil saaraan faafintiisa oo markaa inooga warami doonaa faa’iidada ay diwaan galintani bulshadeena u leedahay. Sidoo kale waxa shirkan inagalasoo qayb galli  doo naa jaaliyadaha reer Somaliland ee magaalooyinka Birmingham, Bolton, Cardiff, Manchester iyo Sheffield si arinkan si wada jir ah loo abaaro oo looga midha dhaliyo. Waxa kaloo shirkan ka hadli doonaa safiirka Somaliland ee UK mudane Aden Musse Jibril, wakiilada xisbiyada qaranka ee KULMIYE, UCID, UDUB iyo waliba Dr Maxamed-Rashid oo ah musharixii madaxwayne ku xigeenka UCID ee doorashooyinkii Somaliland. Iyana waxa shirkan kasoo qayb galli doona  gudoomiyaya asha ururada SSE (Somaliland Society Europe) iyo SSUK (Somaliland Society UK).



Hadaba waxaanu aad idinka codsanaynaa inaad si baaxad leh ugasoo qayb gashaan  shirwayna han si aynu danaheena, hadaynu nahay reer Somaliland, si wada jir ah ugu adeegno oo aynu isla eegno bal sidii aynu umad muuqata u noqon lahayn.



Waa innoo iyo shirwaynaha iyo dareen midaysan.


Wixii faah-faahin ah kalasoo xidhiidh xafiiska urur jaaliyadeedka: 0208 848 1180 amma 0795 775 8340

 



Maamulka West London Somaliland Community