WERSHEDDA SIBIDHKA BERBERA IYO GO'AAMADA MADAX DHAQMEEDKA SUBEER AWAL

 

Dhammaan akhyaarta magacyadoodu hoos ku lifaaqanyihiin oo ka mid ah qurba jooga ka soo jeeda Gobola Togdheer, Saaxil, iyo Maroodi Jeex iyo Gabiley ayaa halka ku soo gudbina ya fikradda ay ka qabaan iyo aragtidooda ku wajahan hadalo is dabajoog ah oo ka soo ye edhaya koox ka mid ah madaxdhaqmeedka Beesha Subeer Awal:--

Haddii aadamuhu ka xuubsiibto kaalintu kaga aadanaa bulshada, oo hawl aan loo igman tu urta ku qaato waxa hubaal ah in uu lumiyo milgihii, karaamadii, sharaftii, qaderintii, iyo ma amuusba. Waxana hubaal ah marka ay arrimaha noocaas ihi dhacaan in su'aalo badan la is weydiiyo. Sida sooyaalka taariikhdeenu sheegayo Madaxdhaqmeedku wuxu bulshada kaga jirijirteyu kaalin mug leh oo ay ku lahaayeen ixtiraam maa daama ay hawsha ay hayaan aq oonteedii iyo waayo aragnimadeedii lahaayeen, sidaana ay ku kasbadeen kalsoonidii.

Horeyso iyo dambeysaba kaalinta madaxdhaqmeed haybad iyo karaamo kula lahaa waxay ahayd nabadaynta bulshooyinka degel wadaag ah markay xurkufo iyo xasilooni darro ka dhex aloosanto. Daawaantay iyo deminta colaaduna waxay ahayd ta ugu muhiimsan. Sida darteed ayaa waxa lama huraan ah in madaxdhqmeedka sebenku ku ekaado kaalintaa soo jireenka ah ee ay ummada ugu igmanaayeen.

Iyada oo dalkuba sidiisa ula liito jahawareer siyaasadeed oo la garan la'yahay xukuumadd ii dalka taladiisa haysey meel ay ka socoto iyo meel ay ku jiheysantahay toona, ayaan wax aan marnaba haboonayn in ay qaar ka mid ah madaxdhaqmeedka Beesha Subeer Awal ay ku dhex milanto qaabka iyo farsmada dib u dhiska iyo Saami Qeybsiga Wershedda Sibidhka ee magaalada Berbera sababtuna waxay tahay arrintu way ka baxsantahay xeyndaabka cimaamadda madaxdhaqmeed ka taliyo. Inaga oo ogsoon in dalku u baahanyahay wershed eyn iyo horumar kaleba ayaa isla markaana wax habboon in jidka wax ku qabsoomayaan a an indhaha laga lalin. Marka wershed sibidh la hirgelinayo waxa ka horeysa in si cilmiyeysa n looga baaran dego dhib iyo dheef masruuca noocan ah wixii ka iman kara. Cidda daraasa dda samayneysaan waa in ay noqdaan dad aqoonteedii leh oo lagu kalsoonaan karo. Ka di bna waxay ummaddu iska kaashan kartaa maal gelinta wershedda iyadoo gancsatada iyo bulshadu gudo iyo debedba ka qeygeleysa. Shakhsi iyo kooxi toona xaq gaar ah uma laha in ay ku kaliyeysato maalgashiga dalka e ha la ogaado in loo simanyahay.

Sidaa marka ay tahay ayaan haba yaratee kaalini uga bannaanayn kooxda madaxdhaqme edka Beesha Subeer Awal e leh waxaanu go'aan ku gaadhnay in laba wershedood oo sibid h Berbera laga dhiso. Kooxdan warbaahinta hadba wax ka soo tebineysaa ha ogsoonaato in ay qori dab leh ku qabteen ummaddii ay madax dhaqmeedka u ahaayeen, oo waa taa m arkhaati madoon laba goosan u kala dhaqaaqday. Arrintaasi waxay qumaati u dureysaa caqliga fayow oo inna tusaya in awood dhaqaale wixii la helyo meel la isugu geeyo si ay u fududaato kicinta wersheddan laba iyo labaatanka sannadood fadhidey. Waxa la gudboon madaxdhaqmeedka dalka gebebi ahaantoodba in ay ka waantoobaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha maa daama aynu ka soo gudubney xiligii ay xukuumad iyo madaxdhaqmeed talada dalka ku hirdami lahaayeen.

Ugu dambeyntii waxanu leenahay inta arrintan si toos ah fara ugu la jirta iyo inta daaha d abadiisa ka riixaysaba: Hayaanku marbuu ahaa; mar labaad si fudud gibilka saarimayse, ya an meesha lagu karaamo seegin. Madaxdhaqmeedoow shaqadaadii ku ekow oo halka bayla hda dhabti ihi ka jirto ka hawl gala.

Magacaya dadka fikradan soo jeediyey:

Ahmed Ali Ibrahim
Hassan Osman Abdi
Adam Mohamed
Omar Mohamed
Abdirashid Hassan Ahmed
AbdiHakim Mohamed Abdillahi
Mousa Nour Duale
Ahmed H. Mohomed
Ahmed Ismail Meygag
Abdirezaq Hassan Adam
Abdi Ibrahim
Awil Adam Mohamed
Abdirasheed Ali Hassan
Ahmed Ali Hassan
Omar Hassan mohamoud
Yassein Abdillahi Elmi
Abdi Mohamed
Saeed Adan Mousa
Ibrahim Ali Osman
Dr. Kendiid Ali Hassan
Mohamed Osman Ali
Eng.Mohamed Abdillahi Nur
Hassan hussein Migane
Ali Abdi Jama (Ali Jackson)
Mukhtar Abdillahi Nur
Kendiid Ali Amman
Hussein Liban
Ibrahim Hassan Warsame
Muse Jama ( Muse Casood)
Mohamed Yusuf Ali
Ahmed Abdillahi (Gadhle)
Mustafe Hussein
Abdi Fatah Ahmed Mohamed
Farhan Abdilahi Elabe
Cabi M. Mohamud Omar Hashi
Abdirahman Yusuf (Anis)
Mohamed Ibrahim Qalinleh (Ciro Side)
Mohamud Khayre
Mohamed jama nuur
Cali Cabade
Ibrahim Mead
Abshir Nur Omar
Abdiqadir Muhumed Mah
Abdi Ismail (Dhamac)
Abdi Kayd Sahardid
Abokor Ibrahim Mohamed
Ahmed Mohamed Suleiman
Ahmed Nasir Mohamed
Ahmed Yassin Mohamed
Eric Raymond
Hassan Guleed
Ismail Hersi
Osman Hashi Awad
Hassan Adami(Cadami
Awale Abdirahman Mohamed
Abdirahman Batun
Ahmed Abdi Guleed
Yousuf Ahmed Absiye
Yousuf Jabouti
Dahir Mohamed Rageh
Mohamed Osman Ahmed
Ismail Yamakama
Mursal Odowa
Hussein Garage
Mohamed Ahmed H. Elmi
Abdirahman Kuwaiti
Mohamed Ali Hersi(Deeq)
Mohamed Osman Hashi
Mohamed Ali Egeh
Warsame Ali Egeh
Abdirahman Yousuf Osman
Ali Yousuf Osman
Ali Hassan Awale
Nasir Hassan Awale
Jamal Abdirisak (Jayna'ade
Abdirizak H. Ibrahim Jayna'ade
Mohamed Ibrahim Gamoute
Anwar Omar Kujoog
Jama Awl
Mohamed Ali Kostin
Ali Ibrahim


Wa taciyaha udun waaci