Weriye Siciid Maazim Axmed Cawaale Oo Soo bandhigay Sobobta keentay kacdoonka shaqaalaha wasaarada warfaafintu fariinna u diray Madaxweyne Silanyo

 



Anigu mudo 6 sano iyo dheeraad ah ayaan u soo shaqaynayay Tv-ga qaranka iyo Idaacada Radio Hargeisa waxaanan uga tagay arimahaas iyo dhexdhexaad la’aanta ka jirta..........


Ankara (TNN):-Waxa dhamaan bulshada Somaliland beryahan dhagahooda ka badatay arinta ka taagan wasaarada warfaafinta somaliland oo gaadhay heer ay shaqaalihii adkaysan kari waayaan dulaynta nafsi ee lagu hayo balse laysku dayay in laga leexiyo dariiqa dhabta ah ee ay lahayd arintu.

Marka hore waxan aad u taageerayaa isku duubnida ay sameeyeen shaqaalaha wasaarada wa rfaafintu, mana aha markii ugu horeysay ee ay tanoo kale dhacdo laakiin sobobta kicisay xaraa rada dulmiga ka taagan wasaarada gaar ahaan tv-ga qaranka somaliland ayaa ku qotonta ka dib markii ay adkaysan waayeen waxyaabaha bini-aadannimada ka baxsan ee lagula kacay sida iyada oo la duudsiyay xuquuqdoodii, cabudhin joogto ah, gunooyinkoodii oo si sharci daro ah loo goostay kuna dhaca jeebka maareeyaha Tv-ga qaranka,halka qaarkoodna lagaba goostay mus haharkii, waxaba taas ka daran shaqsiyaad aan ahayn shaqaalaha rasmiga ah ee wasaarada oo ka soo jeeda ardaaga maareeyahu (ilmaadeer isku dhaw) ay ku hayaan bahdilaad kuwaasi oo lugu naasnuujinayo lacag shan jeer kusoo laban laabanta inta ay qaataan shaqaalihii rasmi ga ahaa ee ay dawladu ka qaaday imtixaanka.

Waxa kale oo jira shaqaale kale oo sanado badan ka hawl galayay tv-ga qaranka Somaliland iyo Radio Hargeisa kuwaasi oo aan ilaa iyo hada qaadan wax mushahar ah taas micnaheedu maaha in aanay dawladu siin balse waxa lacagtooda qaata qaar kale oo dhexmarayaal iyo daba dhilif u ah maareeyaha tv-ga, shaqaalahaasi dhididkooda la duudsiyay waxa ka mid ah weriye Khadar Nuux Yoonis. Musuq maasuqa ka taagan tv-ga qaranka Somaliland waxa uu gaadhay heer la ba dalo oo bilaa camal laga dhigo dirawaladii lana keeno kuwo cusub oo maareeyaha tv-gu Khadar Cali Gaas ay ood wadaag yihiin, arimahaasi iyo kuwo kale oo is biirsaday ayaa keentay in shaqa aluhu ay ka dhiidhiyaan bahdilaada nafsiga ah ee lagu hayo.

Anigu mudo 6 sano iyo dheeraad ah ayaan u soo shaqaynayay Tv-ga qaranka iyo Idaacada Ra dio Hargeisa waxaanan uga tagay arimahaas iyo dhex dhexaad la’aanta ka jirta, waxaase dhici doonta mar ay timaadaba in ay albaabka boobaan shaqaalaha wasaaradu hadii aan waxba laga qaban arimaha ay ka cabanayaan

Waxan jecelahay in aan si gaar ah fariin ugu diro madaxwynaha Somaliland Md.Axmed Maxamed Silanyo oo tan iyo wakhtigii uu xilka madaxweynenimo la wareegay aan si dhaw ula shaqayn jir ay ‘’ mudane madaxweyne dulmigan lagu hayo shaqaalaha wasaaradu mudo badan ayuu qarso onaa hadiise uu maanta dibada u soo baxay maaha in aad indhaha ka qarsato ama aad baabaca da saarto shaqaalaha xaqooda raadinaya, hadi ay dhacdo waxa ka dhalan doonta cawaaqib xu mo saamayn doonta shaqaalaha dawlada oo dhan, waxana iman doonta in ay timaado kacdoon shacbi oo kuugu iman doona qasriga ay umadu ku fadhiisisay’’
 

 


Timacade News Desk
Ankara,Turkey