Weriye reer Somaliland ah oo ku Guuulaystay Abaal marinta ugu Sumcada badan Qaarada Afrika ee ay bixiso CNN

 

 


Johannesburg (TNN) :- Tifaftiraha Wargeyska Waaheen, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa ku guulaystay abaalmarinta ugu qaalisan uguna sumcadda badan guud ahaan Qaaradda Afrika, taas oo uu bixiyo Telefishanka caanka ah ee CNN ta ee xaruntiisu tahay dalka Maraykanka. Tatartankan oo sannad le ah ayaa sannad kasta ay ka qayb-qaataan kumanaan saxafiyiin ah oo ka hawlgala saxaafadda Afrika, waana kalkii 16 aad. Waxa  san nadkan ka qaybgalay saxafiyiin ka kala socday 42 dal oo Afrika, kuwaas oo ay kama danbaystii ku soo baxeen 27 saxafi oo ka socda 13 dal. Hase yeeshee waxay CNN maanta shaacisay in BILADDA XORIYADDA SAXAFIGA uu ku guulastay Moxamud Cabdi Jaamac, halka saxafiyiinta kale lagu kala saari doono tartan ka dhacay  magaa ladda Johannesburg bisha June 22 ilaa 26da.

Liiska saxafiyiintaas ku soo baxday tartankan oo si rasmi ah loo shaaciyey maanta galinkii danbe, ayaa dhagta loo taagayey ayaamahii ugu danbeeyay oo dhan, iyadoo muddadaasna ay guddida soo kala xulaysay ay ku  ha wlanaayeen sidii ay kula saari lahaayeen kumaanka saxafi ee tartanka adagi lagu kala xulayey.

Waa markii ugu horraysay ee saxafi reer Somaliland ku guulaysto abaalmarinta oo ah ta ugu sumcadda badan qaaradda Afrika, guud ahaana caalamka aad looga tixgaliyo.

Mr. Joel Kibazo oo isagu ku dhawaaqayey saxafiyiinta abaalmarinta ku soo baxay ayaa sheegay, in sanadba sannadka ka danbaysay ay sii adkaanayso kala saarida saxiyiinta Afrika ugu wanaagsani, taas oo ay ugu  wa can tahay sida uu sheegay iyagoo saxafiyiinta ka qaygalayaa ay yihiin kuwo gudashadooda mihnadda saxaaf adeed ay aad u sarayso.

Tifaftiraha Wargeyska Waaheen, Mr. Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa ku soo baxay abaalmarinta  Saxaf aadda Madaxbannaan ee Afrika (Free Press Africa Award). Mr. Maxamud Cabdi Jamac ayaa bishii January 22 keedii, ay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay ku riday xukun sharci-darro ah, iyadoo ku xukuntay xadhig dhan 3 sannadood iyo badh, iyo waliba ganaax lacageed oo dhan 6 milyan oo SLsh/=. Xadhigan ayaa ka danbeeyay ka dib markii masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo uu warar wargeysku qoray ku  tilmaam een inay ahaayeen kuwo been-abuur ah oo loola jeeday in sumcaddooda lagu dilo, isagoo caddaymahii kala duwanaa ee arrintaas uu iskaga difaacayey Wargeysku ee maxkamadda hor keenayna la iska indha tiray oo lagu riday, sida uu Tifaftiraha Wargeyska Waaheen sheegay, xukun aargoosi ah oo iska sii qorshaysnaa. Balse qaylo-dhaan guddo iyo dibadba leh oo arrintaas laga bixiyey ayaa keentay aakhirkii in Tifaftiraha lagu sii daayo cafis Madaxweyne.

Wargeyska Waaheen, oo ka tirsan bahda Waaheen Media Group, ayaa jiray muddo kooban oo ah saddex  sann adood, isagoo mudadaas koobana hantiyey kalsoonidda dadweynaha oo caan ku noqday wararka  dhexdhexa adnimadda ah ee bulshadda u soo gudbiyo oo ah kuwo lagu yaqaano qoto-dheeri iyo hufnaan xirfadeed.

Xafladda guddoonsiinta abaalmarinaha ayaa ka dhacay dalka Koonfurta Afrika, markay taariikhdu tahay 25 ka June ee sannadkan. Iyadoo si toos ah looga baahinayo telefishanka CNN ta iyo telefishano badan oo ku yaala Qaaradda Yurub, iyo baddiba telefishanadda ugu caansan Qaaradda Afrika. Waxaana lagu qiyaasaa inay tahay xafladda ugu shacbiyadda badan ee loogu daawashada badan yahay Qaaradda Afrika iyo guud ahaanba caalamka.

Halkan waxaanu idiinku soo bandhigaynaa 27 saxafi ee ku ku tartamaya weli abaalmarintan oo tiradoodu dhan tahay 27 saxafi oo ka kala socda 13 dal oo Somaliland ku jirto.



* Kofi Akabali, Wargeyska Daily Graphic, Ghana
* Claudine Efoa Atohoun, ORTB, Benin
* Rabin Bhujun, Le’Express Dimanche, Mauritius
* Mahamud Abdi Jama, Waaheen, Somaliland (isagu wuu ku guulastay biladdan)
* José Bouças de Oliveira, Televisão Santomense, São Tomé
* Sylvia Chebet, Citizen TV, Kenya
* DispatchOnline Team, Daily Dispatch, South Africa
* Kimani Githae, Citizen TV, Kenya
* Lamia Hassan, Business Today, Egypt
* Virgil Augustin Pascal Houesson, L’événement Précis, Benin
* Norman Katende, The New Vision, Uganda
* Farouk Kayondo, UBC, Uganda
* Mark Klusener, eNews Africa, South Africa
* Selma Marivate, Record, Mozambique
* Melini Moses, SABC, South Africa
* Lindile Mpanza, e.tv, South Africa
* Kamau Mutunga, DN2 Magazine, Daily Nation, Kenya
* Nigel M. Nassar, The New Vision, Uganda
* Fatuma Noor, The Star, Kenya
* Oluwatoyos Ogunseye, Sunday Punch, Nigeria
* Nnamdi Okosieme, Next Newspaper, Nigeria
* Benon Herbert Oluka, Sunday Life Magazine, Sunday Monitor, Uganda
* Beryl Ooro, K24 TV, Kenya
* Sonny Serite, The Sunday Standard, Botswana
* Portia Solomon, TV3 News, Ghana
* Kipchumba Some, The Standard, Kenya
* Nkula Zau, Televisão Pública de Angola

Tony Maddox, oo ah Guddoomiye ku Xigeenka iyo waliba Agaasimaha CNN-ta ayaa sheegay inay sii wadayaan dhiirigalinta saxafiyiinta Afrika, oo ku tilmaamay inay yihiin kuwo soo bandhiga warar ah kuwo heerkoodu sarr eeyo. Waxa isaguna sheegay Madaxa bixinta Abaalmarinahan Collins Khumalo, oo sheegay inay saxaafiyiinta Afrika la garab-taagan yihiin taageero hiil iyo hooba ah sidibuu yidhi, aanay u noqon lahayn oo kaliya saxafiyii nta Afrika ugu wanaagsan balse ay noqon lahaayeen kuwa ugu wanaagsan caalamka oo dhan.

 

 


Source: Waaheen