WERIYE QAAMUUS OO SADEX CISHO KU AFDUUBAN SALDHIGA GABILEY ILAA HADANA CIDI KA HADAL XADHIGIISA

 



Anigoo ah abwaan cabdi kariim muxumed cadde(qaamuus) ahna weriye ka hawlgala magaalada gabiley ayaa waxaa igu helay magaaladii aan ku dhashay ee aan ka shaqaynayay waxaanan wa ligay xataa ku maqal taariikhda.

Abaaro 9:00 barqonimo maalintii arbaca 22/11/2016 anigoo hurda qolka 104 ee Hotel Gobaad e e aan ka deganahay magaalada Gabiley ayaa anigoo hurda wax aan ku toosey dhawaqa xoogan iyo raga soo jebiyey albaabkii qolkayga kadibna sariirta ayaan ka boodey mise waa danbi baad hihii saldhiga gabiley Siciid Afmadow iyo Askar uu wato aanan garanayn mise haraaati iyo jug a yaa la igala daalay katiinadna waa la igu jebiyey waxaana la igu tuurey gaadhi nooha ah oo uu leeyahay danbi baadhaha saldhiga Gabiley Siciid Afmadow.

Waxaana sidii la ii soo waday la igu tuurey qol aanan u qalmin oo kaadi iyo saxaro ka buuxdo wa xaa la ii diidey xataa inaan hadlo in la ii sheego waxaan sameeyee waxaan maalintii sadexaad ku ahay saldhiga gabiley qolkii kaadida iyo saxaradu ka buuxday mana garanyo waxaan sameeyey oo waan hurdey ilaa maantana ma jirto cid ila hadal iga gurtay haday haday noqoto booliska iy o Hayadaha Garsoorka ,Bulshadii Gabiley iyo Saxaafadii aan ka tirsanaana way yaaban yihiin w ax ayna ii maleeyeen in aan aragagixiso u xidhanahay hadaba waxaan Xukuumada Somaliland , Xeer Ilaalinta Guud ,Hayadaha Xuquuqul Iinsaanka , Maamulka Gabiley, ka codsanayaa bal in ga rsoorka la i hor geeyo oo la ii sheego fal danbiyeedka aan galay mise hurdada ayaa somaliland danbi ah.

Amakaaga igu dhacay ma jirto cid ilaa hada ka hadashay kiiska aan galay haday noqoto maamu lkii gabiley ,xukuumada dhexe,saxaafadii aan ka tirsanaa,iyo bulshadii aan la noolaa

Waxaan ahay Maxbuus ciilan oon garanayn ciduu u xidhan yahay cidna ayna u maqnayn ee wax aan codsi u diranayaa ilaahay in hadii umadii iyo dawladii aan hoos joogey ka hadli weydey xaq darada intaa leeg inuu na kala xukumo waxaanan is weydiinayaa talow ma hurdada ayaa somal iland danbi ah aaway xuquudeydii qofnimo ma anigaa sharciga khilaafay mise waa la igu xad gud bay mise argagixisaan u xidhanahy?



Waa Weriye Cabdikariim muxumed cadde(QAAMUUS)

EMail:qaamuuskaqarniga01@gmail.com