Weli Waxa aan Tebayaa Xakamaynta Awoodaha Madaxweyne

 



Ma aqoon darro ayaa inna haysa,mise waxa jirta maalintiina dimuqraadiyada aan ku dhaqano,habe enkii na dhaqankii iyo qaab beeleedkii aan ku dhaqano.

Waxa aan sidaa u leeyahay arrin isu kay qaban waayay intaan joogay dalkayga hooyo ee  Jamhuuri yada Somaliland.Arrinkaas oo ah awooda madaxweyne ee uu ku soo saaro warqadan ilaa lixdankii inna daba socota ee loo baxshay DIGREETO Madaxweyne iyo tilmaan la'aanta xeerka iyo distoor ka u yaala jamhuuriyada Somaliland.Talaabadaa oo u egg mid aan la jaan qaadi kari xataa qaab  dhism eedka qaranka Somaliland ayaa hadana ku dhaqankeedu weli ka jiraa jamhuuriyada Somaliland.

Waa dhibic u baahan inay xeer-dejintu is-dul taagto oo ay xeer qabadsiiso ama la laalo Digreetadan oo ah awoodaha digtaytarkuadeegsado.Bal hada aan tusaale u soo qaadano qodobkan distooriga
ah ee awooda madaxweyna dhibic ka mid ah muujinaya:



XUBINTA 2AAD



QODOBKA 90AAD

AWOODAHA MADAXWEYNAHA



dh. Saraakiisha sare ee kale oo xeer ka soo baxay Golayaasha Xeer-dejintu awood u siinayo  magac aabistooda iyo xil-ka-wareejintooda.



Sida ku cad qodobkan 90aad qaybtiisa dh. waxa tusaale aynu u soo qaadan karnaa gudoomiyaha  m axkamada sare oo distoorku madaxweynaha u siinayo magacaabistiisa iyo xil ka qaadistiisa kadib m arka labada gole xeer ogolaansho uu ka helo. Sidaa darteed Madaxweynahu awood uma laha inuu xilka ka qaado gudoomiyaha maxkamada sare.Sidoo kale Madaxweynahu awood uma laha inuu amar ku lid ah xukun dhacay oo ay maxkamada sare go'aamisay ka daba tuuro. Bal hada dhibicdan kale ee isla qodobkaa ka tirsan u fiirso:



12. Fulinta xeerarka aan Waaxda Garsoorka awoodaheeda hoos iman;



Dhibicdanina waxay inoo sii cadaynaysaa Madaxweynahu faro-gelin

ku samayn karin awoodaha hoos yimaada waaxda garsoorka.



Bal hadaba maxaa inna daba dhigay waraaqdan amar madaxweyne

ee illaa lixdankii uun ku milan ku dhaqanka distoorka iyo xeerarka

dalka u yaal ee isla markaa ka hor imanaysa.Saw ma nihin dal madax-

banaan,dismihiisa qaran leh,distoorkiisa leh tan iyo intii shacabku ku

ansaxiyay codka 97%,maxaa keenay inay madaxweynayaashii dalkan

soo maray ay adeegsadaan "Digreeto". Saw maaha anigaa sharciga

ka sareeya markaan doono,mise waxa jira marar qasab ay tahay inuu

madaxweynahu qaato ku dhaqanka qaab beeleedka oo hadii uu tix

geliyo xeerka iyo distoorka uu dhacayo kala guur.



Talaw gar-yaqaanada wakiiladu arrinkan "Digreeto" ee xeerkii iyo distoorkii dalka oo jira hadana la adeegsanayo siday u arkaan.

Waxa jiray marar ay maxkamada sare ee dalkan jamhuuriyada Somaliland soo saartay xukumo had ana madaxweynayaashii kala danbeeyay ee xukuumadan cusub ka horeeyay adeegsadeen amarkan "Digreetada"oo waxba kama jiraan ka dhigtay. Madaxweynaha cusubina inkasta oo aanu weli u ade egsan xukun ka soo baxay maxkamada sare hadana waxa aan u arkaa inaanay jirin wax ka hor joo gsanaya mar hadii xeerarka jamhuuriyada Somaliland u yaalaa ku milanyihiin kuwii u yaalay dalkii
laysku odhan jiray Somaliya.



Waxa taa kuu caddaynaya waxa aynu weli adeegsanaa "Xeerka HabkaCiqaabta" ee dalka Somaliya qoratay 1962 ee la ansixiyay 1dii juun 1963kuna saxeexanyahay madaxweynahii berigaa Aden A.Osman.



Waa ayaan darro hadhaysay ku dhaqanka xeerkan aynu ka noqonay dalkii ay ka tirsanayd jamhuu riyada Somaliland.Gooni isu taagii shacabku go'aansaday ee Madaxweyne Axmed Maxamed maalintii dhowayd sida adag uga hadlay ee uu dhayda ka cadeeyay jiritaanka iyo madaxbanaanidajamhuuriy ada Somaliland inaanu gorgortan lahayn ma calamada iyo maamulada uun-baa inoo kala duwan.Ma tilmaan bixinaysa gobol ka mid ah Somaliya oo qarsoon-baa,cidina ku dhici la'adahay sidii shaaca looga qaadi lahaa, maxaa keenay 20ka sanno ee gooni isu taago jiray kadib weli inaynu ku dhaqano xeerkii Somaliya iyo Digreeto aan sharciga meela kaga jirin.



Weli waxa aan tebayaa xakamaynta awoodaha madaxweyne iyo laalida xeerarka Somaliya ee laga ga dhaqmo jamhuuriyada Somaliland.



Guul iyo horumar jamhuuriyada Somaliland.
 

 


 

 

 

X. X. Badmaax