Weftigii Wasiirka Madaxtooyadda Oo Gaadhay Dalka Maraykanka
 


Washington-DC (TNN):--Weftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Madaxtooyadda Somalil and, Mudane Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa gaadhay Caasimadda waddanka Maraykanka ee Washington DC.

Weftigan oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabilay) iyo Marwo Sacdi ya oo ka tirsan guddida qaran ee dhismaha wadada Ceerigaabo.

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka M araykanka Rashiid Gaaruf, Guddoomiyaha Jaaliyada Washington Xaashi Ismaciil iyo da d weyne ka tirsan Jaaliyada Somaliland.

Weftiga oo garoonka lagaga soo galbiyay gawaadhida martida waxaa la dajiyay goob ihii loo sii diyaariyay iyadoo marti-qaad koodana ay ka mid ahayd qado sharaf madaa ma ay ku beegmeen xiligii qadada taasi oo loogu sii talo galay, Safiirka Somaliland ee waddanka Maraykanka Rashiid Gaaruf oo ka hadlay socdaalka Waftiga wuxuu sheeg ay inay jaaliyadaha kala qayb gali doonaan xusaska munaasibada qaran ee 18 May.

Wasiirka Madaxtooyada Xirisi Cali Xaji Xasan oo isna geestiisa ka hadlay ayaa u mah ad-naqay dadkii ku soo dhaweeyay Magaaladda Washington DC, isagoo ugu busharee yay inay munaasibada qaranka la ciidi doonaan. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay waftigu ka qayb galaan munaasibado kala duwan oo kuwaas oo lagu kala qaban-doono magaaloyin kala duwan oo ku kala yaala waddamada waqooyiga Ameerika.
 


Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland