Weftigii Turkiga Oo Sheegay Inay Casriyaynayaan Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa
 



Hargaysa (TNN):- Dawladda dalka Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhis ku sama ynayso Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa, sidaana waxaa sheegay Safiirka Wadd mada Somaliland iyo Soomaaliya u fadhiya waddanka Turkiga Mr. Kani-torun, oo booqasho ku tagay xarunta guud ee Cisbitaalka Hargaysa.

Safiirka oo uu weheliyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciisi Xaglo-toosiye, ay aa si wada jir ah u booqday xarunta Cisbitaalka Guud, waxayna halkaas warbixin ay kaga dhagaysteen Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka, Dr. Axmed Xaji Cumar Askar, isagoo tafasiil ka bixiyay baahiya cisbitaalka ku gedaaman iyo shaqada ka socota. Sidoo kale wuxuu kulan la yeeshay Safiir Kani-torun masuuliyiinta Wasaaradda caafimaadka, isagoo u dhabo galay xaalada dhabta ah ee uu Cisbitaalka.

Sidoo kale waadhadhka ay dadka bukaan jiifka ahi ku jiraan ayaa kamid ahaa meelihii uu qii maynta ku sameeyay Mr. Kani-torun. Gebo gebadii ayay saxaafadda faah faahin ka siiyeen kulamadaas, Wasiirka Caafimaadka Somaliland iyo Safiirka dalka Turkigu, waxayna labadan masuul sheegeen in waddanka Turkigu si rasmiya u dhisi doono Cisbitaalka Magaaladda Har gaysa.

Kani-torun ayaa cadeeyay in dalkiisu soo diri doono koox dhakhaatiir ah, kuwaas oo qiimay n ku samayn doonaa habka ugu sahlan ee mashruucaasi u hirgali karo, iyadoo taas kadibna si deg deg ah loo fulin doono hawlgalka dhismaha Cisbitaalka Hargaysa.
Geesta kale Wasiir Xaglatoosiye ayaa isna soo dhaweeyay dhismaha Cisbitaalka, isagoo sheegay inuu soo kordhin doono bilicda Cisbitaalka iyo adeegiisa oo kor u kaca.

Mashruucan dibudhiska Cisbitaalka Guud ee Magaaladda Hargaysa, ayaa haddii uu hirgalo noqonaaya mid si weyn wax uga tara baahida caafimaad ee ka jirta dalka, gaar ahaan Caa simadda. Sidoo kale wuxuu mashuurcani dhiiri galin u noqon doona xidhiidhka ka dhaxe eya waddamada Somaliland iyo Turkiga.
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland