Weftigii Madaxweyne Siilaanyo oo gaadhay Addis ababa Kana hadlay sababaha ay ugu dhaxeen Diridhaba
 

 



Addis Ababa, August 7th, 2011 (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed M axamuud ( Siilaanyo) iyo weftigii uu Hoggaaminayay ayaa saaka 9;00 subaxnimo soo gaad hay madaarka caalamiga ah ee magaalada Addis ababa ka dib markii xalay ku dhaxeen mag aalada Diridhaba ee isla dalkaasi Itoobiya.


Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa waxa madaarka Addis ababa ku soo dhaweeyay masu uliyiin ka tirsan wasaarada arrimaha dibada dalkaasi.
 

“Weftigii Madaxweynuhu maanta ayaanu soo gaadhnay magaalada Addis ababa ee dalka i toobiya intaanu joognana waxaanu rajaynaynaa inaanu la kulano masuuliyiin ka tirsan Da wlada Itoobiya iyo dublamaasiyiin shisheeye ah oo aanu kala hadli doono masaalixda iyo da naha Somaliland. Ka dibna waxaanu uga sii gudbi doonaa dalka Shiinaha oo aanu socdaal ku tagayno muhiim ah,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaa hi Cumar oo ka hadlayay socdaalka Madaxweynaha.


Wasiirka arrimaha dibada oo la weydiiyay sababta weftiga Madaxweynuhu ay xalay ugu dh axeen magaalada Diridhaba, waxaanu yidhi “Maya ee arrin noo qorshaysan may ahayn ha se waxay ku timid inaanu ku dhaxno Diridhaba cilad farsamo oo dhinaca diyaarada ah.

Weftiga madaxwynaha Somaliland waxay dageen Huteelka Shataton ee magaalada Addis ababa.
 

Weftigan waxa xubno ka ah Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde, Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada, Macdanta iyo biyaha, Beeraha iyo Xoghayntiisa gaark ah.


Source: Somaliland.Org