Madaxweyne Siillanyo Oo Dalka Ku Soo Laabtay Kana Waramay Waxyaabaha
Ugu Soo Qabsoomay Safarkiisa Shaqo Ee Dalka Kaga Maqnaa Labada
Todobaad
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu safarkiisu ku soo dhamaaday guul,
Hargeysa,18 August 2011 (TNN) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed
Maxamed Maxam uud (Siillanyo), ayaa maanta dalka ku soo laabtay,
isaga oo safar ugu maqnaa dalka debadiisa muddo laba todobaad ku
dhaw.
Madaxweynaha Somaliland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka
Diyaaradaha Magaa lada Hargeysa ee Cigaal International
Airport, Waxaana Masuuliyiinta Madaxweynaha ku soo dhaweeyey
Madaarka ka mid ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka C/raxaam Maxamed C/laahi
(C/raxmaan Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,
Wasiiro iyo Masuuliyiin kale oo aad u tiro badan.
Madaxweynaha ayaa markii ka soo degay madaarka qolka nasashada ugu
waramay Saxaafa da, waxaanu ka waramay safarkiisa qaatay muddada
labada todobaad ku dhaw iyo waxa u qa bsoomay.Madaxweynaha ayaa
sheegay inuu safarkiisu ku soo dhamaaday guul, waxaana had aladii
Madaxweynaha ka mid ahaa
“Aniga iyo weftiga kale ee ila socday waxaanu muddo laba todobaad ku
dhaw ku maqnayn S afar dibadeed, waxaanan jeclaa inaan idiin soo
bandhiga wixii dal ahaan inoo soo qabsoomay.
Haddaba waxaan ugu bushaaraynaa Shacabka Somaliland iyo qaybaha kale
ee kala gedisan ee Qaranku ka kooban yahay aadna ugu faraxsanahay in
safarkii Xukuumadda ee aan hogaamina yey ee aan muddada labada
todobaad ku dhaw dalka Debada uga maqnaa uu guul ku soo dha maaday
kana soo baxeen talaabooyin dhaxal gal noqon kara oo wax tar Dalka
iyo dadkaba u leh, marka laga reebo Dalka Itoobiya waxaanu xidhiidh
labada dal lagu adkaynayo la yeelanay Madaxda Dalka Itoobiya oo ay
ka mid yihiin Madaxweynaha Dalka Itoobiya Mudane Girme Wad agorjis,
Raysal Wasaaraha Dalkaasi Mudane Males Zenawi iyo ku xigeenkiisa
Xayle Maryam iyo masuuliyiin kaleba.
Markaanu Itoobiya dhaafnay waxaanu kulamo qoto dheer iyo wada
xaajood la galnay maal ge shadayaal Shiinaha oo ay muddaba wada
hadal noo socday oo Xaruntoodu tahay Hong Kong ee Wadanka Shiinaha
oo waayo aragnimo badan u leh horumarinta, fulinta iyo fududeynta Ma
shaariicda waaweyn ee lagu horumarinayo Wadamada soo koraya oo
Dawladdoodana kalsoo ni iyo wada shaqayn.
Wada hadaladani waxay ahaayeen ku salaysan ka midho dhalinta baahida
Qaran ee Somalila nd u qabto inay kordhiso dhaqaalaha dalka iyo
horumarinta Shacabku u baahan yahay, waxa kale oo ay ka turjumayeen
iskaashiga ay Somaliland doonayso inay la yeelato Dalalka Geeska
Afrika iyo bulshada Caalamka guud ahaanba kordhinta iyo horumarinta
Dalka.
Wada xaajood dheer ka dib waxa wada hadalada ka soo baxay in
Somaliland iyo Maalgeshada yaashaasi ay heshiis hordhac ah oo ay
ujeedadiisu tahay in is bedel weyn lagu sameeyo kaab ayaasha
Dhaqaalaha dalka oo ay kaw ka noqonaysa
balaadhinta Dekedda Berbera, waxa kale oo la iska kaashanayaa
Dhuumo dhulka mara oo gaasta Dabiiciga ah iyo Saliida Itoobiya lagu
geeyo Dekedda Berbera, waxa hawshaa ka mid noqon doonta Dhismaha
Warshad lagu diyaa rinayo Gaasta iyo Saliida intaa aan debada loo
iib geeynin.
Mashaariicda waaweyn ee Somaliland doonayso ka mid noqon doona
Wado Berbera iyo Wajaa le isku xidha,
waxaanay Somaliland u keeni doonaan faa’iidooyin dhaqaale oo
balaadhan, waxa ka mid ah faa’iidooyinka abuuritaanka Shaqooyin
badan oo muwaadiniinta Somaliland ka heli doonaan Mashaariicdan inta
ay socdaan iyo marka ay hawl gal noqdaanba, waxa kale oo ay
mashaariicdani kor u qaadayaan dakhliga Dawladda Somaliland oo sahli
doona oo kor u qaadi doona adeegyada bulsho ee Qaranka lagu dabooli
karo, waxa kale oo mashaariicdani dalka ku soo kordhin doonaan
shirkado badan oo wadaniya oo samaysma dhaqaalahana kor u qaada,
farsamooyin casri ahna dalka ku soo kordhisa, marka ay hawshani si
buuxda u hir gasho waxa uu dalku heli doonaa horumarka ugu laxaadka
weyn ee dalka soo mara tan iyo intii ay Somalila nd Xornimadeeda ka
qaadatay Maxmiyadii Ingiriiska 1960-kii, waxaanu kor u qaadi doonaa
do orka ay Somaliland ka qaadato Horumarka, Dhaqaalaha iyo
Nabadgelyada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, waxaan shacabka
Somaliland ku boorinayaa inay gacmaha is qabsadaan oo ay ilaashadaan
Qaranimadooda iyo Nabadgelyadooda intaba”.
Madaxweynaha ayaanay Saxaafadu wax su'aalo ah weydiin balse waxa la
sheegay in maalma ha soo socda uu qaban doono shir jaraa'id oo uu ku
faahfaahinayo wixii safarkiisa u soo qabs oomay.
Sacad Muuse Cabdi
Timacade News Reporter
Hargeysa/ Somaliland
|