Weftigii Kenya Oo Dhambaal culus oo ku socda Uhuru Kenyatta ka sii Qaaday Madaxweyne Siilaanyo
 



“Waxa lagu heshiiyay waxa ka mid ah in labada dal iska kaashadaan dhinacyadda nabad-gelyadda, baayac mushtarka iyo Socdaalka”Cali Yuusuf iyo weftigii kenya


Hargeysa (TNN):-Weftigii ka socday Baarlamaanka iyo dawladda Kenya ee booqashada ku joogay Somaliland ayaa maanta ka dhoofay madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport. Waxaanay warqad ku socota Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku wajahan adkay nta wax wada qabsiga labada dal ka sii qaadeen Madaxweyne Siilaanyo.

Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Dr. Cali Yuusuf Axmed, oo ka mid ahaa madaxdii sii sagootiday weftigan, ayaa tafaasiil ka bixiyay qodobo la isku waaf aqay oo lagu kor yeelayo xidhiidhka labada dal, waxaanu yidhi “Weftigii ka socday Kenya s addex maalmood ayay dalka joogeen waxay la kulmeen madaxweynaha, Goleyaasha, Wasii rro, waxaanay booqdeen magaaladda Berbera iyo Degmadda Arabsiyo runtiina way ka hel een booqashadii ay ku tageen deegaankaas. Weftigan oo maanta dhoofay waxa lagu hes hiiyay waxa ka mid ah in labada dal iska kaashadaan dhinacyadda nabad-gelyadda, baayac mushtarka iyo Socdaalka.”

“Weftigu waxay madaxweynaha Somaliland iyo dawladda ku marti qaadeen inuu Kenya tag o, madaxweynuhuna (Axmed Siilaanyo) warqad balaadhan ayuu u qoray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo weftigu sii qaadeen oo ay gacanta ka gelinayaan,”ayuu yidhi Dr. Cali Yuusuf.

Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu tilmaamay in labada dal isku af-garteen sidii ay wax u wa da qabsan lahaayeen isla markaana kor ugu sii qaadi lahaayeen cilaaqaadkooda.

Madaxii weftigan Mss Aniya Kabita ayaa oo iyana la hadashay saxaafadda ka hor intii aan ay ka dhoofin Somaliland, ayaa sheegtay inay ka heshay booqashadii ay ku joogeen dalka saddexdii dharaarood ee la soo dhaafay, waxaanay xukuumadda iyo goleyaasha uga maha d celisay sidii diiranayd ee ay ugu soo dhaweeyeen. Mss Aniya Kabita waxay intaas ku dar tay in wixii ay Somaliland ku arkeen ay u gudbin doonaan baarlamaanka iyo dawladooda.
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland