Weftigii Deeqbixiyayayaasha oo Faahfaahin ka bixiyey Sababah ay ula Kulmi Waayeen Madaxweynaha iyo Komishanka

 

“Arrinta kharashka deeqbixiyayaashu ugu talogaleen doorashada Madax tooyada mowqifkeedu waxay weeye kii aannu hore isula soo qaadnay Guddiga Doorashooyinka, xisbiyada iyo xukuumadda, wax isbeddel ah oo ku yimana ma jiro”


Warsaxaafadeed – weftiga deeqbixiyeyaasha


Weftigii ka socday deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya  doorashoo yinka oo labadii maalmood ee u dambeeyey booqashada ku joogay  Harg eysa, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha ay ula kulmi waayeen  Madax weyne Rayaale iyo Komishanka Doorashooyinka Qaranka.


Warsaxaafadeed laga soo saaray magaalada Nairobi oo uu ku saxeexan yahay madaxa deeqbixiyayaasha Mr. Richard Hands ayaa sheegay in  aa nay diidin inay Madaxweynaha la kulmaan, balse waqtigii u qorshaysnaa inay la kulmaan uu Madaxweynuhu yeeshay hawlo kale oo uu ku  mash quulay, sidaa daraadeedna uu soo wakiishay Wasiirka Arrimaha Dibada.


Deeqbixiyayaashu waxay kale oo ku sheegeen in sababtii ay Komishanka Doorashooyinka ula kulmi waayeen ahayd dib-u-dhac ku yimi waqtigii u qorshaysaa in dalka joogaan, kadib markii diyaaraddii weftiga siday loo duway madaarka Berbera cimilada Hargeysa oo xumayd darteed.


Waxa kale oo deeqbixiyeyaashu warsaxaafadeedkaas ku caddeeyeen mowqifkooda ku wajahan bixinta kharashka doorashada, kaasoo ay sheegeen in aanay waxba iska beddelin sidii ay kaga wadahadleen xisbiyada, Komishanka iyo xukuumadda.


Warsaxaafadeedka weftiga deeqbixiyeyaashu soo saareen oo ku qornaa afka Ingiriisada oo aannu idiin soo tarjunay waxa uu u dhignaa sidan:


“Annagoo tixraacayna maqaalkii uu daabacay wargeyska Jamhuuriya 30-kii June 2009 ee la xidhiidhay weftigii deeqbixiyayaasha ee Hargeysa yimi 29 June 2009, waxay deeqbixiyayaashu doonayaan inay faahfaahin ka bixiyaan qodobaddan;


Deeqbixiyayaashu may diidin in ay la kulmaan Madaxweynaha  Somalila nd, laakiin Madaxweynuhu wuxuu lahaa ballamo kale, sidaa daraadeedna wuxuu soo dirtay Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale si uu wakiil uga noqdo kulanka deeqbixiyayaasha.


Weftigan waxa hore ugu qorshaysnayd inay la kulmaan Komishanka  Doo rashooyinka, balse waxa kulankaas baajiyey sababo la xidhiidha cimilada Hargeysa oo xumayd awgeed, taas oo keentay in diyaaraddii weftiga ka soo qaaday Nairobi loo duway Berbera, isla markaana waxay arrintaasi saddex saacadood dib uga riday weftiga waqtigii u qorshaysnaa. Dib-u-dhacaa weyn ee ku yimi jadwalkii u qorshaysnaa weftiga ayaa sababay in weftigu soo gaabiyaan kulamadoodii, iyagoo waqti u helay uun inay saddexda xisbi qaran si wadajir ah ula kulmaan.


Arrinta kharashka deeqbixiyayaashu ugu talogaleen doorashada  Mada xtooyada mowqifkeedu waxay weeye kii aannu hore isula soo qaadnay Guddiga Doorashooyinka, xisbiyada iyo xukuumadda, wax isbeddel ah oo ku yimana ma jiro,” ayuu yidhi warsaxaafadeedku.





Jamhuuriya Online