Wefti ka Socday Midowga Yurub oo Socdaal ku yimid dalka

 



Wefti ka socday Midowga Yurub oo Booqasho ku yimid Somaliland


Hargeysa (TNN):- Wefti ka socday Midowga Yurub, kuwaasi oo ay hogaaminayaan Safii rrada Midowga Yurub Iyo Ingiriiska u Qaabilsan dawladaha Somaliland & Soomaaliya, ay aa galabta dalka ku yimid booqasho rasmi ah,waxaanay ka soo degeen madaarka caala miga ah ee Hargeysa.

Weftigan, ayaa waxa hogaaminaya ergayga Midowga Yurub u qaabilsn dalalka Soomaali ya iyo Somaliland Mr Michele Cervone, waxaana weftiga ka mid ahaa safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsn Somaliland iyo Soomaaliya Neil Wigan.Waxa weftigan madaarka ku soo dhaweeyay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda,waxaana lagu wadaa inay Isniinta berry kullamo la yeeshaan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka tirsan Xukuumadiisa.

Weftigan oo ay garoonka diyaaradaha ee Cigaal ku soo dhaweeyeen Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somaliland, ayaa xalay u hoyanaya Magaalada Hargeysa, waxaana la fila yaa inay maanta oo Isniinta ahi kulamo la yeeshaan Madaxwaynaha Somaliland iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Weftigan ayaa noqonaya kii labaad ee heer Caalami ah ee Somaliland soo booqda todd obaadkan oo kali ah, iyadoo ay hore u joogeen safiirka Turkiga u fadhiya Somaliland iyo Somaliya iyo weliba Maal-qabeeno u dhashay dalkaasi Turkishka.
Wufuudan isku soo beegmay ayaa socdaalkoodu la xidhiidha dhinaca Dublamaasiyadda iyo Maal-gelinta maadaama ay taageero dhinacyo kala duwan ah siiyaan Somaliland, ma na aha markii ugu horeysay ee ay diblamaasiyiintani booqasho ku yimaadaan Somalilan d.
 

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland