Wefti Ka Socda Safaarada
Maraykanka Ee Nayroobi Oo Jamhuuriyada
Somaliland yimid

Wefti ka socda safaarada Maraykanka ku leeyahay dalka Kiiniya ayaa
maanta booqasho hawleed dalka ku yimid. Weftigan oo ay hogaaminaysay
u qaabilsanaha arrimaha siyaasada iyo dhaqaalaha safaarada ee
dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Ms Jesicca Davidba, waxa goraanka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo
dhoweyay Wasiiro iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dawladda.
Weftigan waxa ay isla shalayba shir goosgoos ah la yeesheen
mas’uuliyiinta Goleyaasha Qaranka, Asxaabta iyo xubno ka socday
Komishanka Doorashooyinka.
Ms Jesicca Davidba, waxa ay sheegtay in ay ujeedada ay dalka u
yimaadeen ay ahayd xidhiidhka Somaliland, Maraykan iyo ka kaalmaynta
Somaliland arrimaha dhaqaalaha iyo doorashooyinka soo socda.
“Waxaanu ognahay oo aanu aqoonsanahay in Somaliland ay u
dhabar-adeegtay xaalad aad u qalafsan, abaaro iyo sicir barbar
saameeyay dawladaha soo koraayo oo dhan, sidaa daraadeed waxaanu ku
hambalyaynaynaa Somaliland waxyaabaha ay qabsatay, waxaana
ballanqaadaynaa in aanu wax kala qaban doono xoojinta dimuqraadiyada
iyo doorashooyinka fooda inagu soo haya, ayey tidhi Ms Jesicca.
Waxa ay intaa ku dartay in ay isfahmeen dhinacyadii ay la kulmeen.
Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu C/raxmaan Maxamed oo ka mid ahaa
mas’uuliyiinta ay la kulmeen weftigu ayaa sheegay in ay idiidiilo
wanaagsan ay kala kulmeen, isla markaana ay uga xog warameen
xaaladaha jira.
Waxa kale oo uu sheegay in ay weftiga u gudbiyeen arrimaha ugu
waaweyn ee ka jira Somaliland iyo gobolkaba sidii loo hormarin lahaa,
loona baahan yahay in la dhammaystiro aqoonsiga Somaliland .
Wasiirka Qorsheynta Cali Maxamed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha
Cabdilaahi ayaa iyaguna waxa ay sheegeen in ay u gudbiyeen
mas’uuliyiinta safaarada Maraykanka sidii Maraykanku wax ugala qaban
lahaa arrimaha dhaqaalaha iyo sii xoojinta amniga.
Sidoo kale, Jaamac Maxamed oo ka mid ah Komishanka Doorashooyinka
ayaa isna sheegay in ay uga warameen weftiga sida ay u socdaan
arrimaha Diiwaan-gelintu.
Weftigan waxa ay isla shalayba dib ugu dhoofeen dalka Kiiniya oo ay
ka soo kicitimeen.
Source:Hadhwanaag
|