Wefti ka socda Midawga Yurub Iyo Qaa dha anka-Bixiyeyaasha Oo La filayey inay

 

Wefti ka socda Midawga Yurub Iyo Qaadhaanka-Bixiyeyaasha Oo La  Fil ayey Inay Dalka Yimaadaan Oo Baaqday & Sababaha Lala Xidhiidhiyey

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Midawga Yurub iyo qaadhaan  bix iyeyaasha Somaliland gacanta ka siiya barnaamijyada horumarineed iyo dimuqraadiyada oo la filayey inay maalintii shalay dalka yimaadaan ayaa baaqday, taas oo baaqashada weftigaasi ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca qaadhaan bixiyeyaasha oo sheegaya sababta baaqashada weftiga, isla markaana ma jiro wax war ah oo xukuumadda Somaliland ka soo saartay baaqashada Weftiga, hasa yeeshee sida ay sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhaw dhaw  xafii ska Midawga Yurub ee Nairobi, waxa weftigaasi oo ka ka imanayey  dhin aca xarunta midawga yurub ee Brussels, ay ujeedadiisa uu halkan u  min ayey ay markii hore ahayd mid la xidhiidha u kuur gelida iyo indho indhay nta barnaamijyada horumarineed ee ay ka caawiyaan Somaliland

Weftigaas oo imaatinkiisa Somaliland la qorsheeyey muddo haatan laga joogo lix todobaad, hasa yeeshee markii ay weftigaasi yimaadeen  Nairo bi ay ogaadeen xaaladda iyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira Somaliland ay beddeleen Ajandahoodii hore ee ay dalka u imanayeen, waxaanay markii ay kulamo iyo xogwaraysiyo la samaynayaan Safaaradahooda iyo  diblo m aasiyiinta ku sugan Nairobi, ay qorshadoodii hore ay sidaas wax uga beddeleen isla markaana ay ku salayn doonaan imaatinkooda  xaala dda dalka ka jirta.

Weftiga Midowga Yurub iyo safiirada dalalka qaadhaanka-bixiya ayaa socdaalkoodani waxa uu ku soo beegmay xilli uu khilaaf ba’ani ka aloosan yahay Somaliland, kaas oo u dhexeeya asxaabta siyaasada, kaas oo ka dhashay markii dhawaan komishanka iyo xukuumaddu ay laaleen natiijadii diiwaangelinta, isla markaana la eryey hay’addii wakiilka ka ahayd qaadhaan-bixiyeyaasha Interpeace, taas oo xidhiidhka xukuumadda Somaliland iyo qaadhaan-bixiyeyaasha gaadhsiisay meel aad u saraysa.
 


Source: Haatuf