Wefti Ka Socda Midawga Afrika Oo Dalka U Yimid Inay Gacan Ka Gaystaan Xall U Helida Khilaafka Taagan

 


Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Wafti ka socda midawga Afrika ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargaysa ee caasimada Somaliland, wef tigan oo la sheegay inuu hogaaminayo ergayga midawga Afrika u  qaabil san Somaliland ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu ay la xidhiidho xaaladda Doorashooyinka Somaliland ee khilaafku ka taagan yahay, waxa anay dalka joogayaan muddo laba cisho ah.


Ergayga ka socda Midawga Afrika waxa uu sheegay inuu la kulmi doono muddada uu joogo madaxda xukuumadda Daahir Rayaale iyo madaxda xisbiyada qaranka, golayaasha iyo guddiga komishanka doorashooyinka.


Waftigani waxa ay Somaliland ku hanbalyeeyeen waxii ay qabsatay taniyo maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taaga Somaliland, oo ay sheegeen inay xagaasi ku soo gaadhay wada hadal iyo isu tanaasul, waxaanay si gaar ah u amaaneeneen golaha guurtida oo ay sheegen inay kaalin mihiim ah ka soo qaateen dib u soo celintii amniga xilligii loo baahnaa, waxa sidoo kale ay xukuumada Somaliland iyo shicibkeeduba ku hambalyeeyeen wax  qaba dka muuqda ee ay qabsadeen tan iyo intii ay ku dhawaaqeen gooni isu taaga.


Waftigan ka socda Midawga Afrika waxa garoonka diyaardaha ee  Hargey sa ku soo dhaweeyey wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland C/laahi Maxamed Ducaale
 


Source:Haatuf