WAR-SAXAAFADEED

Wefti sare oo ka socda dawladda Somaliland, ayaa ka qaybgalay
dabaaldega caalamiga ee loo sameey ey sagaashan guurada ka soo
wareegtay dhalashada boqorada dalka ingiriiska,Queen Elizabeth II.
Boqorada oo baarka ka jartay sagaashan sannadood, dalkaana boqorad
ka ahayd muddo 64 sano ah, ayaa waxa xuska dhalashadeedu ka dhacay
meelo badan oo ka baxsan boqortooyada dalka ingiriiska, sida Kanada
iyo Ustaraaliya (Canada and Australia) oo ay iyagana boqorad u tahay,
waxa kale oo uu dabaaldegeedu ka dhacay dalalka barwaaqo-sooranka
(Commonwealth).
Wefti balaadhan oo ka socda dawladda Somaliland qaybeheeda kala
duwan ayaa lagu martiqaaday xus kan oo ka dhacay safaaradda dalka
Ingiriiska ee dalka Itoobiya, ka dib markii safiiradda dalka
Ingiriiska ee dalkaasi ay martiqaad rasmiya u fidisay masuuliyiin
sare oo haatan ku sugan magaalo madaxda dalk a Itoobiya ee Addis-ababa,
kuwaas oo isugu jira kuwo dalkaasi socdaal shaqo ku joogay iyo
weftigii xu kuumadda ee socdaalka ugu baxay dhawaan dalka Turkiga,
kuwaasoo kala ah:-
-
Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dalka, Garyaqaan Aadan X. Cali Axmed
-
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga,
Mudane, Muuse Biixi Cabdi.
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire
-
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Cali Maxamed
Warancadde iyo
-
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaan Xasan Axmed Aadan
Weftigu waxay boqorada ingiriiska u gudbiyeen hambalyo ku aaddan
sanad guurada sagaashanaad ee dhalashadeeda, taas oo ay kaga wakiil
ahaayeen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed
Siilaanyo iyo shacbiga Somaliland, waxa kale oo ay hambalyadaas oo
kale u direen da wladda Ingiriiska, oo ay si gaara uga mahadceliyeen
guud ahaan taageerada iyo kaalmooyinka ay boqo rtooyada Ingiriisku
siiso dawladda Somaliland, iyo xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo
Ingiriiska oo ku dhisan dano wadaag, ahna mid adag.
Weftigu intii ay joogeen caasimada addis-ababa waxay kulamo la
yeesheen danjireyaasha, dalalka Afri ka u fadhiya Addis-ababa iyo
safiiro kale oo dalalka caalamka ah, kuna sugan halkaasi kuwaas oo
ay sharax dheer ka siiyeen geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland,
iyo qadiyadda la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland.
Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Warancade oo socdaal
shaqo ku joogay Itoobiya aya a kulamo wakhti dheer socday la yeeshay
masuuliyiinta dhinaca amniga u qaabilsan dawladda aynu der iska iyo
saaxiibka nahay ee Itoobiya, kuwaas oo ku saabsanaa sii xoojinta
amniga mandaqada, gaar aha an tan labada dal iyo xoojinta xidhiidhkii
wada shaqayneed ee labada dal mudada dheer wadaagayeen, halka
musharaxa madaxweynaha ee xisbiga kulmiye, ahna gudoomiyaha
xisbigaasi, uu socdaalkiisa Itoo biya ka mid yahay socdaalo uu ku
galaa-baxayo dalalka Bariga Afrika.
Weftigu waxay kulan gaara la yeesheen wasiiro ka tirsan dawladda
Itoobiya, kana mid yihiin, wasiirka Waxbarashada Mr. Shiferaw
Shigute, iyo wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska, Marwo, Caasha Maxamed
Mu use, kuwaasoo ay ka wada hadleen danaha labada dhinac ee khuseeya
shaqooyinka ay u hayaan umm adahooda iyo xidhiidhka labada dal.
Safiirada martiqaadka fidisay Ms, Susanna Moorehead, ayaa weftiga
Somaliland uga mahadnaqday ham balyada madaxweynaha iyo shacbiga
Somaliland ee dhalasahda boqorada iyo martiqaadka ay soo ajiib een ee
ay kaga qaybgaleen xuska loo sameeyey boqorada ee ku qabsoomay
safaaradda.
Dhinaca kale, wasiirada arrimaha dibeda, iyo Madaxtooyada Somaliland
ayaa ka soo laabtay dalka Turk iga oo ay u tageen, xoojinta iyo
tayeynta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dawladda Turkiga,
iyago o halkaa kulamo gaara kula yeeshay wasaaradda Arrimaha dibeda
ee dalkaasi iyo hay’adaha bisha cas iyo xafiiska mucaawimooyinka u
qaabilsan dalkaasi ee Tika.
Waxa kaloo ay weftigu kala hadleen dawlada Turkiga sidii dib loogu
bilaabi lahaa wada hadaladii ay bees ha caalamku korjoogaha ka ahayd
ee u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo dawlada Turkiga na
la sameeyey gogol xaadh ku saabsan dib u bilowga wada hadaladii
istaagay ee labada dal.
ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|