Wefti ka Socda Dawladda Ingiriiska oo Booq a sho ku Yimi Somaliland iyo Natiijada Kula madii ay la Yeesheen Dhinacyada Doorashooyinka
 


Wefti ka socda dawladda Ingiriiska, ayaa shalay booqasho gaaban ku yimi caasimadda Somaliland ee Hargeysa.


Weftigan oo ka socday safaaradda dalka Ingiriiiska ku leeyahay  maga alada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, wasxa hoggaaminayey safiir-ku-xigeenka safaaradda Mr. John Marshal, waxayna muddadii ay joogeen kulamo goonni-gooni ah la yeesheen masuuliyiin ka tirsan saddexda xisbi qaran, Komishanka Doorashooyinka, Guddi Kormeerka iyo  Ansha xa Doorashooyinka iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Rayaale.


Ma jiraan war rasmi ah oo xisbiyadu ka soo saareen kulanka ay la  yee sheen weftiga Ingiriiska iyo ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhayba, haseyeeshee masuuliyiintii axsaabta qaranka uga qaybgalay  kulank aas, ayaa Jamhuuriya xog-warran kooban xalay fiidkii ka siiyey  ujeedd ada socdaalka weftiga iyo waxyaabihii ay ka wadahadleen.


Mr. Cali Guuleed (Cali-maarshaal) oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE uga qaybgalay kulankaas oo ka dhacay hudheelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhay sidii ay u ogaan lahaayeen halkay marayaan hawlaha la xidhiidhaa doorashooyinku iyo waxyaabihii Somaliland u qabsoomay muddadii ka dambaysay booqashadii ay bishii April ee sannadkan ku yimaaddeen dalka.


“Waxay doonayeen inay ogaadaan wixii hawlaha dhinaca doorashooyinka ah ee Somaliland u qabsoomay ogaadaan, waxayna na waydiiyeen caqadaha ku ah hirgelinta doorashooyinka, waxaanuna u sheegnay in ilaa iminka hawlihii dhinaca Komishanka aan la dhammaystirin, waa tii ay deeqbixiyeyaashu waraaq soo qoreen ku caddeeyeen in xeerka anshaxa sida ugu dhakhsaha badan loo saxeexo oo arrinta Komishanka la dhammeeyo, taasna waxaannu u sheegnay haddaanu nahay saddexda xisbi in aannu diyaar u nahay saxeexaha qodobaddii ku qornaa waraaqdii ay soo saareen deeqbixiyeyaashu, waxayna ahayd in cid lagu kordhiyo Komishanka Doorashooyinka oo ilaa afar xubnood lagu daro, taasna waxa diidan UDUB oo leh waxba lagu kordhin maayo, arrinta seerfarka oo aan weli war loo hayn waxa ka soo bixi doona, haddana waxaannu u sheegnay in saddexda xisbi qaran ka shaqaynayaan sidii uu u hirgeli lahaa seerfarku, ugana soo bixi lahayd natiijo lagu wada qanco, waxa kale oo aannu u sheegnay inay jiraan in la iswaafajiyo qawaaniinta doorashooyinka, taasina qolada UDUB ayaa ka cago-jiidaysa,” ayuu yidhi Cali-maarshaal.


Waxa kale oo uu xusay in weftiga ka socda dawladda Ingiriisku  dhin aciisa u ballanqaaday inay Somaliland ka caawinayaan dhinaca  doora shooyinka, isla markaana wixii karaankooda ah xukuumadda cadaadis ku saari lahaayeen hirgelinta waxyaabaha dhinaceeda ku xidhan ee arrimaha doorashooyinka la xidhiidha sida bixinta kharashka xukuumaddu ugu talogashay doorashada.


Waxa kale oo aannu kulankan wax ka weydiinay Guddoomiyaha  Siyaa sadda ee xisbiga UDUB, Mr. Cumar Jaamac oo xisbigiisa uga qaybgalay kulanka ay la yeesheen weftigu Ingiriiska ah, isaga oo faahfaahinayey waxyaabihii ay dhinacooda ka wadahadleen waxa uu yidhi; “Waxaannu u sheegnay in la isla qaatay in doorashado 27 September 2009  dhacd o, in xeerkii anshaxa doorashooyinka gacanta lagu hayo iyo  waxyaa bihii kale ee hawlaha doorashooyinku ku hirgeli lahaayeenba, natiijada seerfarka ka soo baxda in lagu wada qancayo, in sida ugu dhakhsaha badan loo sameeyo guddigii kormeerka doorashooyinka oo iyagu u xilsaaran ilaalinta in sida siman loo adeegsado hantida qaranka iyo warbaahinta, waxana samaynta u xilsaaran Komishanka Doorashooyinka.


Sidoo kale, waxaannu u xaqiijinay weftiga Ingiriiska haddaanu nahay xisbiga talada haya ee UDUB in aannu diyaar u nahay inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo loo wada siman yahay, in aanan doonayn in hantida qaranka aannu u isticmaalno hawlaha  doorashoo yinka, diyaarna u nahay in aannu si siman ula qabsano asxaabta kale ee qaranka iyo in diyaar loo wada yahay natiijada ka soo baxda doora shada.”


Xisbiga kalee mucaaridka ah ee UCID oo aanu isku daynay in aanu iyag ana dhinacooda ka waydiino kulamadii ay la yeesheen weftiga  Ingirii ska ayaanay noo suurto galin in aanu khadka telefoonka ku helno.


Ma aha markii u horreysay ee uu wefti uu hoggaaminayo safiir-ku-xigeenka safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa uu booqasho ku yimaad Somaliland, balse waxa uu socdaal sedan oo kale ah dalka ku yimi bishii April ee la soo dhaafay.





Jamhuuriya Online