Wefti Culus oo ka Kooban Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo Maanta u Ambabaxaya Maraykanka

 


Weftigan oo uu Hogaaminayo Wasiirka A/Dibadu waxay ku sii Hakanayaan dalka Djibouti


Hargeysa (TNN) Wefti culus oo ka kooban Xukuumadda Somaliland iyo golayaasha  Baarala maanka ayaa la filayaa inay maanta u anbabaxaan dalka Maraykanka.

Waftigan oo ku tagaya marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen xukuumada Maraykanka  wax ay ku sii hakan doonaan dalka Djibouti oo ay u sii dhaafi doonaan dalka Maraykanka.

Waftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, C/laahi Max’ed  Duca ale waxa ku wehelinaya wasiirada Arrimaha Gudaha C/laahi Ismaaciil Cirro, Wasiirka  Qorsh aynta Cali-Sanyare, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cismaan Sh Cabdi Sh Maxamed iyo laba da gudoomiye ku xigeen ee labaad ee golayaasha baaralamanka (Wakiilada iyo Guuritida), Baashe Maxamed Faarax iyo Siciid Jaamac Cali, ayaa mudada ay joogaan dalka Maraykanka waxa la filayaa inay wada hadalo rasmi ah la yeeshaan xukuumada Maraykanka taas oo uu ku saabsan xoojinta xidhiidhka labada dal iyo arrimaha iskaashiga ay ka yeelan karaan labada dal.

Waa markii ugu horaysay ee wafti culus oo ka kooban xukuumada iyo baaralamanku ay so cdaal wada jir ah ugu baxaan dibadda, taas oo xoojinaysa dadaalka ay Somaliland ugu jirto inay aqoonsi ka hesho caalamka.
 


Source:Waaheen