Weft Uu Hogaaminayo Xoghayaha Guud Udub Oo Sir Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyey Burco

 

Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo xog-hayaha guud ee xisbiga talada haya ee UDUB, ayaa maanta duhurkii soo gaadhay magaalada Burco ee caasimada Gobolka Togdheer.

Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB mudane Jaamac Faarax Yaasiin, oo bishii labaad ee sanadkan xilka xoghaye-nimada loogu magacaabay shirweynihii labaad ee xisbiga UDUB ee ka dhacay magaalada Hargeysa, kadib markii uu geeriyooday xoghayihii hore Alle ha u naxariistee Marxuun Bulaale.

Xoghaye Jaamac oo socdaalkiisani uu yahay kii ugu horeeyey ee uu ku yimaado Gobolkan Togdheer mudadii uu xilka hayey, ayaa loogu soo dhaweeyey magaaladan Burco si layaab leh oo aan hore loogu soo dhaweyn madax dhigiisa ah.

Ujeedada socdallkan ayaa ahayd mid looga gol lahaa isbarashada xoghayaha cusub iyo laamaha xisbiga ee Gobolada .

Waxa kale oo aan meesha ka maqnayn in dadweynaha looga waramo in reer UDUB ku qanacsan yihiin go’aankii koomishanka ee dib loogu dhigaayey wakhtiga ay qabsoomayso doorashada dalku iyo marxaladaha kale ee dalku marayo.

Soo dhaweynta mudane Jaamac Yaasiin Faarax oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne tiro badan oo isugu jira noocyada kala duwan ee bulshada, waxa lagaga hor tagay Tuulada Qoyta oo 20 KM u jirta magaaladan Burco, laguna soo dhaweeyey baabuur aad u tiro badan , iyo dadweyne ay ka muuqdaan calamada xisbiga UDUB.

Xoghaye Jaamac oo intii aanu soo gaadhin gudaha magaalada Burco, lug ku dhexmarayey laamiga Qoyta oo ay ku sugnaayeen boqolaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga ayaa u mahadnaqay dadweynihi waxaana ka mid ahaa ereyadiisi:

“Shacabka Reer Burco aad ayey u mahad sanyihiin, isha Allah weynu wada joognaa ilaa mudo seddex cisho ah, wixi intaas ka badan weynu isaga iman doonaa”

Dhan kale amaanka ayaa ahaa mid ay aad sugeen ciidamada nabad galyada wadooyinka ee Gobolka Togdheer, dadka soo dhaweeyey Xoghaya ayaa waxaa ka mid ahaa, Badhasaabka Gobolka Togdheer, Gudoomiyaha Xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer, Badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer, Cuqaasha Gobolka iyo dadweyne aad u tiro badan.

Xoghayaha cusub mudane Jaamac Yaasiin Faarax oo dadweynihii isugusoo baxay munaasibadan lagu soo dhaweynaayey kula hadlay xafiiska xisbiga UDUB ee Gobolkan Togdheer , waxa ka mid ahaa hadaladiisi:

“Maanta maalin weyn weeye, waa maalin farxad leh, waa maalin aan cagaha soo dhigay Gobolka Togdheer caasimadiisa Burco, oo ah caasimadii halganku ka bilaabmi jiray mar walba, waa caasimadii wadanka laga xoreeyey, lagagana dhawaaqay gobanimada Soomaaliland, Burco waa caasimadii mustaqbalka iyo guusha, waxaanan leenahay hanoolaato Burco, shacabkeeda iyo Somaliland-ba .”

Weftigan oo ka koobnaa Gudida Fulinta xisbiga, xubno Baarlamaanka ah, xubno Golaha Guurtida ah iyo Taageerayaal, ayaa socdaalkooda ku joogi doona magaalada Burco mudo maalmo ah, iyadoo la filaayo inay u dhaafi doonaan Degmada Oodweyne ee ka tirsan Gobolkan Togdheer.



Goljano