Wefti balaadhan oo ka socda Dalka Imaaraadka Carabta kana jawaabaya
baaqii madaxweynaha Somaliland ayaa saaka si weyn loogu soo
dhaweeyey Garoonka Cigaal International Airport
Weftigan oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay baaqii madaxweynaha
Somaliland dhawaan u diray beesha calaamka
Hargeysa (TNN):-Waxa maanta wefti balaadhan oo ka socda Imaaraadka
carabta dalka ku soo dhaweeyey safiirka Somaliland ee dhawaan
madaxweynuhu u magacaabay dalka imaara adka carabta inuu Somaliland
wakiil uga noqdo Amb. Baashe Cawil Cumar oo ay wehelinaya an wasiir
ku xigeenka Arrimaha dibeda Somaliland, Mudane Keyse Guray, La-taliyaha
madax weynaha ee Arrimaha Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga
ah Amb. Cabdifataax sic iid Axmed, Gudoomiyaha xafiiska diwaanka
Sekada Sheekh Siciid Maxamed Daahir, iyo isu-du waha xafiiska
samafalka ee Wasaaradda dib u dejinta Somaliland.
Weftigan oo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhay baaqii madaxweynaha
Somaliland dhawaan u diray beesha calaamka iyo hay’adaha samafalka
ee dhinaca Abaaraha la xidhiidh oo ay wef tigii u horeeyey soo dirtay
imaaraadka carabtu, ayaa safiirku ku soo dhaweeyey subaxnima dii hore
ee maanta garoonka diyaaradaha ee cigaal international airport.
Weftigan ayaa noq onaaya weftigii saddexaad ee dalka soo gaadha intii
madaxweynuhu magacaabay wakiilka imaaraadka carabta.
Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Safiir Somaliland Ee Wadanka
Imaaraadka Carabta Ba ashi Cawil Cumar oo yidhi “ Maanta farxad weyn
bay runtii noo tahay inaan halkan kusoo dh awayno Hay’adda KHALIIFA
FOUNDATION (Hay’adda Kheyrigaa ee Dawlada Imaaraadka Car abta) maaha
runtii markii ugu horaysay ee Hay’addu timi dalka een marar horey
timi baa jirtay oo ay ka waday haday noqoto mashaariicdii biyaha ama
dhakhtarka, hasayeeshee muhiimada hada ugu wayne ay u timi runtii
waxay ahayd inay u kuurgasho xaalada abaareed ee dalka ka jirta,
waxaanaynu la soconaa markii Madaxweynuhu ku jiray safarkii
ceerigaabo inay dalka lasoo derseen abaaro xun wakhtigaa
Madaxweynuhu u saaray gudi heer qarana oo uu hogaaminaayo Madaxweyne
Ku Xigeenka Dalka JSL waxay guddigu markii ay deristay xaalada dalka
ay sameeyeen qeylo dhaan ay u direen dhamaan Hay’addaha dunida iyo
wada mada aynu jaarka nahay iyo kuwa aynu saaxiibka nahay, Markaa
Madaxweynuhu isagoo tixgelinaya taladii gudiga waxaa uu sameeyey
inuu u diro codsi Dawlada Imaaraadka Carabta uu ka codsaday in lasoo
taakuleeyo shacabka reer Somaliland ee iyagu dhibaataysan marka a
arrintani waxay jawaab u tahay taakulayntaa iyo dalabkaa uu
Madaxweynuha JSL sameeyey,”
Waxa isna halkaa ka hadlay Wasiir ku xigeenka Waarada Arimaha Dibada
JSL Axmed Aadan Ismaaciil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa wuxuu
tidhi “ Runtii maanta oo ay bishu 16- august waxaa farxad weyn noo
ah hadaanu nahay Wasaarada Arimaha Dibada oo aanu ku metelay no
Xukuumada Somaliland ee uu Safiirkii Imaaraadkuna nala joogo innaan
halkan kusoo dha weyno Sayir Khaliifa Foundation(Jimciyatul Kheyriiya)
oo runtii u timi jawaabta dalabkii qeylo dhaantii uu Madaxweynaha
JSL u ka diray, Fursadan annagoo ka faaidaysanayna uga mahad
naqaynaa Sayid Khaliifa Foundation yacni sida dhakhsaha ah ee ay
qeylo dhaantii Madaxwe ynaha iyo Gudiga Abaaruha Gudoomiyaha u yahay
Madaxweyne Ku Xigeenku ay uga soo ja waabeen,
Waxay joogi doonaan
hadii illaahay ka dhigo ilaa mudo ku dhow 20-cisho markaasoo ay
indhahooda kusoo arki doonaan heerka ay gaadhsiisan tahay Abaartu
saamaysay xoolaha iyo beeraha markaa runtii gadaal baanu ka sheegi
doonaa meelaha ay tagi doonaan, iyagoo indhahooda kusoo arki doonaa
waftiga kolay Media-hoodiina wata sida baaxada leh ee abaartu u
saamaysay dad, duunyaba iyo xoolaba, Marlabaad iyo mar saddexaadba
waxaanu u mahad naqaynaa Dawlada Imaaraadka Carabta iyo Siyid
Khaliifa Foundation yacnii jawaabta ay kasoo jawaab bixisay sida ugu
dhakhsiyaha badanle uga soo jawaabtay Dalabkii Madaxweynaha iyo
qoraalka ahaa qeylo dhaanta ahaa iyo Gudiga Abaartaba ”
|