wefti ay u dhan yihiin
golayaasha qaranka jsl oo lagu martiqaaday dalka maraykanka
Weftigan oo
isla maanta-ba ka dhoofay madaarka diyaaradaha ee Cigaal
International Airp ort ee magaalada Hargeysa, ayaa
safarkoodani waxa uu ka dhashay marti-qaad sare oo ay ka heleen
dawladda Maraykanka.
Hargeysa (TNN)-Wefti ballaadhan oo ka kala tirsan saddexda Gole ee
Qaran Jumhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta safar ugu kicitimay
waddanka Maraykanka ka dib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen
dawladda.
Weftigan oo isla maanta-ba ka dhoofay madaarka diyaaradaha ee Cigaal
International Airp ort ee magaalada Hargeysa, ayaa
safarkoodani waxa uu ka dhashay marti-qaad sare ah oo ay ka heleen
dalka dawladda Maraykanka.
Waxaana uu weftigani ka kooban yihiin xubnaha kala ah:
1. Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Md. Baashe
Maxamed Faarax.
2. Guddoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Golaha Guurtida Md. Siciid Jaamac
Cali.
3. Wasiirka Arrimaha Dibada Md. Cabdilaahi Maxamed Ducaale.
4. Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro).
5. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Cali Ibraahim Maxamed (
Cali-Sanyare ) iyo
6. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Md. Cismaan Sh. Maxamed Cabdi.
Weftigan oo ku sii hakan doonaan dalka Itoobiya, ayaa lagu wadaa
inay la kulmaan mas'uuliyiin ka tirsan wadankaasi oo ay kala hadli
doonaan horumarinta xidhiidhka ka dhaxeeya labada dal ee dhinacyada
iskaashiga nabadgelyada, Ganacsiga iyo siyaasadaba.
Illaa hadda lama saadaalin karo cidda uu weftigu bar-tilmaameedsanayo
ee ay Maraykanka kula kulmayaan.
Hasayeeshee arrimaha ay halkaas u tegayaan ayaa waxa ay qayb ka
yihiin dadaalada loogu jiro adkaynta xidiidha Jamhuuriyada
Somaliland la leedahay waddanka Maraykanka iyo qaddida
Ictiraaf-raadinta-ba. Inta la hubo, waa markii u horreysay ee wefti
ka socda sadex Gole ee Somaliland ay socdaal ku tagaan dalka
Maraykanka iyaga oo midaysan. Lamana sheegin mudada socdaalka
Weftigani qaadan doono.
Source SL Media
|