Wefdigii
Cuslaa ee Ka Socday Dawlada Somaliland oo kulamo ku yeeshay Addis
ababa,
![](IMAGES/ASAA-1.jpg)
Addis Ababa Axad , 21 March 2010
(TNN)-Warsaxaafadeed uu soo saaray Ayaanle Salaad Diiri ye oo
ah Sample ImageKu xigeenka Safiirka Somaliland ee Addis ababa, ayaa
waxa uu ku yidhi “Waftigii uu hogaaminayay, Wasiirka Arrimaha Dibada
JSL, Mudane Cabdillaahi Maxamed Duca ale , waxa Magaalada
Addis Ababa quraac sharafeed u Sameeyay Mr. John Marshal, ku
xigee nka Safiirka safaarradda Ingriiska ee Addis Ababa, Ethiopia
ahna kusimaha Safiirka Safaarradda Ingriiska ee Ethiopia.
Waxa kulankaa lagu gorfeeyay
xidhiidhka dhaw ee ka dhaxeeya labada Dal Somaliland iyo
Ingrii ska iyada oo nuxurka wadahadalku ku salaysnaa iskaashiga
labada dal ee dhinacyadda Nabad gelyadda, Siyaasadda
Dhaqaalaha iyo Horumarka, waxa kale oo la gorfeeyay xaaladda guud ee
Gobolka ( sub region) .
Kulankaas labada dhinac waxa laysla qaatay Somaliland iyo Ingriiska
sii xoojinta xidhiidhka lab ada dal inuu halkaa ka sii socdo
iyadoo kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa iyo jawi saa
xiibtinimo. kulankaasi waxa uu qaatay laba saacadood, Kulankaasi
dhinaca Safaaradda Ingriiska waxa ku weheliayay John
Marshal,Safiirku xigeenka ahna sii hayaha Safaarradda, Shan Sarkaal
oo ka mid ah safaaradda laamaheeda kale duwan sidaa ku xigeenka
labaad, milartary attachka iyo immigrationka.
Sidoo kale waxa waftiga qado sharaf u sameeyay Wasiiru Dawlaha
Arrimaha Dibedda Ethiopia Dr. Tekeda Alemu, kaasi oo ay ka wada
hadleen xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal sida
nabadgelyadda, Ganacsiga , Amaanka iyo Guud ahaan xaaladda guud ee
gobolka waxa labada dhinac isla qaateen doorka ay somaliland ka
ciyaarto Gobolka khaasatan dhinacyadda Amaanka Gedisocodka
dimuquraadiyadda iyo dawlad wanaaga. Iyadda oo loo baahan yahay in
bulshadda caalamku si gaara u qiimeeyan kaalinta somailanad kaga
jirto gobolka lana helo qaab kii Somaliland waxloogala qaban
lahaa horumarka, waxa uu kulankaasi ku dhamaaday is afgarad buuxa.
Kulankaasi oo qaatay laba saacadod iyo badh Kulankaasi wasiiru
dawlaha arrimaha dib edda waxa ku weheliyay laba nin oo kale
ahaa 1. Safiirka African unionka u fadhiya ethiopia iyo Abdeta
dhinaca Somaliland waxa waftigu uu ka koobnaa kulamada oo dhan
Wasiirka Arrimaha dibedda Abdillahi Mohamed Duale, Wasiirka
Wasaarrada Arrimaha Gudaha, Abdillahi Ismail Ali, Wasiirka
Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha, Wasiirka Wasaarada Qorshaynta, Ali
Ibrahim Moh amed, Baashe Farah Mohomed, Ku xigeenka labad ee
Baarlamaanka Somaliland iyo Said, oo ah ku xigeenka labaad ee Golaha
Guurtida Somaliland iyo Mr. Ayaanle salad Deria, Safiir Ku
xige enka Safaaradda JSL Addis Ababa, Ethiopia ahna ku simaha
Safiirka Safaaradda JSL Addis Ab aba
sidoo kale waxa waftigaas xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka
Maraykanka u jooga Ethiopia John Ya tes kulan kaasi oo lagaga
wada hadlay xidhiidhka qotoda dheer ee u dhaxeeya dawladda
soma iland iyo dawladda Maraykanka iyo u gogol xaadhka weftiga
somaliland ee washiton, Kulankaas Safiirka Maraykanka waxa ku
weheliyay Sarkaal safaaradda u qaabilsan Siyaasadda iyo Dhaqaalaha.
Waftigu waxay xalay ka dhoofeen Bole International Airport iyaga oo
u sii jeeday Washinton DC”
|