Dr  Maxamed Rashiid Oo Dawlada Kanada Ka Codsaday Inay Citiraafto Somaliland

 

Kanada Ha Furto Basaaboorka Somaliland Hana Ictraafto Somaliland. Sidaa waxa ka codsay dawlada Kanada Dr. Mohamed- Rashiid hadal uu u jaydiyay wefti heer sare ah oo ka socday baarlamaanka Kanada oo casuumad soo dhawayn ah ugu sameeyay isaga iyo waftiga uu hogaaminayo magaalada Ottawa.

Wafdi uu hogaaminayo Dr. Mohamed-Rashiid oo u sharaxan jagaada madaxweyn-xigeen ee xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID oo malmahanba joogay magaalada Toronto ee dalka Kanada ayaa u kacitamay magaalo maxda Ottawa ee dalka Kanada ka dib markay heleen martiqaad rasmi ah.

Waxaa waftiga ku wehilinayey Dr. Mohamed-Rashiid xubno ay ka mid yihiin, Xilbibaan Nasir Xaji Cali Shire, Marwo Amina
Dr. Mohamed-Rashiid, Xil. Kargyanis, Marwo Amina
Xil. Crombie, Xil. Nasir iyo Xil. Lee


Cabdi Jamaac iyo Mudane Cumar Mahdi.

Wefdigu wuxuu la kulmay masuuliin isgu jira golaha barlamanka iyo dawladdaba. Labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimaha sida tooska ah u taabanaya labada dal ee Kanada iyo Somaliland iyo sidii lay isugu soo dhawayn lahaa labada dal iyo labada ummadood. Arrimaha uu weftigu hordhigay masulinta dawladda Kanada waxaa ka mid ahaa:

1. Inay muhuum tahay ictiraafka Somaliland, dan weynina ugu jirto dawladda Kanada iyo adduun weynhaba inay aqoonsadaan jiritaanka Somaliland oo ay ka go’an tahay ummadda Somaliland.

2. Waxaa u surto gashay weyftiga inay kala hadlan masuulinta Kanada ugu horayn in la furo xidhiidh toos ah oo ka dhaxeeya golayasha barlamanka Somaliland iyo Kanada. Xubno ka tirsan barlamanka Kanada ayaa u gooxay arrinta oo isla goobtiiba ka yagleelay Guddiga Kanada oo ka tirsan afar xubnood.

3. In dawladda Kanada aqoonsato passportka dawladda Somaliland gar ahaan in masuuliinta iyo xubnaha dawladda la siiyo Visa ay ku soo galaan kuna dhaqdhaqaaqaan dalka Kanada. Codsigan oo dabasocda in imikaba ay dalaka Ingiriiska, South Africa, Ethiopian, Uganda iyo dala kaleba ay ugu dhuftaan Vise passportka Somaliland gar ahaan marka ay wataan masuulin matelaya ummadda Somaliland.

Midig – Xil.Ratansi, Xil. Lee, Xil. Nasir, Xil. Crombie,
Marwo Amina, Mudane Omar

Gabagebadii waxaa casho sharaf u sameeyey waftigaa Somaliland Xildhibaanadii aasaasay Guddida Xidhiidhka barlamanada Kanada iyo Somaliland.

Hormoodnews