Websityada Somaliland Maxaa ugu Wacan inay Sawiro Aysan lahayn Magacooda ku dul qortaan ?

 


Websityada Somaliland Maxaa ugu Wacan inay Sawiro Aysan lahayn
Magacooda ku dul qortaan ?Miyaysan Aqoon copyright? “Dood Furan”

Waxaanu ku jirnaa Wakhti ay saxaafadu si xowli ah aaduunka uga shaqaynayso taasi oo barbarsacota Dimuqraadiyada iyo isdhexgalka aduunka, wadan walba horumarkiisa waxaad ka garankartaa saxaafadu sidey uga hirgasho.

Suxufi la’iskama noqonkaro mana la iskamana dhigi karo ee waa hibo ilaahay siiyo Qofka waxaana laf dhabar unoqonkarta in uu qofkaasi barto sharuucda saxaafada oo uu hubsado waxa uusoo gudbinayo maadamaa Saxaafadu tahay isku xidhka aduunka oo dhan.

Waxaan aad u xiiseenayay Arimaha Saxaafada oo aan kusoo jiray mudo 3 sano ah kadibna waxaan is fahmay in ay arimo badan wali iga dhimanayihiin oo aan ogaaday muhiimada ugu wayni in ay tahay Shuruucda saxaafada nasiib wanaag aniga oo nasiib u helay in aan galo Colleg kuyaala Toronto,Canada oo aan isleeyahay Meelfiican ka gaadh Saxaafada ayaan waxaan jeclaystay in aan u kuurgalo ama wax ka ogado Saxaafadaha Soomalida siday u shaqeeyaan waxaan kaloo aad ugu kuurgalay in aan ka hadlo arinka aadka ugu muhiimsan ee copyright .

Waxan filayaa in ay dad badani wada yaqanaan balse aad moodid in ay Dadka Somalidu aay iska indho tiraan in Xuquuqda qofka iska leh hadba waxa uu soosaaray iska ilaaliyaan waxaa kamid ah hadii aan yara taabto War, Music, Gabay,Book, Documentary, Film, Sawiro intaas iyo qarkale oo badan ayaa haboon in qofka iska leh ama soosaray laga taaban amaba laga bililiqeysan tiiyoo waxa Ruqsad ah loohayn.

Waxaan uga danleeyahay Qormadan maanta oo aan doonayaa Qeybta 1-aad in aan kusoo qaato waxaan lakulmay Muwaadin Somalilander ah mar aan joogay Magalada London, Uk goobtuna waxay ahayd Xaflad aad u qurux badan inan Dhalinyaro ah oo Sawiro qadayay habaynkii oo dhana taagnaa si uu sawiro u qaado oo hal mar xitaa joogsanin kadib waan u tagay oo aan salaamay maadama aan ku jiro ama anigu aan jeclahay saxaafada waxan weydiiyay Wiilkii dhalinyarta ahaa Ma Journalist ayaad tahay waxa uuna iigu Jawaabay Maya, Waxaan kale oo aan weydiiyay Xaflada ma adiga ayaa soo qaban qaabiyay waxaa uuna iigu Jawaabay isaga oo qoslaya Maya. Anigii ayaa amuusay oo aan garanwaayay wax kale oo aan weydiiyo maadama wixii aan weydiiyay oo dhan iigu Jawabay Maya, intaas kagama aanan hadhin waxaan ku idhi reer London aad ayaad u badan tihiin kadib wiilkii ayaa ila hadlay oo igu yidhi reer London ma tihid miyaa? Waxaan ugu Jawabay in aan ka imid Toronto,Canada kadib halkii ayaan isku baranay.

Dhowr daqiiqo kadib Muwaadinkii waxa uu ku dhaqaaqay howshiisii in uu Sawiradii koonerwalba ka qaado waan kadaba tagay waxaan weydiiyay maxaad ku samaynaysa Sawiradan aad qaadayso waxa uu igu yidhi oo uu Jawaab iisiiyay “waxan ukala dirayaa Websiteyada Somaliland si ay usoo daabacaan Publish-gareeyaan” waxaa kale oo uu iiraaciyay waxan doonayaa dadka aan wakhtiga u helin in ay yimadan Xafaladan in ay ka daawadaan.

Wiilkii oo Qosalaya oo ay faraxdin aad ah ka muuqato ayaa igu yidhi Fadlan adiga Sawir aan kaaqaado waxaan ku idhi waa hagaag “Ok” kadibna sawir ayuu iga qaaday aniga iyo dhowr qof oo meesha wada joogay, halkii ayuu magaciisa iigu shegay aniguna waan u sheegay.


Maalin kadib ayaan is idhi waxaad sawiradii ka eegtaa Websityada Somaliland waan wada galay, nasiib wanaag waxaa soo daabacay dhowr website balse waxaan aad iyo aad uga xumaaday aadna uga carooday markii aan arkey dhowr website oo sawiradii uu gacantiisa kusooqaaday Wiilkii Habaynkii oo dhan u taagnaa Tacab iyo Wakhti galiyay in Sawiradiisii lagu qoro Magac website oo farwaaweyn lagu xardhey, Waxaaba taasi igaga sii daran Aniga oo ku jiray Sawirka in Wajigeyga dushiisa lagu qoray Magaca website-ka woooooooooooow cajiib waxaan isweydiyay sababta waxan keentay.


Maka xasidnimaa?
Maka Aqoondaraa?
Ma ukasbaa?
Ma isku kalsiini la’aanbaa?
Maka Doqonimaa?


Sikastiba ha ahaatee waxaan isla markiibii lahadlay Maadaama uu Telefonkiisii isiiyay wiilkii soo qoray sawiradana xaflada kasoo qaaday. Markii aan wacay telefonka waxa uu iisheegay in uu aad uga xunyahay waxa ay sameeyen websityeda qaarkood xitaa magaciisii lagu xusin lana xaqiray shaqadii uusooqabtay run ahaantii waxa uu muuqday qof aad uga xumaaday kana niyad jabsanaa wax qabadka dadkiisa.

Hadaba Websityada Qaar ayaa sidii uu wiilka usoo qaday usoo daayay una soo daabacay Magaciisii oo Saxda ahaana ku qortay xaga hoose ee Warkii uusooqaray halka qaarkale kaba masaxeen mgaciisii wiilkii maadama uusoo qoray isagu Xuquuqdana iska lahaa.

Gabagabadii miyanay ahayn niyadjab lagu ridayo dhalinyarta firircoon ee dalkooda jecel in uu horumar gaadhan, imika iyo hatan Waxaan doonayaa in aan weydiiyo Dadka Somalilanders ka ah waxa ugu wacan Websityada in Sawiro aysooqaadin amaba lahayn iyagu inay Magacooda kudulqortaan.



Wabilaahi Towfiiq

Imika Dalxiis ku jooga Gabiley, Somaliland
 

 

 

Ahmed C/Laahi H. (Ahmed DJibouti)
E-mail djibouti2009@gmail.com