W/Daakhiliga Iyo Taliyaha Booliska Oo Ka Waramay Natiijadii
Hawl-galo ay ka fuliyeen Dalka
“Waxa Xididadda loo saaray dhammaan cabsidii ka soo yeedhaysay
dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka “
Hargeysa (TNN)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed
Nuur Caraalle (Duur) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto
Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen
xarunta wasaaradda daakhiliga, waxay ku sheegeen in hawl-gal balaadh
an oo ay ka fuliyeen magaalooyinka Hargeysa iyo laascaanood ay ku
soo afjareen cabsidii So maliland ka qabtay falal argagixiso.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur) oo ugu
horayn shirkaasi jara a’id ka hadlay ayaa sheegay inaanay maanta
Somaliland ka jirin cabsi weeraro argagixiso.
“Waxa Xididadda loo saaray dhammaan cabsidii ka soo yeedhaysay
dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka ee sababtay inay dawladahaasi
dhawaaqaasi soo saaraan ka dib markii ay soo gudbiyeen xididadda
ayaa loo saaray. Waxa la isla gartay cabsidaasi inaanay maanta ahayn
mid jirta. Xog timaada mooyaane’ xogtii hore dhammaantood xididadda
ayay Ha’yadaha amnigu u siibeen,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Wasiir Duur oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Hadda waxaynu
sugnaaba waa jawaabta ka soo yeedhaysa xafiiska arrimaha dibadda
Ingiriiska oo markii hore dhawaaqan soo saara y.ALXAMDULILAAH meel
wanaagsan ayaan arrintaasi soo gaadhsiinay, waxaan dadweynaha u soo
jeedinayaa inay kordhiyaan taageeradda ay ciidammadda ammaanka la
garab taagan yihiin.”
Md. Duur waxa uu baaq u diray culimadda Somaliland oo uu u soo
jeediyay inaanay la baqan xogta badan ee ay hayaan, isla markaana ay
dadweynaha ka wacyi-geliyaan khatarta Arga gixisadda, isagoo
arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Sidoo kalena waxaan halkan
fariin u ga dirayaa culimo-awdiinka ummadda waxaynu ka baran karnaa
xogta, waxay ogyihiin khalad kasta oo loo adeegsaday diin oo ay dad
argagixiso ahi adeegsadeen. Waxa culimadda soo gaa dhay Somaliland
kamay dhicine’ in raggii waaweynaa ee culimadda ahaa lagu dilo
dariskeena. Masiibadda agteenna ka dhacaysaa ma aha mid aynu ka fog
nahay, laakiin ILAAHAY mahaddii waanay ina soo gaadhin.
Markaa waxa weeye inaynu taxadirkeeda aynu yeelano.Anagoo uga
tacsiyadeynayna oo dii dan in dadka culimadda ah la laayo, markaa
culimadda waxaan ugu baaqayaa inay si geesinim o leh ay ummadda uga
wacyi-geliyaan khatarta Argagixisadda.”
Taliyaha Ciidanka Booliska
Somaliland sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa isaguna sh
eegay in hawl-galo balaadhan oo ciidammadda booliska iyo kuwa kale
ee ammaanka oo isgara bsanayaa ay ka fuliyeen magaalooyinka Hargeysa
iyo Laascaanood ay ku soo qab-qabteen da d badan oo uu tilmaamay in
tuhuno argagixiso galeen.
“Ciidammadda booliska iyo Kuwa kale ee ammaanku waxay beryahanba ugu
ku gudo jireen ha wl-galo aad u waaweyn oo aad uga adag kuwii hore
oo laga fuliyay Laascaanood iyo Hargey sa, waxaan ka codsanaynaa
dadweynaha Somaliland inay sii kordhiyaan taageeradda ay ciida
mmadda amniga la garab taagan yihiin,”ayuu yidhi Sareeye Guuto
Cabdilaahi Fadal iimaan.
Taliyaha Ciidanka Boolisku waxa uu intaasi ku daray in hawl-galadii
ay habeenadii la soo dhaaf ay fuliyeen ay qeyb ka tahay in Beesha
caalamka loo xaqiijiyo in Somaliland amni ahaan sugan tahay.
“Tiro dad ah ayaanu ka qabanay Caasimadda Hargeysa iyo Gobolka Sool,
baadhistoodiina way noo socotaa, waxaanan u mahad celinaynayaa
dadweynaha iyo ciidammadda ammaanka ee hawl-galadan ka
shaqeeyay,”ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Boolisku.
Cumar Maxamed Faarax
|