Way soo muuqdaan gaadhitaanka ujeed ooyinkayagii weerarka Qasa !. Sidaa waxa yidhi Ehud Olmer ( ra-iisal wasaaraha Israa-iil)

Tan iyo 27-kii bishii tagtay ee laba iyo tobnaad ( december ) ee gugii tagay waa 2008-diiye, waxa ay diyaaradaha iyo daabaabadaha dalka Israa-iil si balaadhan u garaacayaan dhulka ay degan yihiin dadka Falastiiniyiinta ah ee la yidhaa Qasa, oo ay Israa-iil ku sheegtay in dhulkaasi yahay halka kooxda mayalka adag ( waa sida ay israa-iil tidhiye ) ee Xamaas ka soo ganaan madaafiicda lagu soo weeraro Israa-iil, ee naxdinta iyo argagaxaba ku haya dadweynaha yuhuuda ah, oo ah bay tidhi Israa-iiliyiintu arinta keentay inaanu ka maarsan wayno inaanu weerar ku qaadno Qasa si aanu u xiidida ugu saarno Xamaas.

Dukhaynta loo gaystay mudo hada ka badan laba todobaad dadka ku dhaqan Qaasa, waxa ku nafwaayay dad Falastiiniyiin ah oo tiradoodu kor u dhaaftay 880-qof.oo ay ku jiraan 235-caruur ah, waxana ku dhaawacmay in ka badan 3500 oo qof oo u badan dad rayid ah, halka dhanka Israa-iil ay ka dhinteen dad lagu qiyaasay 13 qof oo kali ahi, taasi waxay keentay in dadka ku dhaqan qaaradaha aduunku siyaalo kala duwan u muujiyaan ka soo horjeedka dagaalkan aan isku dheelitirnayn ee ka socda Qaasa, waxa Sabtigii iyo Axadii banaanbaxyo kala duwani ka dhaceen caasimado badanoo ku kala yaala qaaradaha Aduunka sida Baarliin, Barsiloona, Qaahira, Dhablin, Landhan, Waashingtoon iwm. oo ay dadku ku muujinayeen dareeenkooda, kuna dalbanayeen in si degdeg ah aduunku wax uga qabto dukhaynta Qaasa, iyo weliba silica iyo rafaadka ay maalin kasta la kulmayaan dadka ku dhaqan Qaasa.

Dhanka kale waxa isna waraysi uu siiyay Telefhisan, ku xidhay Shurrudo joojinta madaafiicda ay ridayso Xamaas, ninka Xaamaas u ah hogaamiyaha oo hada jooga Suuriya lana yidhaahdo Khaalid Mashaal, ninkaasi waxa uu yidhi hadii ay rabto Israa-iil in aan joojino madaafiicda aan ku ridayno waa inay samaysaa arimahan soo socda,-

b- Waa in Israa-iil imika joojisaa garaacista ay ku hayso Qaasa.

t- Waa inay ka baxdaa Qaasa hada.

j- Waa inay furtaa Xadka hada xidhan.

x- Iyo ta u danbaysa oo uu yidhi waa inay Israa-iil Cunaqabataynta ay nagu hayso qaadaa..

Isaga oo sii wata hadalkiisa ninkaasi waa hogaamiyaha Xamaas-e waxa uu ku tilmaamay weerarka Israa-iil ay ku garaacayso Qaasa inuu yahay, mid lagu xasuuqayo dadka Falastiiniyiinta ah, isaga oo carabka ku dhuftay oo ku tilmaamay gumaadkaa '' Hollokoost '', waxana uu sii raaciyay intaas hogaamiyaha Xamaas Khaalid Mashaal, in dadkan Falastiiniyiinta ah sababta loo laynayaa ee dhiigooda loo daadinaya ay tahay, arimo aan ka amadhnayn kuwa siyaasadeed oo ay ka mid yihiin, si doorashooyinka soo socda ee Israa-iil codad loogu helo.........
 


Xigasho: Spits

 

---------------------------------------------------------------------------
 


Maraykanka oo la sheegay inuu hormood ka noqonayo la dagaalanka budhcadbadeedka Soomaaliyeed.

Qorshe la doonayo in lagula dagaalamo oo lagaga sifeeyo budhcad-badeedka Soomaaliya, ee badwaynta Hindiya iyo weliba bada Cas ka ugaadhsata maraakiibta u kala gooshaysa aduunwaynaha ee halkaa maraysa, ayaa la sheegayaa inuu maraykanku todobaadkan laga bilaabo hogaamin doono, budhcad badeedaasi oo sida la sheegayo sanadkii ina soo dhaafay oo kali ah maraakiib aad u tiro badan ka qabsatay halkaa ayaa ku xidha sii dayntooda lacag malaayiin Doolarka Maraykanka ah oo madaxfurasho ah, taasi oo ay qaar badanoo maraakiibtaas ka mid ahi hore u bixiyeen, qaarna ay weli u xaniban yihiin sida war-is-gaadhsisinta aduunka lagu baahiyay. Taasi waxay sababatay in nabadgalyo daradaas bada ahi keento in lacagtii lagu kiraysanayay maraakiibtu qaaliyoowda, iyo iyada oo weliba ay baqasho kale ka dhalatay oo ah in hadaan hada la joojin ay dhiirigalin karto kooxo kale oo iyaguna ku dayda. Si looga hortago dhibaatooyinkaasina waxa aduunweynahu hadaba in mudo ahba ku shuqlnaa isku soo dubaridyo iyo diyaargaraw balaadhan oo hada uu hogaamin doono dalka Maraykanku, oo sida la filayo bilaabmaysa Todobaadkan aan ku jirno hada !

 

Xigasho: AP
 

 



Cali Cumar Xasan