Waxyaalaha Soonka dhexdiisa la samayn karo
 


Waxaa jira waxyaalo ay dadka qaarkood iska ilaaliyaan oo ay moodaan inay Soonka ka jabinayso, balse aan wax u dhimayn Soonkiisa, waxyaalahaasna waxaa ka mid ah:-

1-Irbadda dawada ah oo haragga ama xididka la raaciyo, taasoo aan jabinayn Soonka waayo wixii dhiigga gaadha kama galin marinkii  caadi ga ahaa ee afka. Sidoo kale haddii uu qofku madaxa dhiig ka keeno, istoobo oo dhiig laga keeno amaba dhiig laga qaado Soonka ma jabinay aan inkastoo ay karaahiyo tahay haddii ay daciifinayaan qofka Sooman.


2-Luqluqashada iyo sandaarashada oo ay tahay inaan lagu talax tagin, sida uu caddaynayo Xadiiskii Rasuulkeennu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye uu ku yidhi:-" Haddii aad sandaarato ku  talax tag, illaa inaad tahay qof Sooman mooyaane" Asxaabta Sunanta ayaa warisay.

3-Waxyaalaha aan la iska dhawri karin sida liqista candhuufta, boodhka iyo wax kastoo ay dhib leedhay inaad iska ilaalisid.

4-Biyaha oo uu ku maydho ama uu dhex galo, iyadoo ay fiican tahay inuu iska ilaaliyo inay biyo galaan calooshiisa, haddiise ay galaan  isago on u qasdin Soonkiisu kama jabayo.Labada galin ee maalintiina waa isku mid . Caa'isha oo hooyadii Mu'miniinta Ilaahay ha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyay inay tidhi:-" Nabigu naxariis iyo nabadgalyo Eebbe korkiisa ahaataye wuxuu waabariisan jirin isagoo Jibaano qaba oo  wali ba Sooman, markaasuu maydhan jiray" Bukhaari iyo Muslim baa  wariy ay. Hadalkaa hooyadeen Caa'isha Ilaahay ha ka raalli ahaadee  waxa ynu ka qaadan karnaa inuu qofka Soomani isagoo Jinaabaysan  waab ariisan karo Soonkiisuna uu u jirayo haddii cadceedu ku soo baxdo.

Sidoo kale haddii dhiiga Caadada iyo dhiigga dhalmadu uu ka joogsado qofka dumarka habeenkii way bannaan tahay inay waaga dib ugu  dhig ato Soonkeeduna wuu u jiraa Salaadeedana way isku daahirinaysaa.

5-Qofka Sooman waxaa u bannaan inuu wax cuno,cabbo ama uu u  gal moodo xaaskiisa inta waagu ka baryayo, marka uu waagu baryo  ayay na waxyaalahaasi ka reeban yihiin, haddii waagu u dillaaco isagoo  cun to cunaya, amaba isagoo hawl galmoosho wada labadaba dhaqso ayuu u joojinayaa, haddiise uu cuntadii iska liqo isagoo og waaga dillaaciisa amaba uu shaqadii galmooshaha iska sii wato Soonkiisu wuu ka jaban yahay.
 


La soco qaybta 8aad………………

 

 
 

Mustafe Abdikarin Ali (Mustafe Future)
Longlivesomaliland News Desk
mccfuture@longlivesomaliland.com
Hargeisa Office Somaliland