Waxyaabaha Ay Ku Kala Duwan Yihiin Hogaamintii Marxuum Cigaal Iyo Hogaaminta Madaxwayne Siilaanyo

 


Waxaynu qormadan taxanaha ah kaga hadli doonaa habdhaqanadii maamul iyo hogamineed ee Madaxwaynahii labaad ee Somali land soo maray marxuum maxamed xaaji ibraahin cigaal iyo wax yabaha ay ku kala duwan yihiin hogaaminta maamul ee madaxwaynaha soomali land ee hada xilka haya Madaxwane Axmed Siilaanyo .

Iyadoo marka la eego marxaladaha iyo duruufaha ay kala dhaxleen Marxuum Cigaal iyo Mad axwayne Siilaanyo oo la odhan karo labada madaxwayne way ku kala nasiib wanagsanayeen xiligii ay jagada hogamineed ee dalka la kala wareegen oo Marxuum Cigaal oo isaga lagu soo doortay shirbeleedkii lagu qabtay 1993kii degmada boorama Ee Gobalka Awdal aanay xiligaa si gebi ahaanba anay Somali land ka jirin xasi looni amaan iyo haykal dawladeed toona halka madaxwayne siilaanyo oo isaga lagu soo doortay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dh acday 26kii juun 2010kii uu dhaxlay haykal dawladeed oo dhamays tiran ,oo uu ka tagay hog aamiye Marxuum Cigaal halka uu Madaxwayne Daahir Rayaale mudadii uu dalka hogaminay ey lagu xasuusto afar doorasho oo dalka ka qabsoomay .

Hogaamintii Marxuum Cigaal uu dalka ku hogaaminayey sagalkii sanadood ee qaranka uu ma yalka u hayeyey ayaa waxaa ka mid ah wax yabaha lagu xasuusto ee hogaamintiisu kaga du wanayd madaxwayne siilaanyo markaynu soo qaadano qaar ka mid ah .Marxuum Cigaal ayaa isagu ahaa hogaamiye waayo arag iyo khibrad dawladnimo isku darsaday isla markaana maa mulkiisa lagu tilmaami jiray mid go'aan qaadasho u leh talabooyinka uu qaadayo .

Marxuum Cigaal ayaa mudadii uu dalka hogaminayey aan isaga lagu aqoonin qarabo kiil iyo u xaglin beesha uu ka soo jeedo iyadooo ay jireena mucarad adag oo lagala hor yimi kuwaas oo ay walibana ay ku jireen siyasiyiin ka soo jeeda beeshiisa iyo madax dhaqameedyo ka soo jeeda beesha uu ka soo jeedo marxuum cigaal laguna timaami jiray in uu beesha uu ka soo j eedo uga sad burin jiray beelaha kale ee reer Somaliland

Marxuum Cigaal ayaa isagu khilaafyada beeleed ee dalka ka dhex aloosma ku xalin jiray mud o gaaban isagoo u adeegsan jiray khibrada iyo waayo aragnimada uu u lahaa dhaqanka bul shada soomali land iyo dariiqooyinka loo maro ,maaraynta muranada siyasadeed ee ka dhex qarxa bulshada reer Somaliland markasta oo xaalado iska hor imaad dalka ay ka dhacaana waxaa uu bulshada reer soomaliland kala hadli jiray fagarayaasha khayriyooyinka iyo warb aahinta isagoo u jeedin jiray khudbado wac yigelin iyo dardaaran ku salaysan .

LASOCO

 

Wariye Maxamed Sagax