Waxqabadka badhasaabka Gobolka gabiley iyo maamul wanaaga uu u horseeday

 

Waxaa muddo dhaw oo haatan laga joogo 2 sano kudhawaad lagu  dhawa aqay Gobolo iyo degmooyin badan oo dalkan s/land katirsan waxa kamid ah Gobolka gabiley

oo runtii mudo aad u dheer u hanqal taagayay sidii uu mar uun gobol u noqon lahaa.

Hadaba maadaama ay u rumawday riyadii ay mudo badan ku riyoonjireen dad-waynaha ku dhaqan Gobolkan gabiley oo ay heleen gobol kii ay  muda da dheer sugayeen

Maxaa lagudboon dadwaynaha gobalkan kasoo jeeda gudo iyo dibadba jooga?

Hadii ay yihiin waxgarad, aqoonyahan, culimo awdiin, Dhalinyaro, Odayaal, Siyaasiyiin, Haween, iyo dhamaanba qaybaha kale ee ay ka koobantahay bulsho waynta ku dhaqan gobolka gabiley

Waxay ila tahay in aan la is dhigan oo aan magaca Gobol ina madaxmarin ee aynu meel uga soo wada jeedsano sidii loo horu marin lahaa gobolkani cusub ee la inoo magacaabay laguna dadaalo sidii uu ugaadhi lahaa  gobol adii ka horeeyay

Waxa maanbta xusid mudan sida ay u haawanayso magaalo madaxdii  gob olku ama ay u kala dhimantahay bilicdeedu waxa aynu ognahay in mudadii labada sanno ahayd ee ugu danbaysay ay magaalada gabiley six ad dhaaf ah uga soo guureen qoysas badan oo deganaa Gabiley sobobta ugu wayn ee ay usoo guureena ay tahay sobobta ugu wayn ee ay uga soo  guure ena ay tahay jaamacad la’aan oo qoys walba mar kii ay laba iyo sadexba u kala jabeen ay dantu ku khasbayso in loo wareego ama loo guuro  halk aasi ay caruurtoodii jaamacada ka dhiganayso sida jamacada hargaysa ama borama

Hadaba waxa farxad iyo xusid mudan in uu badhasaabka gobolka gabiley oo ku guulaystay in uu kafarxiyo dadbadan oo katirsan qoysaskaasi war-warka iyo iyo walbahaarka badani kahaysan jiray kala jabka reerkooda iyo jaamacad doonashada masaafadaas leh isagoo badhasaabku ilaa sidii uu xilkaasi u qabtay ku dadaal badan ka muujiyay sidii ay usoo guryo  noq o nlahaayeen dadwaynihii kaguuray magaalada isagoo ku dhawaaqay in ay furmayso jaamacad laga hirgaliyay gobolka gabiley oo runtii aad loogu riyaaqay


Waxa kale oo hadaba wax aad loogu farxo ah in uu badhasaab ku ku  guul aystay in uu hirgaliyo wado wayn oo isu xidha badhtamaha magala  mad axda gobolka gabiley iyo iskuul ka sare ee timo-ade secondary school wadadaas oo runtii aad loogu baahnaa dad badana kafarxisay oo noqotay mid lagu doogsaday

Waaxaana is odhan karnaa badhasaabku waxa aanu wali la fal galin  dhaq amada beenta iyo laaluush ku kubadan yahay ee masuuliyiinta qaar lagu yaqaanay

Waxqabad yada runtii uu badhasaabku gobolka u qabtay ma aha kuwa aan halkan ku soo koobi karno waxa kale oo badhasaabku ku guulaystay in uu qasabadaha biyaha gaadhsiiyo dagmo ama tuulo u dhaw magalo madaxda gobolka gabiley oo layidhaa (kalabaydh) taasina waa waxqabad lagu farxo oo aan runtii hore looga helin maa muladii hore ee isaga  danbe eyay gabiley

Waxa aan leeyahay oo aanu u diraynaa badhasaabka gobolka in aanu ku faraxsanahay waxqabad kaasi meel-marka leh ee uu ku talaabsaday  wax aananu leenahay hadaanu nahay shacbi waynahii gobolka gabiley halkaasi kasii wad


Waxa nasiib darro aad looga xumaan karo ah in ay dad yar oo faro kutiris ahi caadaysteen dhaliisha ama cayda badhasaab kaasi iyo masuuliyiin kale oo hawlkarnimo badan ka muujiyay gobolkan waxaan leenahay waadad aan kawar qabin hawsha iyo xilkani in aan wax waliba sidaad rabto aanay udhici doonin waxa layidhi (habar fadhida lagdini wax uga fudud) markaa waxanu leenahay hubsiimo halbaa lasiistaa yaan fudayd idinqaadin halkii siwada jira ay ugala shaqayn lahaayeen masuuliyiinta gobolka in ay iyagu kasoo horjeedsadaan waxaanu u aragnaa nasiibdaro ku kooban dadkasi faro ku tiriska ah

Talo iyo tusaale waxa iga ah in ay iska daayaan is gooniyeelida ay ku  dha leecaynayaan madaxdii gobolkooda ee iyaga u shaqaynayay waxaan  lee yahay midnimada haka tagina

Midda kale waxa su’aal la is waydiin karo ah Badhasaabka gobolku  ma  da booli karaa dhamaanba hawlaha jaamacadu u baahantahay oo dhan kalidii hadii garab uu ka waayo dadkiisa?

Taasi waa maya mida loo baahan yahayna waxay tahay in dhamaanba  da dka danta kaleh gobolkoodu ay kawar hayaan hawlaha kasocda iyagoo  a an kahakran wixii caawimo dhaqaale iyo talo ay uga baahan tahay  jaama cada gobolka iyo waliba sidii ay uga shaqayn lahaayeen bilicda gobolka

Waxa aan hadaba hadalkaygani kusoo koobilahaa in ay madaxda gobolku fadhiga ka kacdo oo ay u guntato waxqabad ka gobolka oo ay ogaadaan in aanay cidkale u maqnayn ceelna u qodnayn

Dadka caadaystay in ay madaxdii gobolkooda ee iyaga u shaqaynaysay  a y ka waantoobaan caydooda iyo dhaleecayntooda anoon hadalkayga sii badin waxaan leeyahay (Habar fadhida lagdini wax uga fudud)
 

 


Qalinkii: Deeqa Subeer Nuux

E-mail:
deeqasn@hotmail.com