WAXAYNU ISKU NAHAY BAA KA WEYN WAXAYNU ISKU HAYNO

Waxaynu nahay abti iyo seedi,gacal iyo sokeeye,dhal iyo dhasheed,ul iyo diirkeed aan kala maarmi karin,wax kasta oo dhaca,waxaynu isku hayno waxaynu isku nahay baa ka weyn.Berri baa waxa dhacay laba reer oo sidan oo kale ah ay dhexmartay arrintan oo kale tu la mid ah ,markii fooda la isdaray baa qolo gacan dhimasho badani gaadhay,nin ka  mid ahaa kuwa guusha sheeganaya{waa guuldaree},ayaa arkay seedigii oo ilaa carruurnimadii ceeshow milix ahaayeen oo ku jira ragga dhintay,markuu soo hoyday ee ay maqleen carruurtiisii iyo  xaaskiis ii,ayey oohin qaylo iyo murugo iskugu timid,wuxu u tagay saaxiibadii oo leh guulaysanay,wuxu yidhi ninkii WAARYAADAHEEN WAXAN IDIN WAYDIIYEY GUUSHA LAGA OOYAYO GURIGAAGII WAA GUUL SIDEE AH{SIDAA WAXA KA DHIGAN WAXA KA SOCDA ARRINTAN FOOSHA XUN EE KA DHACDAY KALABAYDH IYO DILLA DHEXDOODA}.

 Walaalayaal dadkani waa kuwii ay gaadhsisanayd xiisihii ay isku  qabee n Faarax iyo Maxamuud waa midig iyo bidix ee keebaan xumeeyaa,ninkii laga soo doontay inantiisii ee isku maalin u yimaadeen laba nin oo kala ah REER FAAXAX iyo REER MAXAMUUD labadiiba wuu siiyey markii lala yaabayna wuxu yidhi kee andiidaa miyaanay ahayn labadaydii  gacmo od,waxase badbaadiyey inantiisii oo mid dooratay waxy ka ahayd  kalg acalo ku dhisan niyadsami,walaalnimo,isqadarin,xiise dadnimo ku  dhee hantay iyo xushmadii darisnimo ee soo jireenka ahayd eey  beelah ani ku caano maaleen intii dunidu soo jirtay.Walaalayaal wixii dhacay waa qadar rabbi,waxa inla gudboon in si dhab ah loo galo arrinta lana  dham eeyo,Waxa la yidhi wali ragga waxan qabsan oo keli ah ka  dhaliya ,waxagaradka waxan ka codsanayaa inay si dhab ah u waajahaan xaqiiqda iyagoo eegaya cadaaladda,garsoonimadda iyo aayaha dambe ee beelahan oon kala maarmi karin sinaba.
 

 


By:ABDIRAHMAN IBRAHIM BOUH

LIECESTER UK