hambalyo madaxweynaha jamhuuryada s/land iyo wasiirkiisa arimaha dibada

 

 


waxan halkan hambal iyo guubaabinba uga direynaa xukuumada j/s/land guulaha taariikhiga ah
ee ay kasoohoysay shirkii lodon waxa kale oo aanu halkan mahadnaq uga direynaa
sedexda xisbi qaran iyo labada gole ee ku raacay kaqaybgalka shirkaas
annaga oo ah jahliyada somaliland ee dalka Nederlans waa guushii ugu weynayd ee ay
abidgaadho somaliland waa maalintii aannu ugu faraxbadnayn waxana noo muuqatay
mudane madaxweyne innaad kasoo baxday waajibaadkii laguu igmaday
waxad bulshada reer somaliland kasaartay mugdigii iyo welwelkii kaga jirey mustaqbalkooda
waxan kuu rajeynaynaa in ilaahay kugu garabgalo dadaalka adiga iyo xukuumadaada
kuwa sida kale wax u arkana waxanu ka nidhi
,ilgiyo sharafbay ahayd
middii burco lagu alkumay
ninkii murug gelinayee
masiibada daadahshow
bal maxaad ka macaashaysaa
haddii tallo laga midyahay
ummadu meelwada martoo
macnuhu aan israacno yahay
haddii aad maroorisoo
adigu keligaa mudhtahay
saw meel ugamaanad dhicin
sharcigii meel laysla dhigay
dagaalka midbaa kubaxa
maalbaa kuburburaya oo
maatuunbaa kubarakacdee
masiibada daadahshow
bal maxaad kamacaashaysaa
haddii kalamaan layahay
maahmaah iyo hadal jiriyo
murtaa lagu kala baxaa
micnaha dimuqraadiguna
midhbaa lagu kala badshaa
mucaarid haddii adtahay
oo aanad adigu matalin
madadkaad murangelinaysaa
oo maqaamka dalkaagu helo
ayaad kamasuugeysaa
haddii aad tahay masuul
miisaan hadalkaaga oo
intii aanad madasha imman
mareegaha aanad gelin
ka fiirsi midhkaad odhani
muwaadin haddii adtahay
maamulka waalatoosiyaa
mabda,aagu ayaanunoqon
haddaanan matalin anigu
mayaan ka xigaa adeer
muwaadin haddii adtahay
mudeece adeega noqo
meeshiisa ku aadanoo
kamaydhan xumaatadiyo
wixii muran keenayaba
malaha layskuma xukumo
maxkabad loolama tagee
runbaa lagu meelmaraa


M M Eleye{Suweys}
Nederland`1