Waxaanu Boqorka Kuwait U Gudbinay Dhambaal Uu Mad axweynaha Jamhuuriyadda Somaliland U Soo Qoray Oo Arrimaha Abaaaraha ka Hadlayey

 


 
Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay kulan wefti ka socda Xukuu madda Somaliland oo uu hogaaminayey ay la yeesheen boqorka dalka kuwait Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber.Wasiirka weftigiisa oo ka koobnaa xubno wasiiro ah iyo xubno katirsan gudida abaaraha   So maliland oo ayaa si heer sare ah loogu qaabilay Qasriga Madaxtooyada Kuwait.

Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ayaa hadal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sharaxay kulankaasi, isaga oo xusay inay boqorka kuwait u gudbiyeen dhambaal ay uga sideen Madaxweyne Siilaanyo. waxaanu yidhi Wasiirku " Shalay waxa wefti balaadh an oo aan horkacayo ay la kulmeen boqorka dalka kuwait Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabax, kulankaas oo wakhti dheer qaatay waxaanu ka wadahalnay duruufaha iyo abaar aha maanta ka jira dalka Somaliland.

Mudane Xaashi ayaa xusay in boqor Sabaax ay ka codsadeen kaalmo degdeg ah boqorku uu garwaaqsay codsigaasi waxaanu yidhi " Waxaanu boqorka u gudbinay dhambaal uu Madaxw eynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo u soo qoray oo arrima haas ka hadlaya, waxaanu ka codsanay kaalmo degdeg ah inuu boqor u fudiyo shacbiga Som aliland, iyadoo dalka Kuwait uu yahay wadan aynu xidhiidh wanaagsan leenahay, horena ma  haariic faro badan wadankeena uga fuliyey.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena yidhi " Boqorku arintaas wuu soo dhaweeyey, waanu gar waaqs aday, hadana waxaanu wadnaa kulamo kale oo farro badan, gadaal ayaanu ka faahfaahin doonaa dawladda Kuwait doorka iyo kaalinta ay ka qaadan doonto gurmadka abaaraha.”
Weftiga Wasiirka Madaxtooyada, ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Qorshaynta Qaranka Max amed Ibraahim Qabo, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xagla-toosiye, Madaxa Ha’yada diiwaanka Sekada Iyo Mudane Sakariye oo ka tirsan gudida Qaranka ee taakulada abaaraha