Waxaan Si Kulul U Cambaaraynaya Baaqna U Diraya Inay Jawaab Cad Ka Bixiso Wasaaradda Waxbarashada JSomaliland Faalka Foosha Xuun Ee Loo Gaystay[Macalin SAHRA IBRAAHIN JAAMAC ] Ee uu ku dhacay Cudurka Kansarka..by-Gu-Barkhad Xaaji Cabdi’’MrGaboye”

 



To:Maddaxda Iyo Masuuliyiinta Xukuumadda JSomaliland .

To: wasiirka wasaarada waxbarashada jsomaliland.

To: Gudida Cadaaladda iyo garsoorka jsomaliland.

To: hay,addaha xaquuqal iisaanka ee jsomaliland.

To: la taliyaha arimaha beelaha gabooye ee madaxweynaha Somaliland.

To: gu-ku xigeenka haydada xaquuqal iisaanka qaraanka jsomaliland

Iyo dhamaan inta jecel sinaanta iyo cadaalada .

Ujeedo: wasaarada waxbarashada jsomaliland waa inay jawaab cad ka bixisa’ falka xuusha xu un ee cunsuriyadda ah ee loo gaystay gabadh muwaadinada oo ka mid ah macaliimiinta gobol ka togdheer magaalada burco [Macalin SAHRA IBRAAHIN JAAMAC ]



Anigoo ah gudoomiyaha qurba joogta waqooyiga America mudane barkhad xaaji cabdi mrgab oye waxan halkan si kulul ugu caanbareynaya faalka foosha xuun ee wasaaradda waxbarasha da xukuumada jsomaliland ay sida arxaan darida iyo naxariis la aanta ee ku salaysaan nacey bshaha qabiilka qabyaalada qaawan ee lagula kacay [Macalin SAHRA IBRAAHIN JAAMAC ] oo ka soo jeeda Beesha Gabooye’ mar labaad Ayaan dhawaaq dheer iyo mid gaabana ku cambaa rayna ciddii falkaa gaysatay.waana foolxumadii iyo ceeb u soo hoyatay wasaaradda waxbarashada xukuumadda Somaliland ,


Waxaa wax laga xumaado oo aan bini aadanimada iyo islaanimada meelna ka soo galiin in qof bini aadama oo muwaadin ah oo waliba gudanaaya wajibaadkiisa shaqo ee uu dalkiisa hooyo u hayay in markii uu Dar ilaahay xanuun ugu dhacay waliba ah xanuun masiibo in lagu cunsuride eyo laguna faquuqa halkuu ka doonayay daryeel iyo kaalmo muwaadinimo ee uu xaqa ugu lah aa in lagu yiraahdo waxaad tahay gabadh gabooye ah oo xanuun kansar qabta markaa waxb a kuuma qaban karnee tolkaa iyo eheladaa u taag ha ku caawiyaane ,waa mid masiibo ah oo xaquuqdii muwaadinimo lagu xaad gudbay waana wax ka baaxsan bini aadamnimadda iyo dha qaanka suuban ee diinteena islaamka , waa faal aad iyo aad u fool , sida ay gabadha xanuun sanaysa wareysigeeda video ah ku cadaynayso in faalka foosha xuun lagula kacay waxaa n leehyahay waa Ayaan daro u soo hoyatay xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda waxbarashada waanan cambaareynaynaa.

Waxaan kaloon halkaan Baaq codsanaya u guudbinaya madaxda iyo masuuliyiinta ugu sareys a xukuumadda jsomaliland iyo masuuliyiinta si da gaarka aaan ku xusnay kor ee ay ku sooto baaqan inay ariintaan foosha xuun ee lagula kacay gabadhaa muwaadiniyadda qaranka reer Somaliland ah ee shaqaalaha dowladeed ah inay ilahay intay ka yaaban ariinkeeda foosha xu un ee meel lagaga dhacay xaquuqdeedii muwaadinimo iyo xanuunka ku dhacay ee lagu cunsu riyadeeyey wax gargaarana bini aadanimo ahna loo fidiin waliba hab qabiil loogu sii xaqiiray gabooye ahaan ay u dhalatay ,in inta ALLAH SWT laga baqoo ariinkaas baadhitaan xoogleh lagu sameeyo oo meelkadhaca iyo gaafkaas ciddii gaysatay maxkamadda la sootago,gabdhaa muwadinada ee dhibaan ee la dulmayna xukuumadu iyo wasaraduba ay dusha saarato darye elkeeda iyo nolosheedaa caafimadba ,,hadii aan talaabo degdega laga qaadiin ariintaas wey ka fogaanaysa halkay manta taalo ariinta xanuunka iyo damqashada badaan ee soo gaadhay muwaadiniyaddda somalilanderka ah ee si deegdeeg ah wax halooga qabto .

Waxaan sidoo kale baaq bini aadamnimo mid islaanimo u dirayaa walalahayga samaanta iyo kheyrka jeceel ee ku caan baxay kheyrka iyo gargaarka alah ee reer Somaliland haday tahay qurba joogteena iyo hadaytahay ganacsatada dalkeena jsomaliland jooga ba inay si degdega gabadha walasheen ilahay dartii iyo muwadinimodeeda somalilanderka lagu gaargaaro ,



Wabilaahi Towfiiq….





Gudoomiyaha Qurba Joogta Beelaha Gabooyaha Somalilander Ee Waqooyiga America..