Waxaan
Mucaaradka kula talinayaa inaanay Lu min
Dimuqraadiyadda Dalka ka jirta”-C/Risaaq Ciyaale
Siyaasiga Cabdirisaaq Ciyaalle oo
kamida Siyaasiyiinta dhawaan ku soo biiray Xisbiga Talada haya ee
UDUB isaga oo hore uga tirsanaan jiray Golaha dhexe ee Xisbiga
Mucaaradka ah ee KULMIYE ayaa Xisbiyadda Mucaaradka ah ugu baaqay in
ay ka waantoobaan khalkhal gelinta hanaanka dimuqraadiyadda iyo
Halkanka uu shacbiga Somaliland ugu jiro xaqiijinta doorasho xor iyo
xalaal ah oo ay codkooda ku muujiyaan, isaga oo Mr. Ciyaalle sheegay
in wakhtigan uu dalku marayo xilli kala guur ah oo Caalamku indho
gaar ah ku hayo sida ay uga gudbaan duruufaha hor yaala iyo qaabka
ay u qabsoonto doorashada la sugayo.
Waxa kale oo uu Cabdirisaaq Ciyaalle Taageeray Hadalkii Horaantan
Todobaadkan ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliland oo uu ku sifeeyay
mid yimi wakhti Munaasib ah oo Bulshada kor u qaaday Yididiiladeedii,
Maadaama oo buu yidhi uu Madaxweyne Daahir Rayaalle Kaahin daaha ka
rogay Mawqifkiisa ku aadan Doorashada soona afjaray hadaladii kutiri
kuteenka ahaa ee suuqa laga lahaa Xukuumadu diyaar uma aha doorasho.
Cabdirisaaq Ciyaalle oo Maanta Waraysi siiyay Wariye Xasan Xuseen
Keefkeef waxa kale oo uu ka hadlay Marxalada Dalku Marayo iyo
Abaaraha ba'an ee dalka ku habsaday, isagoo baaq u diray Xukuumada
iyo Ganacsatada iyo gurmad u fidiyaan dadka tabaalaysan ee Abaartu
jilbo dhigtay.
Haddaba Mr. Ciyaalle oo ugu horeyn ka hadlay Sida uu u arko Shirkii
jaraaid ee uu dhawaan Madaxweyne Rayaalle kaga hadlay Marxalada
siyaasiga ah waxa uu yidhi "Marxaladan dalku marayo iyo murankan ama
xifaaltankan siyaasadeed ee dalku marayo waxaan qabaa in
Madaxweynuhu soo afjaray xilli loo baahan yahayna uu Public Speech (Khudbad
guud) jeediyay oo uu cadeeyay mawqifkiisa inuu diyaar u yahay inay
doorashadu dhacdo masuuliyadii ka saarnaydna uu fulinayo.".
Sidoo kale Cabdirisaaq Ciyaalle mar uu la hadlaya Axsaabta
Mucaaradka ah iyo doorka ay ku leeyihiin siyaasadda dalka waxa uu
yidhi " Waxaan xisbiyadda Mucaaradka ah kula talinayaa inaynaan
lumen hanaanka dimuqraadiyada iyo Dhismaha qaranimo, isla markaana
la mideeyo cududa iyo caqliga si aynu marxaladan uga baxno oo aynu
uga nixino cadawga aynu leenahay ugana badbaadino dabinada uu inoo
maleegayo."
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu siyaasigani Axsaabta Mucaaradka u
soo jeediyay in wakhti xaasasi ah uu wadanku ku jiro isla markaana
uu jiro cadaw badan oo eegaya god daloolooyinka siyaasadeed ee dalka
"Waxaan mar labaad xisbiyadda Mucaaradka leeyahay arrintani waa
arrin qaran maaha mid xifaaltan shakhsi maalinta ay doorashada
gaadho nin waliba ha muujiyo codkiisa iyo cida uu kalsoonida ka
haysto, intase ka horeysa waxaan leeyahay haloo diyaar garoobo sidii
ay doorashadu u dhici lahayd, sidii aan qaranka cid kale u maamuli
lahayn xifaaltanka doorashada darteedna aanay cid kale gacan ugu
gali lahayn." Ayuu yidhi Ciyaalle.
Ugu dambayn Cabdirisaaq ciyaalle waxa uu ka waramay xaalada abaareed
ee dalku ku jiro isagoo ugu baaqay shacabka iyo hay'adaha samo falka
inay gargaar degdeg ah lasoo gaadhaan dadka abaartu tabaalaysay "Waxaan
kale oo aan ugu baaqayaa Dawladda, Hay'addaha Samofalka, Tujaarta
iyo bulshadaba in abaartan taagan looga gurmada dadkeena reer
guuraaga ah. Baayac mushtarku haddii uu dadkii wax ka iibsan lahaa
(Consumers) ay dhibi ku timaado ganacsigoodu anfac yeelan
maayo,markaa maanta ayay dhiban yihiin ee wax ha loo qabto, tusaale
ahaan jiida la yidhaa dacar budhuq ilaa tuulooyinka ka hooseeya
wixii dad ku noolaa halkaas bay isugu yimaadeen."ayuu hadalkiisa ku
soo xidhay Mr. Ciyaalle.
Qarannews
|