Waxaan la yaabay!

 


Qaybtii 3aad

Meel dhac-dhac leh noogu dhiib(meel uu caruurta ku korsado,meel uu ka xoogsado)

Waxaan la yaabay,waa qormooyin taxane ah ,oo aan si joogta ah ugu soo gudbin doono ,saxaafada xorta ah iyo dadweynaha faraha badan ee akhristayaasha ah .Qormooyinkan waxaan ku iftiimin doonaa ,arimo badan oo kala duwan kana tarjumaya xaalada dhabta ah ee maanta ka jirta Somaliland .Runtii marka aad aragto amase dadka xogagaalka u ahi kaaga sheekeeyaan,waxay kugu noqonayaan la yaab iyo amakaag. Waatan qayb kale oo ka mid, qormooyinkii waxaan la yaabay.

Waxay ahayd goor fiid ah,taariikhduna ahayd Nov 2012,waxaanu fadhinay aniga iyo nin aanu saaxiib nahay mid ka mid ah Hotel-da waaweyn ee magaalaga Hargeysa.Waxaa si kedis ah noola soo fadhiistay kuraastii aanu fadhinay koox isugu jirta Salaadiin,Aqoon yahano,iyo Masuuliyiin Qaran,(ogoow wadanka waa la fadhiistaa,waxna lama kala qarsado).
waxay u muuqdeen in ay dhamaantood isku Beel ka soo jeedaan.Waxaa la socday kooxdaas amase aad moodaysay in ay wadeen laba nin,kuwaas oo ay wejigooda ka muuqatay daal iyo fara madhnaan dhinaca dhaqaalaha ah.Kaftan iyo dalbashada shaah iyo sharaab ka dib kooxdii waxay bilaabeen in ay ka sheekaystaan howl culus oo ay beryahanba la baxaadegayeen sidii ay u dhameyn lahaayeen,runtii sida hadaladooda ka muuqata ay rajeynayaan in ay dhaqso ugu dhamaan doonto,.
hadalkoodiina sidan ayuu ku bilowday:-

“( Suldaanka)Gudoomiyaha Beesha ayaa hadalka bilaabay : -
Sida aynu la wada socono,waynagii maalintii dhoweyd shir isugu nimi Guriga Beesha,ma jirin cid Beesha ah oo maqnayd,waa la wada joogay,shirkaa qodobadii ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in saamiga aynu Dowlada ku leenahay aynu raadsano,inagoo aan cidna uga haybadaysaneyn. Waxanu ahayn Guddidii loo saaray in ay arintaa soo dhamayso,wixii aanu ilaa hadda qabanay naga dhegaysta,Afhayeenka Beesha ayaan hadalka ku wareejinayaa.





Afhayeenka Beesha ayaa hadalkii qaatay:

Waanu tagnay maanta Madaxtooyada,cid walba waanu is aragnay,arinkii aanu u tagnayna meel fiican ayuu noo marayaa ,arimihii aad noo dirteen si fiican ayaanu uga hadalay waxaa ka mid ahaa:-

In labadaa nin ee inala fadhiya meel ladan loo dhiibo,dhac dhac leh,caruurta ay ku korsadaan, si inaga oo dhanna ay magac iyo sharaf inoogu soo jiidaan.Runtii ilaa 3 Wasaaradood ayaa la yidhi ha loo dhiibo,annagaa diidnay Guddi ahaan,sababtoo dhaqaale ma laha ,waxbana inaga soo geli mayaan,maxaynu ku falaynaa,waanu diidnay.
Runtii Madaxdii aanu la kulanay,way naga yeeleen,diidmadii,waxayna noo sheegeen in ay raadinayaa,meel ladan,oo dhac dhac leh,sida ugu dhaqsaha badana ay balan kale noogu soo qaban doonaan.

Dhankayagana waxaa nalaga codsaday in aynu joojino wixii wax u dhimaya Qarannimada Somaliland ,wada noolanshaheeda,iyo nabad gelyadaa aynu haysano,ciidamada amaankana waa in aynu si buuxda ula shaqaynaa. Arimo badan oo kale ayaanu ka wada hadalay Madaxtooyada,laakiin hadda Hotel baynu fadhinaa ee waa inoo Beri iyo Gurigii Suldaanka.

Waxaa Madaxtooyadu si gaar ah nooga codsatay in aan Shir Jaraaid oo dambe ayeynaan qaban,oo aynaan saxaafada madaxbanaan la hadal,TV Qaranka ,Radio Hargeysa waa inoo diyaar ,in aynu ka hadalo,anaguna waanu yeelay arintaa.

Intaa ka dib waxaa hadalkii la wareegay 2dii nin ee xilka loo raadinayey maanta oo dhanna Madaxtooyada loogu maqnaa,oo runtii ay wejigooda ka muuqatay,daal iyo in lagu raajiyey howshii loogu maqnaa,filayeyna in war deg deg ah ay ka maqlaan kooxdan miisanka culus leh ee ay isku Beesha iyo xigtada yihiin.

Ninkii 1aad
ayaa,inta uu dib yara fadhiistay wuxuu ku baanay in xilal hore oo uu soo qabtay uu runtii u gutay sidii waajibku ahaa,waxaanu jidhi” Runtii berigii aan 6da bilood Wasaaradaa joogay,waxaa xilka layga qaaday anigoo Gurina dhistay,midna qabyo yahay,waxaan iibsaday ilaa 3 Gaadhi,Gurigayga waxaan ka furnaa ilaa Merfish lagu qayilo,waxaan Qaadka u qaadi jiray Odayada oo dhan.Wasaaradaas oo kale i soo mari mayso,la heli maayo meel 6 bilood waxaas oo dhan laga heli karo.Waar nimanyahow marka xilka lagaa qaado ayuun baa busaaradi kugu habsanaysaa ayuu ku soo geba gebeeyey hadalkii isagoo weliba madax ruxaya.


Ninkii 2aad ,
ayaa hadalkii la wareegay,wuxuu si cadho leh uga sheekeeyey sababtii xilkii ugu dambeeyey ee uu Ummada u hayey looga qaaday,wuxuu yidhi;
“Waxaa Wasaarada la keenay qalab cusub oo Hayadi noogu deeqday,Kuraas Xafiisyada ayey u badney.Gurigayga ayaan geeyeyoo u baahnaa,qaarna waxaan siiyey nin Beesha ah oo Iskuul yar ku furtay,qaarna waynagii isla ogeyn halkii ay mareen.Adeerayaal si deg deg ah ugu noqda Madaxtooyada oo ii soo dhameeya shaqada ayuu ku soo xidhay hadalkiisii ,isagoo cadhaysan madaxana aad u ruxaya.

“Waar imisa wiil ayaan idiin shaqaaleeyey,maxaa qurinaysaan wixii aan idiin qabtay,ayuu si cadho ku jirto u yidhi”


Suldaankii ayaa hadalkii soo geba gebeeyey,erayadiisiina waxaa ka mid ahaa “Nin aan fariid ahayn,cadkiisa aan goosaneyn,aan wax ka taransanayn Wasaarada loo dhiibo,anaga ayey nagu tahay sharaf dhac iyo ceeb in aanu xil u raadino, oo aanu maalin walba Madaxtooyada u taagnaano,shirku waa inoo xidhan yahay,waa inoo beri iyo Gurigii Beesha---- mahadsanidin”


Hadal iyo dhamaan waxaa aad iyo aad iiga yaabiyey arimo ay ka mid yihiin:-
Waxaa wada socda Suldaano,Aqoon yahan,odayaal magac leh,dhamaantood waxay kuwada socdaan hebel meel ladan noo geeya,weliba waxay ula tegayaan Madaxda Qaranka.

Waxaa ka sii yaab badan Masuulkii ay ula tageen oo isaguna ,kaga
la raali ah xatooyada ay doonayaan,oo leh “waan raadinayaa meel ladan ee isuga”.

Isku soo wada duub oo waxaan aad ula yaabaa marka aan arko nin dadkuba tuug u wada yaqaan oo haddana xil Ummadda haya iyo,weliba isagoo ka sheekeynaya in uu ka xun yahay meesha loo dhiibay oo aan wax dhac –dhac ah lahayn


--- la soco todobadka dambe iyo qaybtii 4aad « Baabuur dollar sida Madaxtooyada iyo wiil haraad ugu il daran duleedka Berbera ,oo aan labadaba la kulmay ».  

Mahadsanidin

 



Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
facebook : abdi saleiman
twitter. @_saleiman
skype :- abdi Saleiman.
Linkedin abdi saleiman