Waxaan hubaa in madaxweyne A.M. Siiraanyo Ku guulaysan doono Aqoonsi ay hesho somaliland Mudo dhow.

 


Waxaan salaan u soo jeedinayaa dhamaan warbaahinta somaliland ee sida wanaagsan noogu kala tebisa wararka,waan idin salamaamayaa dhamaantiin.
Salaan kadib.waxaan jecel ahay in aan bogaadyo madaxweynaha somaliland sida wanaagsan ee uu u wado xilkii loo idmadayiyo waliaba guulaha wax ku oolka ah ee ay xukuumadu gaadhaymudadii ay xilak lawareegtay xukuumadani taasi oo ay ka muuqato raad fiican oo afifaalo dawladnimo taam ah lagu gaadhi doonoiyo waliba maamul toosan.

Hadaba sida aan ka warhayno tan iyo intii uu mujaahid Axmed maxamed siiraanyo la wareegay xilka waxaa inoo soo kordhay dhaqdhaqaaq badan oo ku saabsan habka dawladanimada taasi oo aad ka dareemayso muqaalka guud ee somaliland ku socoto oo ah mid aad u ifaysa sida ay hore u ahaan jirtay mid mugdi ku jiro taasina aan is leeyahay waxaa keenay oo u dhabar adaygay madaalaha hogaanka u haya dalka ilaahay cimrigiisa ha dheereeyee Axmed .M. siiraanyo waana mid lagu farxo in dawladnimadii somaliland aad arkayso iyada oo dhaqaaqday oo cidina aany joojin karayn taana aan mahadnaq balaadhan udu soo jeedinayo madaxweynaha iyo hawlwadeenadiisa firifircoon.

Sidaasi awgeed waxaan somaliland ugu bushaaraynayaa in la aqoonsan doono dhawaan somaliland sida aan ka dareemayo siyaasda wanaagsan ee uu ku hagayo hogaamiyaha dalku Axmed maxamed siiraanyo.Waxaa iyana xusid mudan gacan yaryaashiisa oo si hagar la'aan iyo daacdnimo ku jirto ula shaqeeya sida wisiirka arimaha dibada iyo wisiirka madaxtooyada oo ah rag aan daalin isla markaana qabta shaqo badan oo xasaasi ah oo waliba midha dhal ah.Hadaba akhristayaal waxaan idiin sheegayaa in aydaan dhegaysan wax ma taraha iska hawhawleha ah ee doonaya hunguriga aan macnaha ku fadhiyin, iyo waliba xaasidka aan somaliland dan ka lahayn ee hoosta uga daloola somaliweyn ama isagu ka masayrsan hawlkarnimada xukuumada somaliland taasi oo midha dhalkeedu muuqdo mudadii xukuumadan mujaahid Axmed M.siiraanyo la wareegay haogaanka dalka,waxaan xusi karaa in caalmka oo dhan ay u heelan yihiin dawlada somaliland taasina ay ku dhalatay dadaalka uu madaxweynuhu u galay sidii somaliland arimaheeda looga shaqayn lahaa.

Waxaa kale oo iayana aan soo qaadanayaa shirarka isdaba jooga ah ee xukuumada lagu casuumayo iyo wufuuda caalamka oo si isdaba joog ah u soo booqanaya dalka iyo hanaanka nabadgeliyada dalka oo lagu naaloon karo,waxaa iyana intaasi dheer dawladaha aynu jaarka nahay oo iyaguna wada shaqayn wanaagsani inaga dhaxayso.

Isku soo wada duub oo waxaan anigu hubaa in mujaahid axmed maxamed siiraanyo ku guulaysan doono mudo dhaw ictiraaf ay hesho somaliland taasi oo aan arkaayo sansaankii looga mid noqon lahaa caalmaka iyada oo aan mahadnaq balaadhan aan halkan uga soo jeedinayo madaxweynaha somaliland iyo xukuumadiisaba dadaalka dheeraadka ah ee ay wadaan,kuwa aan arkayn houmarka weyn ee ay ku talaabsatay xukuumadani waxaan odhan lahaa kali ah ilaahay ha idintuso ta san.


Guntii iyo gabagabadii waxaan u soo jeedinlaha siyaasiinta isku dhaca dadka ka shaqaynaysa inay ka waan toobaan una tudhaan ummadooda taasi oo aan ula jeedo dhacdadii ka dhacaday xerada sootaanta oo aan anigu fikir ahaan qabo wax ay soo abaabuleen dad siyaasiin sheeganaya oo dhiiga raga ku fuula kuraasta,waana dhacdadii ugu foosha xumayd intii somaliland jirtay.

 

 

 

 

Cabdi.D.camuud
UK