waxaan canbaareynayaa xadhiga lala damacsan yahay weriye nimco muxumed ibraahin

 

Ugu horayn waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta  madaxaban aan ee reer somaliland iyo weliba weriyaasha sida hufan wararka noosoo  gaa dhsiiya hadaanu nahay bulshada somaliland gudo iyo dibadba una heelan  hab een iyo dharaar inay shacabkooda ka haqab tiraan wararka dalkoodii ka jira iyo xaalkiisu halka uu maraayo, waxaana aan leeyahay waadku mahadsantiin sida fiican aad dalkiina iyo dadkiina ugu shaqaynaysaa waxaanad tihiin muwaadiniin dhaba maadaama oo aad waqtigiinii siiseen dalkiina iyo dadkiina

intaas kadib waxaan doonayaa inaan maqaalkaygana kaga hadalo arin aan aad uga xumaaday oo ah xadhiga uu badhsaabka gebilay kusoo xalaalaystay inuu xidho weriye nimco muxumed ibraahin oo ka tirsan weriyaasha dada yar ee ka shaqeeya warbaahinta dalka gaar ahaan websiteka gabiley.net taasoo sida ay warbaahintu faafisay uu badhasaabka gebilay doonayo inuu xidho ama uu xabsiga xidho kadib markii ay samaysay baadhitaano badan oo ku saabsan halka ay ku danbaysay horumarinti gobolka gebilay taasoo ay waxyaabo badan soo bandhigtay oo runtii u dhow xaqiiqo aniga oo arintaas ka hadalayana waxaan badhasaabka odhan lahaa ha noqon sida badhasaabka gobolka togdheer ee jaamac biin oo markii uu shaqadiisii gudan kariwaayey bilaabay inuu xidhxidho sidii askartii nabad sugida ee siyaad bare weriyaashii gobolka isagoo aan wax denbiya u ahayn.

waxaan kaloo odhanayaa badhasaabka waxad tahay nin aqoonleh ahna qurba joog arkayna aduunka iyo meelaha ay dimuqraadiyadu ka jirto sida arkayna sida ay saxaafada caalamku wax u qorto waxaad kaloo tahay nin jooga dal curdina oo qaatay nidaamka xisbiyada iyo dimuqraadiyada hadaba adigoo intaas oo dhan arkay aana filaayo inaad waayo aragnimo badana aad u leedahay  arimah an soo sheegay oo dhan waxaan ku odhan lahaa ma fiicna inaad weriyaashaada xidhxidho oo aad ula dhaqanto shacabka aad metelayso si aan u fiicnayn  sharaf taada iyo karaamadaada iyo weliba sharafta shacabka iyo dawlada iyo gobolka aad metelayso sidaas daraadeedna waxaan kugula dardaarmi lahaa inaad  arint aas ka noqoto waayo weriyaasha aad xidhxidhaysaa waa weriyashii qaybta  we yn ka qaatay ee habeen iyo maalinba shacabka aduunka dacaladiisa kala jooga gaadhsiinayey inuu gobolku u baahanyahay qaadhaan iyo hawlaha qaadhaanku halka ay marayso waxaan kaloo ku odhanayaa adeero waxaad haysataa waxaanay haysan shacab degan degmooyiinkii kula midka ahaa ee hayskaga ciyaarin karaamadaada iyo sharafta gobolka


sidoo kale waxaa wax aad looga cadhoodo ah gabadh waaran loo soo jaratay oo dhaqanka somalida ama dhaqankeena ku ah mid aad u qalafsan sidaas daraadeed waxaan ku odhan lahaa arinkaas ka joogso waayo gabadha reer baa dhalay adigana waxaa kula dhashay gabdho sharaftoodana meel haga dhicin
sidoo kale adigoo metelaya dawlada ama xukuumada sitana shaadhkeeda waxa aad fulisaa ama khaladka aad gashaa waa mid taariikhda kuu gelaysa inantuna ma gelin dembi ee waxay qortay faalo waana fiicantahay in loo iftiimiyo hadii ay jirto meesha ay marayso hantidii gobolka loo ururiyey iyo waxa ay ku baxday taasina maaha ceeb


sidoo kale waxaad tahay badhasaabka ama gudoomiyaha gobol curdin ah oo u baahan horumar xag walba ayna ku banaanyihiin meelo badan oo u baahan in wax laga qabto waxaa kula gudboon inaad umada adigu aad soo jiidato ee maaha inaad iska sii jeediso waayo meesha keliya ee kula taageeri kartaa horumarka gobolka waa warbaahinta


sidoo kale waxay ka mid tahay warbaahintu waxa keliya ee laga dheehan karo xumaanta samaanta aad gudoomiye ahaan aad samayso iyo tan gobolkaba  si daas daraadeed waxaan kugula talin lahaa warbaahinta inaanad kula dhaqaaqin xadhiga waxaana ku odhan lahaa waar warbaahinta waa la soo jiitaaye layskama sii jeediy


ugu danbayntii waxaan aad u canbaarayaa anigoo ah xubin ka mid ah qurba  jo oga somaliland jecelna inay somaliland hurumar gaadho xasiloonan ku waarto xadhiga weriyaasha gaar ahaan waxan aad u sii canbaaraynayaa weriya nimco muxumed ibraahin xadhiga lala damacsan yahay in laga fiirsado aana lagu  degd egin


alaa mahadleh
 



qalinkii Isaxaaq A/raxmaan Guuleed cadde

finland