Waxaan aad Uga yaabay TVga HCTV miyaanu Sumacadiisa u Tudhayn markuu Tagsiile Abdifataax ku sheegay Profisor

 

 

 

Waxaan salaamayaa muwaadin kasta oo Somalilander ah Oday, Wiil , Islaan , Gabadh, Madax , Sh acab, Sheekh iyo Shariifba.

Salaantaas inagu waajibtay ka dibna waxaan qormadan yar ku soo koobayaa Arin saaka naga q oslisay anagoo Mushatamac aad u badan ah naguna kelifi gaadhay inaanu gebi ahaanba joojino daawashada TVga HCTV oo aanu aad ugu xidhnayn balse caadaystay inuu marba wax ma tare tiisii la daalaa dhacaya u sameeyo Titel aanu qaadi karin.

Goobtu waxay ahayd Maqaaxi ku taala magaalada London ee Cariga ingiriiska Saacadu waxay a hayd 7:25am Malintu waxay ahayd Monday taariikhdu waxay ahayd 11/02/2013 waxaanu qura ac ka cunaynay maqaayad uu leeyahay nin Somalilander ah oo aanu subaxa hore ka sii quraaca no markaanu Shaqada u socono sida noo caadada ahna aanu inyar wararka iyo waxa cusub isku sii dhaafsano balse subaxan saaka wuu naga xumaaday waxaanuna ku dareeray cadho iyo naca yb uu nagu abuuray TVga HCTV.

Waxaanu mar qudha isha ku dhufanay TVga HCTV oo aanu uga baranay warar iyo barnaamijyo balse uu shaashadisa soo fadhiyo Nin beryahan caadaystay lugooyada iyo wax ka sheega shac abka reer Somaliland magaciisana la yidhaahdo Abdifataax, ninkaas odayga ah sida aanu ku na qaano waa Taxsiile noloshiisa la tacaala balse hadba kooxaha mucaardka ahi u adeegsadaan sida ay rabaan iyagoo kuwa adeegsadaa ay daaha dabadiisa galaan, waa nin aan waxa uu ku hadlayo u aabo yeelin isla markaana caqligiisu siiyay inuu hog madow ku rido dhiigii loo daadiyey qaranim ada jiritaanka Somaliland, waa nin cadawga Somaliland u yaqaano Hiro (Geesi ) balse Shacabka Somaliland u yaqaaniin wax ma tare Damiir Laawe ah.

Hadaba akhristoow lamaanu yaabin Cabdifataax inaanu shaashada TVgaHCTV ka aragno oo waa caadadiis in koox dhuumaalaysataa ay maalinba Tv u kireeyaan fariin dhaawac ku ah Shacabka Somalilandna u soo dhiibaan ilayn isagaa damiirkiisu dhintaye, balse waxaa naga yaabiyey saaka oo aanu eegi kari waynay markii loo soo qotay Profisor kkkkk, indha adakaa ma il kaluun buu li qay ayaan maqli jirey hada ku darsoo kuwa u soo qorayaa si wanaagsan ayay u yaqaaniin waxa uu yahay iyo in aanu xataa secondary School dhamayn, miyaanay wax lala yaabo ahayn marka TVga dhan ee bulshada ka doonaya inuu kalsooni ka helo oo ay ku kalsoonaadaan waxa uu shee gayo uu caqligayaga ku ciyaarayo.

Isku soo wada duuboo waxanu halkan fariin uga diraynaa TVga HCTV oo aanu leenahay shacabka reer Somaliland ha dhaafsanina Shakhsi damiir laawe ah oo aragtidiisa umadu karaahiyaysatay kana xishooda inaad caqligayaga soo hor fadhiisisaan dadka noocas ah ee marba titel aanay qadi karin sheegta si ay uga shaqeeyaan wax yeelaynta qadiyada malaayiinka Somalilanderka ahi u n afwaayeen una naafoobeen kana waantooba inaad ururisaan oo buunbuunisaan kuwa u adeega Cadowga Somaliland una samaysaan Magacyo aanay lahayn, HCTV kuma dhoco inuu Muqdisho iyo Garoowe wax ka sheego halka uu Somaliland wax ka sheegeeda iyo Duminteeda u Samaystay Profisr C/fataax waa yaab miyaanay wuxu dhiig nala wadaagin mise way na sheeganayaan bal ha la soo baadho.

laahay ayaa mahad leh

 

 


Farxaan Abdi Axmed ( F . Abdi dheere )

London Uk
libaxlaleys1@hotmail.com