"Waxaan Aad Uga Xumahey In Aamiin Muuse Aan Reer Gabiley Ukala Aqoonsanin Horeyso iyo Dambeysaba Inuu Sarifle Yahey iyo In Uu Run Yahey Xilkan Uu Sheegtaa" Ibraahim Axmed Xasan (Sangal)

 



Gabiley (TNN)-Ibraahim Axmed Xasan(Sangal) oo kamid ah Masuuliyiinta Xisbiga Ucid ee Gobolka Gabiley ayaa si adag uga jawaabey hadalo Rakhiis ah sida uu hadalka u dhigay oo kasoo Yeedh ay Aamiin Muuse Xirsi oo Sheegtey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley.

Ibraahim Axmed Xasan (Sangal) ayaa si adag uga jawaabey hadlo deelqaaf ah oo uu Aamiin Muu se Xirsi ku weerarey Golaha Cusub ee Deegaanka Degmada Gabiley isagoo ka hadlayay arimo da ntiisa gaar ahaaneed ah islamarkaana sheeganaya in uu yahey Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley oo aanu ku dhaqdhaqaaqin wakhtiyadii ay socotey Doorashadii Golayaasha Deeg aanka dalku oo Murashaxiinta Kulmiye waxyaabo badan u baahnaayeen in Maamulka Xisbiga ee heer Gobol wax kala qabto duruufo xiligaa taagnaa

Mr Sangal oo arintaa ka hadlaya waxa kamid ahaa hadaladiisii Sida Tan "Aamiinow horta aynu ka la saarno muraadka iyo Maamul wax ka sheega dadka Reer Gabiley waxey kuu yaqaanaan Sarifle dilaal ah oo ganacasatada dilaala laakiin kuuma yaqaanaan Masuul xil Xisbi haya gaar ahaan ku Xukuumada ah oo Kulmiye ah waxaan is leeyahey markaa wax lala yaabo ma aha in aad Warbaa hinta mariso hadalo darjiidh ah oo aan macno laheyn hadaan ka jawaabo hadaladaadii weerarka bilaa Xikmada ahaa Golaha Deegaanka Degmada Gabiley waxey xilka hayeen sideetan iyo kow maalmood Caqliga caadiga ahi marnaba ma liqi ama ma Qaadan karo in wax laga sheego ama la qiimeeyo sababtoo ah waxey joogeen waa xili kooban waxaan filayay anigu shakhsiyan maadaa ma aad sheeganeyso inaad Gudoomiye u tahey Xisbiga Xaakimka Kulmiye in hadii xataa Golaha Deegaanka Gabiley khaldamaan inaad noqon laheyd kii toosin lahaa ee wax u sheegi lahaa hase yeeshee waxa nasiib daro ah inaad kala naqeysatey labadii Sarkaal ee Maamulka Degmada ka masuulka ahaa aad kala dhaweysatey si indho, la,aan ah oo aad tidhi xilgudashadiisa ayaa fiican mid ka kalena ma fiicna taasina waa Shaqadii sariflayaasha oo layaaba kuma lihid dadka Reer Gabileyna wey iswada yaqaanaan nin waliba waxa uu ku fiican yahey adigu Arimaha Siyaasada in laguu soo yeedhiyo mooyaane marnaba kumaad fiicneyn runta cid umaad sheegin" Ayuu yidhi Mr Sangal.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa "Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa Shimbiri mar bay dab qaadayoo markiina min alley gubtey adna garaadkaaga waligaa mar baad hadashoo waxaad kala saartey labadii inan ee Reer Gabiley ee inoo hayay Xilalka Maamulka Degmada Xoghayaha D/ho ose iyo Maayarka, waxaan talo kuugu soo jeedinayaa in aad ku ekaato sarifkaaga waayo hadalk u wuxu amaan yahey intuu afkaaga kujiro hadii kalena waxaad iska wadataa xilkaa aad  ee Taan aged balaaydii Xabashida ah waligaa qof laba hadal lagulama hadlo oo Xabashidii ayaa iska dey say malaha adigu Waagii Xeyle salaase ayaad taqaaney Itoobiya,e oo inaadeer iska daa inshi iyo haye iyo hada aniga mey aheynta dambe oo ka istaafuruleyso ceebta aad duhurka cad qaadey booska Gudoomiyanimada Xisbiga Kulmiyena u banee dhalinyaradii kusoo rafaadey ileyn adigu aqalbaad dhex fadhidaye howl iyo dhibi kaamay soo gaadhine waxaanan kuleeyahey hadaanad hadalkaa hadalka fiican uga noqon waxaad ka heshaad leedaheye waxaan hadalka kuugu gaba gabeynayaa jiim noo taani Sheeko kale oo aan aheyn Gudoomiyaha Kulmiye keen sxb” Ayuu Ibra ahim Axmed Xasan (Sangal).

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Aamiin Muuse Xirsi ayaa inta badan iska sheegta Xilkani iyadoo aa n dadka intiisa badan ee degan Gobolka Gabiley u aqoonsaneyn Gudoomiyaha Xisbiga maadaama uu iska haysto meherad Sarifka lacagaha Qalaad iyo isku badelka Shilinka Somaliland ah isla mar kaana, ay macaamilo leeyihiin iibka Adhiga iyo dilaaliinta Saylada Xoolaha Gabiley oo ka sarifta la cagta taas, oo aan u suurtagalineynin in uu Maamulka Xisbiga Matelo.
 

 

 


Timacade News Desk
Gabiley, Somaliland