“Waxaan Leeyahay Xisbiga KULMIYE Bannaan-baxa Iska Daaya.....Xisbigana Dheeha Ha Ka Ridina”Gudd.Kuxigeenkii Hore Komiishanka Cabdilaahi Jawaan
 

“Anigoo hadda mudo sanad iyo bilo ah wadanka ka maqnaa, intaana aan ka haddal arrimaha siyaasada, ayaa arrimahan maanta taagani igu kalifeen inaan ka hadlo oo wixii talo ah ee aan u arkayo inay wax ka tarayaan aan u soo gudbiyo qaybaha ay khuseyso. Sida dadweynaha, xukuumadda, xisbiyada siyaasada iyo Komishanka doorashada” Sidaas waxa haddal talo ah oo uu xaalada maanta taagan ka geysanayo ku furay siyaasiga Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan) oo xalay isaga oo jooga magaalada London khadka telefoonka kulla soo xidhiidhay wargeyska Ogaal.

Cabdilaahi Jawaan oo hore xillal kala duwan uga soo qabtay Somaliland, markii ugu danbeysayna ahaa Gudoomiye ku xigeenkii Komishankii hore ee doorashada, Talada uu dhinacyadaa u soo jeediyey waxay u dhacday sidan:

Dadweynaha

“Somaliland sumcad ayay ka muteysatay Caalamka, nabadgelyadaa la inagu majeeran jiray oo aynu ku meel maray, oo aynu inagu samaysanay oo aan cidina inaga caawin. Waxa la inagu amaani jirey inaynu nahay dad isu dul-qaata, khilaafkoodana ku dhameeya wadda hadal.

Saddex hab oo la odhan jirey iskuma geli karaan ayay Somaliland hir-gelisay, dhaqangelisay oo kol illaa UN-ka mar lagaga dooday oo la yidhi, Afrika iyo dalalkan dunida sadexaad ee dhibaatooyinku ka taagan yihiin tusaale ma uga dhignaa, kuwaasi waxa weeye, shareecadda Islaamka oo Diinteenii ah, dhaqanka ummadeena ee ah isu dheeli-tirka qabaa’ilka iyo nidaamka dimuquraadiga ah ee doorashooyinka xorta ah, illaa heerkaas ayaynu gaadhnay. Markaa, amaan ayaan u soo jeedinayaa shacbi-weynaha Somaliland, waxaanan leeyahay nabada ilaashada. Nin dan leh oo siyaasi ah oo kursi doonaya iyo mid ku fadhiya oo isku adkeynaya iyo inta kala raacsan ee arrinka si xun u wadda midna ha ka yeelina. kursiga waa la doonaa, ka joogaana inuu joogo haddii loo doorto xaq ayuu u leeyahay, laakiin in lagu xad-gudbo labada dhinac midna, ummada dan uma aha kumana haboona. Cidda, cid walba ka saraysa ee dawladu marti u tahay ee xisbiyada mucaaradku martida u yihiin waa dadweynaha. dadweynuhu waa halka ugu sareysa, markaa dadka Somaliland waa inay fahmaan inay awooda ugu saraysa dalku shicibka tahay. Awoodaasi maaha ta qoriga la qaadanayo ee waxa weeye ta caqliga ee ah in codkaagu qiimo leeyahay ee maalinta doorasho ay timaado aad dhiibaneyso. Markaa, xisbiyada iyo cid waliba waa inay dhawrto oo tixgeliso awoodda dadweynaha.”

Xukuumadda

“Xukuumadu waa in ay dhawrtaa xuquuqda qofka muwaadinka ah iyo qawaaniinta umadu ku heshiisay ee dalka. Waa inay isu arkaan, Madaxweyne hadduu yahay illaa Askari inay yihiin amaano haye, amaanadaana beri nin waliba uu ka tagayo si kasta ha kaga tagee, dabadeedna uu dib ugu soo noqonayo dadkii uu ka dhex baxay markii hore. Markaa, nin waji xun la soo noqday iyo nin weji wanaagsan la soo noqday way kala duwan yihiin. markaa waxaan leeyahay adigoo aan nin-na u danaynayn, Madaxweyne ahow, Askari ahow ama Agaasime ahow oo, waar nin-nowna godob umadeed ha galin.

Ciidamada qalabka –sida, waa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan ka maanta hogaanka haya iyo kuwa la tartamaya intaba. Midda kale, nin Suldaan ah oo hadlay oo la xidhay baan maqlayay. Ninku markuu hadlo, dee erayga uu yidhaahdo waa u xor oo in lagu xidho maaha, waayo Xorriyatul-qawl baa jira. Markaa, waxaan leeyahay Suldaanka iyo nin Weriye ah oo Ceerigaabo lagu xidhayba hala sii daayo.

Midda kale, waxaan eray odhanayaa niman Xukuumadda ku jira oo difaacaya Xisbiga UDUB iyo Xukuumadda. Madaxweynuhu wuxuu leeyahay Afhayeen oo ah Siciid Cadaani Mooge, sidaa darteed arrimahaa Siciid Cadaani haka hadlo, laakiin Wasiirka Hawlaha Guud inuu ka hadlo, Wasiirka Duulista Hawadu inuu ka hadlo, Wasiirka Maaliyaddu inuu ka hadlo maaha. Sidaan u arko Wasiiradaas aan sheegay oo ah; Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub, Duulista Hawada Cali Waran-cadde oo ah Wasiirka Wasiirada weligiiba ugu firfircoonaa iyo Wasiirka Maaliyadda Cawil, intuba shaqadooda way ku wanaagsan yihiin oo saddexduba waajibkii Wasaaraddahooda way guteen, oo Cawil-na nin Hal Gabno ah wixii yaraa ee ay dhiiqasay dalka gaadhsiiyay oo maalin qudha, Mushaharku aanu go’in weeye oo kuma dhaliilayo taas, laakiin hawlaha siyaasadda yaanay u muuqanin in la isu muuqdo oo dad gaar ahi is doon-doonanayaan. Sidaa Suldaanka la xidhay ee Sul. Saleebaan sheegay yaanay u muuqanin. Marka laga hadlayo Banaan-bax iyo Nabadgelyo, Wasiirka Hawlaha Guud waxa kaga haboon oo shaqadaa leh Wasiirka Arrimaha Gudaha, hadduu maqan yahayna Wasiir Ku-xigeenkiisa ama Wasiiru-dawlihiisa, hadday maqan yihiin-na Taliyaha Booliska .Saddexdaa Wasiir ee Seediyaday ahina marka dawladda loo hadlayo si gaar ah mar walba hadday u muuqdaan, arrintu waxay yeelanaysaa weji kale. Markaa, waxaan leeyahay taas halaga daayo.

Xisbiyada Mucaaradka ah

Xisbi mucaarad ahi waxa uu tar-tan ugu jiraa dawlad, waa dawlad doon, inuu maamulka qabto ayuu doonayaa, markaad sidaa dooneysana ninka fadhiya wax ka wanaagsan umada waa inaad tustaa. Waa inaad tidhaa, halkaas ayuu ka gaabiyey, anaga ayaa taas kaga roon, waxaas iyo waxaa ayaanu kaga wanaagsanahay. Banaan-baxu waa xor oo la samayn karaa aduunka, laakiin marka lagu xisaabtamo dadkeena, inagu qaangaadh xaga siyaasada kama nihin, markaa waxaan anigu qabaa inaynaan qaadi karrin banaanbax dadweyne, sida ka imika Thailand ka dhacaya oo kale, kii Yugrayn ka dhacay oo kale iyo kii dalal badan oo kale ooYurub ahba ka dhacay. inagu sidaa waxba kuma lihin ee waxaynu wax ku leenahay is xaq-dhawr, isu tanaasul iyo xisaabtan. Wixii intaa ka badan ee xaqdhawr ku iman waaya ee isu imaatin ku iman waaya, waa in lagu kala baxaan wixii aynu ku heshiinay ee aynu dhiganay oo ah dastuurka dalka iyo xeerarka ka farcamay iyo dhaqankeena. Markaa, ninka mucaaradka ah iyo ka muxaafidka ahiba waa inay xasuustaan inay ummada marti u yihiin, waa inuu dhiniciisa wanaagsan ee maslaxada ah tusaa. Waayo, Nin Gob ahaa ayaa waa hore Inan (Gabadh) qurux badan dhalay. Ninku wuxuu ahaa, reeraha aadka looga haybadaysto ee qiimaha weyn ku leh Somaliland iyo Soomaaliyaba. Gabadh wanaagsan ayaa u kacday. Niman badan oo guur doon ahaa ayaa mid waliba doonay inuu guursado, dabadeedna shan qolo oo kala duwan oo mid waliba magac qabiil ku socdo ayaa inantii u soo geed fadhiistay.

Shan geed ayuu u waabey, qolo kastana wuu soor yeeyey, nin waliba ninkaa ma dhaafaanka ah inantiisa ayuu doonayaa. Markaa, ninkii wuxuu is weydiiyey shantoodan maxaad ku kala saari kartaa, ilayn haddaad mid siiso kan kale ayaa godob kuu qaadaya’e. sidaa darteed, ninkii doonistii wuxuu ku xidhay inantiisii, waxaanu yidhi, inantaydu ikhtiyaarkeeda Ninkay doorato ayuun baa ugu ducaynayaa. Markaa, Inantii waxay dooratay dookheedii oo waxay tidhi Maxamed Lo’doon halay guuriyo. Markaa, waxaan taa uga socdaa, Inantaas ayaa sidaa dookheedii loo siiyaye, umad dhan oo karaamo leh oo sharaf leh in maanta aayahoodii uu mad-madow galo oo ay diddaan oo is yidhaahdaan tolow gurigii yaraa ee aad yab-yabtay ma kaa dumi doonaa oo argagax galo, runtii meesha wax qabta maaha. Waxaan leeyahay, waar arinta dalka salka dhulka u dhiga, fadhiisiya, buuqa taag-taagan ka daaya.

Anigu hadalka ag fadhiisan maayo oo waxa la yidhi, walaalkaa u hiili gar iyo gar-daraba. Waxa la yidhi garta ugu hiiliyoo is-bar-bar taag markuu xaq leeyahay, gar-daradana ugu hiiliyoo ka qabo. Anigu xisbiga KULMIYE ayaan ku biiray markii aan Komishanka iska casilay. Markaa, waxaan leeyahay, xisbiga KULMIYE siyaasiyiinta hogaaminaysa banaan-baxa iska daaya, waayo, waxa laga yaabaa inuu xisbiga dhaliil u keeno. markaa, xisbiga dheeha haka ridina, illayn, weelka haddii uu dheehu ka daato qiimo ma yeesho’e. taas waxaan uga jeedaa, haddii loo arko oo dadka lagu yidhaahdo xisbigani wuu muran badan yahay oo had iyo goor qaylo, fara-taag taag, rabshad iyo dagaal ayuu waddaa uma fiicna, markaa yaan loo arkin xisbiga sidaas. Waxaan maqlayay oo isoo gaadhay, Guurtidu laba mooshin ayay food u qaaday, mid waxa uu ahaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka 6-da april maalinta ay gaadho yay joogine meesha haka tageen, dabadeed-na Baarlamaanka hala horgeeyo oo cid sii haysa ha soo magacaabaan. ta kalana waxay ahayd, lix bilood ha loo kordhiyo Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, dabadeedna, Guurtidu cod bay u qaaday oo 35 way diideen, 42 xubnoodna way ogolaadeen in Madaxweynaha muddada loo kordhiyo. Markaa, waxaan taas uga socdaa, Xisbiga KULMIYE ama cid taageersanayd hadday ogolaatay, in marka horeba Guurtidu cod u qaado arrintaas oo codkii laga helay, waxaan leeyahay gar-dabadeed gocashaan nacaye, gobanimadu waxay ku jirtaa inaad qaadataan ee qaata. Wixii kale, doorashadii baa meesha taala, doorashadana waxaan leeyahay KULMIYOW inaad duddo maahee, in laguu soo dudo weeye. Xisbigii loo soo dudi lahaa baad tahay, dee markaa Layli ha noqonina oo ha buubina’e, jidkii aynu ku soconay xisbiga halagu toosiyo. Anigu waxaan leeyahay umadda waa in aynu dhanka wanaagsan tusno, laakiin in la yidhaahdo hebel baa sidaas ah, anna sidan baan ahay ama weji kale oo hanjabaad loo arko aynu tusno, Anigu waxaan u arkaa in aanay Xisbiga dan u ahayn.

Komishanku waxay doorashada u muddeeyeen 27 September, Madaxweynuhuna wuxuu ku soo saaray Digreeto, waxa ka horeeyay Diiwaangelin la lahaa Server (Mishiinka kala shaandhaynta) baa shaqayn waayay, imikana markaan wax badan waraystay, Anigu ma qabo bahalkaa la sugayo (Server-ka) in natiijo xalaal ah oo hagaagsani ka soo baxayso. Hase yeeshee, bisha May hadduu intaa dhexdeeda dhameeyo, dee ahlan-wasahlan oo wanaagsan, haddii kale waxaan soo jeedinayaa yuu ina carqaladayne haloo badheedho khasaare oo hala kansal-gareeyo, doorasho dambe oo dib loo dhigaana yay jirin. KULMIYE-na waxaan leeyahay, Anigu ma aaminsani waqtigaa (27 September 2009) xilli ka horeeya inay doorasho ku dhici karto, waayo Server-ku diyaar maaha oo waan ogahay, Xeebuhu waa Kulayl, markaa taas tixgelinteeda hala siiyo oo doorashada hala sameeyo. Laakiin, shardi waa inay ahaataa saddexda Xisbi, Komishanka iyo Xukuumadda oo Madaxweynaha ama M/weyne Ku-xigeenku ku jiraa inay isla saxeexaan, si aanay waxan imika lagu murmayaa u soo noqon-na, la yidhaahdaa maalintaa doorashadu waa inay dhacdaa, haddii ay dhici waydana waxaas iyo waxaas baa lagu heshiiyay ee cidaasi xilka ha sii qabato oo muddo-kordhin dambe meesha halaga saaro.”
 

 

 

 


Wargeyska Ogaal