Waxa laga joogaa 21 sannaddood markii heshiis ku dhexmaray  Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistu Xayle
 

Waxa laga joogaa 21 sannaddood markii heshiisku dhexmaray Maxamed S iyaad Barre iyo Mingistu Xayle oo kala hoggaamin jiray xukuumado kelitalis ahaa oo ka dhisnaa Jamhuuriyaddii Somaliya iyo Itoobiya. Heshiiskaasi  mar kii uu dhacay waxa aan joogay magaalada Sheekh. Bishii Labaad ee  sanna dkii 1988 ayaan ka soo kicitimay Muqdish, waa na lagu nabad qabay, waxa keliya ee dhegaha dadku ay maqlayeen hadalhayntii xukunkii maalmahaa ku dhacay Ismaaciil Cali Abokor oo ahaan jiray madaxweyne ku xigeen iyo  Cum ar Carte Qaalib oo muddo dheer ahaa Wasiirkii arrimaha dibedda oo labado odaba lagu xukumay dil iyadoo la sii daayey dhammaan xubnihii la xidhnaa  o o ka soo jeeday koonfurtii Soomaaliya ee xilligaa. Dilkaas oo markii danbe lo ogu bedelay xabsi aan dhammaad lahayn. Maalmahaas ayaan ka soo anbab axay Muqdisho.

Socdaalkaygii hore waxa aan ku horreeyey Hargeysa, balse markii danbe  w axa aan ku soo noqday Sheekh. Goor galab ah oo saacadda afrikada bari  c aga-cagaynayso shantii galabnimo ayaa loo diyaargaroobay BBC dii. Waa Makhaayad hadhqoodaarkeeda, waxa fadhiya dad badan waxa dhegta loo taagayaa heshiiskii dhexmaray Siyaad iyo Mingistu. Wax la sugoba waxa ay si faahfaahsan uga warrantay heshiiskii. Waxa aan ka xasuustaa

1. In ciidanka xadka fadhiya 30 km laga durkiyo sooh dimaha

2. In la xidho idaacadaha xooggaga mucaaradka ku ah labada dal

3. In tageerada laga joojiyo xooggaga mucaaradka labada dhanba

Xilligaa waxa jiray oo keliya oo xoog ahaa jabhaddii SNM. Waayo muddo ka hor ayey burburtay jabhaddii ugu da'da weynayd ee SSDF oo uu hoggaam inayey Cabdilaahi Yuusuf Axmed, oo xilligaa xidhnaa, kuna xidhnaa Itoobiya. Heshiiskaasi waa mid aan tuugna xadi karin. Waxa uu ahaa mid muujinayey daciifnimadii maamulkii Siyaad Barre. Waayo waxa uu u saxeexay in aan laga hadli karin dhulkii Soomaligalbeed oo ay Itoobiya iska leedahay. Isagoo  xillig aa u arkayey dhibka ugu weyni in uu yahay kursiga oo lagu soo weeraro. Sheekadaas umaan bixin ee yaanaan qalin taraarin ee aan soo gondadego. Makhaayaddii baynu fadhinay. Markii ay BBC dii warkii dhammaysay baa dadkii sheekaysteen. Nin Gaashaanle sare ahaa oo haystay ciidanka xoogga dalka ee xerada Sheekh baa intuu qoslay yidhi: " Maantaa geeleenu nabad ku daaqayaa dhulkii Hawdka" Dee cidi uma ay jawaabaynoo waaba laga  baq ayey. Laakiin waxa hoos loo sii lahaa" Yaa... ... waar maantay inoo dhamma tay. Maantaa la soo qabqabanayaa SNMtii iwm.

Maalintii danbe ayaa la waraystay Muj: Axmed Siilaanyo. Waxa aan ka xasu ustaa su'aalihii la weydiiyey: "Miyaan halgankiiníi sidaa ku istaagin mar had dii ay heshiiyeen Siyaad Barre iyo Mingistu? warcelintiisii baanaan illaabi  kar in oo ka kululaa madaafiic. Waxa uu Axmed ku jawaabay: " Halgan kayagu kuma xidhna laba dal oo heshiiya ee waa halgan ummadeed, mana  joogsan ayo" Hadaladaasi waxa ay u ahaayeen dulmanihii xilligaa joogay, hadallo lagu diirsado. Waxa ay u ahayd yididiilo. Waxa tuhun uu geliyey in uu  ogyah ay arrimo u qarsoon iyo awoodo uu ku faani karo oo ka qarsoon Labada da wladood ee heshiiyey. Waxa taa xigtay saddex bilood dabadeed, in  dalkii ba la soo galay oo SNM ka dhex toostay Burco iyo Hargeysa.

Markii uu  dagaalku bilaabmay ayaa la weydiiyey qaabka dagaalku uu u dhac ay. Axmed  Siil aanyo markii uu ka jawaabay su'aalihii kale ayaa la weydiiyey in ay Sheekh gacanta ku hayaan. Runta ayuu ka sheegay oo yidhi Maya,  Sh eekh ma  odh an karo. Markaa waxa aan ku sugnaa magaalada Sheekh, oo dee haddii uu odhan lahaa SNM baa haysata warkii oo dhan waxaanu is odhan lahayn waa been. Waxaase waraysigaasi uu noo caddeeyey in uu xaqiiqo ka sheegayey goobihii dagaalku ka dhacay.

Haddii aan xasuusta dib halkaa uga sii celiyo. Dagaalkii uu ku dhintay Maxamed Xaashi Lixle 1984kii ilaahay ha u naxariistee ayaa uu ku jawaabay, SNM waa wada Lixle, oo macnaheedu ahaa haddii uu geesi naga dhintay SNM waa wada Geesi.

Isku soo wada xoori. Maalintii Jimcihii ee bishu ahayd 12/06/2009 ayaan  ku la kulmay casha sharaf loo sameeyey Mud: Axmed Maxamed Maxamuud Siil aanyo iyo Marwadiisa iyo xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE.Waxa ca shasharaf-taas sameeyey Jaaliyadda deegaanka Dariiqada Sheekh oo aa n ka mid ahay. Waxa dad badan garanayaan deegaanka Dariiqada Sheekh oo xilli laga joogo 150 sannadood ka hor ka xoroobay qabyaaladda iyo kala qay bsanaanta dadka soomaaliyeed ragaadiyey. Waa deegaan kooban oo hadda na ay deggenyihiin qabaal aad u fara badan oo ka kala yimi deegaanno kala fog. Waa deegaan ku caan ahaa waxbarashada, waa meel ka tilmaaman dee gaanada kale. Waxba yaanaan taa ku dheeraan ee aan ku soo noqdo casha dii iyo kulankii Siilaanyo. Kulan kaasi ma uu ahayn mid lagaga sheekaysanay ey xaallada maanta taagan, ee waxa aad u xiise badnaa, in waayo hore iyo taariikho hore ilaa dugsigii hoose ay isla garteen si fiicanna noogu soo gudbi yeen Ruugcaddaaga, Rashiid Sh Adan Xasan iyo Axmed Maxamed Siilaanyo.

Sheekooyinkaas iyo kaftankaas waxa dhexsocday cuntadii iyo cabbitaankii oo uu xilweyn iska saaray Caddaruus Sh Aadan oo gurigiisa marti loo ahaa. Qoraalkan uguma aan talo gelin xaaladda maanta taagan iyo xisbiyada toon na. Qof kastaaba xisbiga uu doono ayuu taageerayaa oo uu xor u yahay ee taariikh hore iyo xusuus ayuunbaan qalinka u qaatay iyo tilmaamid kulankii iigu horreeyey ee aan la kulmo Axmed Siilaanyo oo aan aad u xasuusto anig oo dhawr iyo toban jir ah iyo xaaladdii adkayd ee dalku berigaa ku jiray oo uu ahaa hoggaamiyihii SNM iyo maanta oo Afartan jirkii wax ii weheliyaan.

Waad qiyaasi kartaa muddada u dhaxaysa. Wax badan baa isbedelay oo ilm ihii maalintaa dhashay xaas buu leeyahay. Kii shan jirka ahaa waa soddon jir ku dhowaad. Dadkuna taariikhda waxa ay ka eegaan kolba halka maanta ta agan. Tagtada ayaa lagu saxaa timaaddada. Haddii kale meel laga yimi iyo m eel loo socda toonna garanmaysid oo waxaad noqonaysaa "Dhirad onkod kiciyey"

 

 

 

Sayid Maxamed Yuusuf
Stockholm/Sweden