waxaan soo jeedinayaa rayi

 

 

Aug. 17, 2011



A.S.W.B.

Salaanta islaamka ayaan dhamaan idinku salaamayaa. Salaantaa ka dib, waxaan qalinka u qaa tay inaan rayi yar idin soo hordhigo. Waynu ka warhaynaa abaarta dheer ee saamaysay man daqada ay Soomalidu dagto. Koonfurta Soomaaliya xaalkeedu meel xun ayuu marayaa.


Sidaa daraadeed, aniga oo ah muwaadin u dhashay Somaliland, waxaan soo jeedinayaa rayi ah,in jaaliyada Somaliland ee qurbaha ku sugan(Europe, Arabia, Australia and N.America) ay ugu taburucaan lacagta FIDRADA bisha Ramadan ee barakaysan ee sanadkan 2011,walaalah ooda Koonfurta Soomaaliya ee ay abaarta ku habsatay.


Waxa iminka inaga xiga 10 maalmood waqtiga ay Fidradu inagu waajibtay. Markaa, waxa hab oon in 3da maalmood ee soo socda laga furo Sanduuq xawaalada Dahabshiil, oo lagu shubo l acagta Fidrada. Waxa iyana haboon in la magacaabo guddi heer qaran ah, oo ay ku jiraan dha maan dad ka socda 6da gobol ee Somaliland. Guddidu waxa ay u xil saarantahay meelayntaa iyo gaadhsiinta gargaarka dadka tabaalaysan.


Si uu rayigani u meel maro, waxa lama huraan ah in la qaado olole lagu wacyi galinayo dhama an dadka dibbada jooga. Walaalayaal, hadii aad ila qaadataan rayigan yar, waxaan idinka cod sanayaa inaad soo taageertaan, oo aad mareegaha Somaliland ku soo bandhigtaan taageera daa. Walaalayaal, way hawl yartay fulinta arrinkani. Sababta oo ah,Fidradu waa waajib in la bixiyo. Khayr badan ayaa ku jira wax u tarka dadka jilicsan, siiba bishan barakaysan.


Ilaahay waxaan ka rajeynayaa inuu dhibaatada ka qaado guud ahaan muslimka,gaar ahaana Soomaalida. Walaalayaal, aynu u kacno walaalaheen, Ifka iyo Aakhriba waynu u aayi.

Wa Bilaahi Tawfiiq,
 

 

 

 

 

 

Ahmed M. Adan-Dheri
Atlanta , U.S.A