midnimadeena oo aynu ilaashano iyo hal qawl oo aan ku hadalo,Iyo Saxaafadeena oo mid qudha ah, cadawgana il-dheer ku eegaan

 

Waxaa hubaal ah oo inagu socoda, hadii aynu nahay Soomaaliland, Colaado fara badan, kana soo burqanaya cadowga Soomaaliland. Waxaana ugu  hore eya Saxaafadii Soomaaliland oo la rabo inlaga dhex ridio khilaaf, Taasi oo aad mudooyinkan ugu dambeeyey ku arkeyso in saaaxafdii Soomaalilanad ku ma sh-quul-santahay ka hadalka inanyar oo qaxooti ah, oo inta uu gurigiisa  dhe x-dhigtay Compurter qora been aan sal iyo raadtoona lahayn. Runtii waxaan aniga qabaa inaanu istaahilin in wakhti lagu luimiyo.

Saaxaafadu waa indhaha umada waa kuwa loo sameeyey inay umada u  tilma amaan shar iyo kheyrba. waa kuwa la doonayo inay hal taar-gid yeeshaan u na adeega danaha ummadda.waxaan haboon inay Iskana ilaaliyaan wax  kast a oo khilaaf ku keeni kara.

Meelaha kale ee weerarku ka imaanayo waxaa kow ka ah Wadaka Kenya, hal kaasi oo uu jeefo naxliga ugu weyn ee nacaybka Soomaaliland. Waxaa kale oo ku soo biiray FM-ta VOA, oo iyadan hada rukhsad loo siiyey in ay wadanka been ka sheegto. Hore waxaa khaati looga joogey tii BBCda iminkana tan  ay aa ku soo biirtay.

Waxaa kale oo iyadauna jiraty masiibo kale oo ah qaxooti aad u fara badan oo bar-yahan ku soo qul-qulaya wadanka, iyaga oo aan wax dhibaato ah ka jrin meelaha ay ka imanayaan. qoxootigaasi waxaan anigu qabaa in loo gacan haadinayo oo dano siyaasadeed ka dambeeyaan. dadakaasi waa culeys  wey n oo aan Soomaaliland qaadi karin dhican-kastaba, Dawlada Soomaalilandna qorshe ay la damacsantahay ilaa hada ma cada .

Hadaba , waxaa si oo dhibaatooyin ah ee aan kor ku soo sheegey waxaa laga hortagi karaa midnimadeena oo aynu ilaashano iyo hal qawl oo aan ku hadalo Iyo Saxaafadeena oo mid qudha ah, cadawgana il-dheer ku eegaan..

 


 


By:Maxamed Yuusuf Buux