Waxa wax lala yaabo ah siyaasi madhalaysa oo Aabihii dalka wax ka sheegaya

 


Sida uu ku sheegay waraysi uu siiiyey hornpress.com Maxamed Xaashi cilmi oo ah siyaasi reer somaliland ah ayaa waxa uu aflagaado aan geedna loogu soo gaban usoo jeediyey madaxweynihii hore ee dalka somaliland Marxuum Maxamed I. Cigaal, waxana uu ku tilmaamay nin garmaqaate ah, oo aan  tala da dadka dhegaysan habayaraatee.

waxa wax lala yaabo ah in siyaasi madhelaysa oo aan siyaasada wax  karaaa mo ah ku lahayn uu hadalo noocaasa ka sheego madaxweyne dalka karaamo iyo xishmad ka mudan.


sida aynu ognahay dalkasta oo dunida kamida waxa uu leeyahay asaase ama nin loo yaqaan aabaha dalka oo ku mutaysta wax qabadka iyo halka uu  dalkii sa gadhsiiyey, tusaale ahaan Maraynkanka ayaa waxa ay aabaha dalka u  ya qaanaan George Washington oo ah nin si aada looga danbeeyo, Dadka reer somaliland ayaa iyana waxay ku naanaysaan Marxuum Cigaal inuu ahaa  aabi hii wadanka somaliland, isagoo dalka ka dhigay dalka jira una sameeyey  dha maan astaamaha qaranka sida Calan, Lacag, Passport, Dastuur iyo iwm.

Haddaba arrinta aan cidina akhrisan karin ayaa ah in Maxamed Xaashi Cilmi oo ah nin siyaasi madhalaysa ama siyaasad xumadiisu usoo hoysay karaamo darro iyo inuu cid walba ka hor yimaado uu wax ka sheego. Maxamed Xaashi oo inkabadan 30-sano siyaasada ku jiray ayaan marna wax guul  siyaasadee da aan gaadhin taasoo keentay inuu ka masayro siyaasiinta ku guulaysta siyasadooda dalkoodna wax tara, inkastoo aanan ka maqal anigu waxa laga sheegaa inuu yidhi ILAAHAY DADKA AMA SIDAYDA KA DHIG AMA ANIGA SIDOODA IGADHIG. dhawr jeer ayuu isku dayay inuu siyaasada meel ka  gaad ho hase ahaatee soomalidu waxay tidhaahdaa tiisaba daryeela tu kale ku  da ra, Maxamed isagoon lahayn dabeecad iyo karti dadku ku aaminaan ayay  ma r walba badweynta siyaasaduu soo tufaysay waxan uuu caadaystay inuu  m arba qof karaamo leh meelahaa ka caayo.


Hadaba inkastoo uu Maxamed Xaashi ahaa xubin sare oo ka tirsanayd ururkii SNM, hadana siyaasad xumidiisa ayaa dadka ka faquuqday taaso keentay  ina anu karaamo ku dhexyeelan mujadhidiintii SNM.


waxanu leenahay Maxamed Xaashi dhanqanka soomalida, diinta islaamka iyo akhlaaqda siyaasada midna kuma jirto in dad dhintay wax laga sheego, hak una guban dadka godka hurda ee allahood la kulmay. hadii aanu raali gelin  bu uxda ka bixin arrinkaas waxan leenahay meeldheer bay kula gaadhi.
 

 


C/risaaq C/laahi Aadan

aadan13@gmail.com